Islaamka
dib

44. Ad-Dukhaan

1Xaa Mim

2Waxaan ku dhaartay kitaabka(Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa)

3Hubaal waxaanu soo waxyoonnay (Qur’aanka) habeen barakaysan3. Hubaal waxaanu nahay mar waliba kuwa diga

4Dhexdiisa baa arrin kasta oo xukun ah la gooyaa

5Xukun ka yimid Xaggayaga. Hubaal waxaanu nahay kuwa soo dira (Rusul)

6Naxariis xagga Rabbigaa ah. hubaal waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon

7Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddi aad yaqiinsaneysaan

8Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn, Waa isaga Kan bixiya nolol, oo sababa dhimasho, waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore

9Bal! Waxay ka qabaan shaki, way iska dheelaan

10Ee sug Maalinta ay samadu keeni doonto qiiq muuqda

11kaasoo dabooli doona dadka, kani waa cadaab xanuun badan

12Rabbigayow! Naga feyd cadaabta4, xaqiiq waanu rumyan

13Goorma bay waantoobi, iyagoo dhab ahaan uu halkaa ugu yimid Rasuul iska cad

14Markaas bay ka jeesteen oo yidhaahdeen: waa mid ay wax soo bareen (qolo kale), waa nin waalan

15Hubaal Waxaanu idinka feydi cadaabka wax yar. Waxaadse hubaal ku noqon doontaan (xumaha)

16Maalinta aan ku qaban doonno (iyaga) qabasho daran oo weyn5. Hubaal waanu aarsan doonnaa

17Oo xaqiiq waxaanu imtixaannay iyaga hortood qolodii Fircoon, oo waxaa halkaa u yimid Rasuul sharaf leh (Muuse)

18Isagoo leh: Ii dhiiba adoommaha Ilaahay6. Hubaal waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah

19Oo waa inaydaan iska sare yeelin Allaah. Hubaal waxaan idiinla imaan awood cad

20Oo hubaal waxaan ka magan galaa Rab- bigay iyo Rabbigiin inaad idhagaxyeysaan

21Oo hadddii aydaan i rumeysneyn, haddaba waxba ha igu darsannina

22Markaas buu u dhawaaqday Rabbigi: Kuwakanu waa qolo dambiilayaal ah

23Ee la Guuree addoomahayga habeennimo. Hubaal, waa la idin soo daba gali doonaa

24Oo dhaaf baddoo deggan8 oo qaybsan: hubaal waa ciidan la qarqin doono

25Intee bay beero iyo ilo ka tageen

26Iyo dagal iyo degaan wanaagsan

27Iyo nicmooyin ay ku raaxaysanayeen

28Sidaas (bay ahayd)! Oo waxaan dhaxalsiinnay qolo kale

29Marka samada iyo arladu uma ay ooyin, oo lama siin wax nafis ah

30Oo xaqiiq Waxaanu ka badbaadinnay ilmihii Israa’iil cadaabta dulleysiga

31Xagga Fircoon ah; hubaal Wuxuu ahaa islaweyne, ka mid ahaa xadgudbayaasha

32Oo xaqiiq waxaan ka doorannay (dadkii waqtigoodii), annagoo aqoon u leh

33Oo waxaan siinnay oo ka mid ah calaamaadaha9 wax ay ku sugnaayeen imtixaan cad

34Hubaal kuwakani waxay yidhaahdaan

35Ma jirto waxaa aheyn dhimashadayada hore oo ma nihin kuwo dib loo soo nooleyn

36Ee (dib) u soo cesha Aabbayaashayadii hore, haddii aad run sheegaysaan

37Ma iyagaa khayr badan mise qolodii Tubbac10 iyo kuwii iyaga ka horreeyey? Waanu hallignay, hubaal waxay ahaayeen denbiilayaal

38Oo uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya dheel

39Uma aannu abuurin iyaga waxaan Xaq aheyn, laakiinse badankoodu ma oga

40Hubaal Maalinta kala Soocu waa ballan loo qabtay iyagoo dhan

41Maalinta uusan gacal waxba u tari doonin gacalki oo aan loo gargaari doonin

42Mid uu Allaah u Naxariisto ma’ahee: hubaal waa Adkaadaha, Naxariista Badan

43Hubaal geedka Zaquumka

44Waa cuntada denbiilayaasha

45Sida Saliid laami ah buu ugu kar-kari doonaa caloolahooda

46Sida kar-karka biyo aad u kulul

47Qabta isaga, markaas u jiida Naarta bartankeeda

48Oo uga shuba madaxa korkiisa cadaabta biyaha karaya

49Dhadhami: Waxaad runtii isu heysatay inaad tahay adkaadaha, sharafta leh

50Hubaal kanu waa wixii aad ka shaki qabteen

51Hubaal Kuwa iska jira (xumaha) waxay ku sugnaan meel aamin ah

52Beero dhexdood iyo ilo

53Waxay xidhan xariir jilicsan iyo mid adagba, iyagoo u fadhiya fool ka fool

54Sidaas (bay ahaan doontaa), oo Waxaanu u guurin doonnaa xuurul ceyn

55Waxay u yeedhan doonaan miro nooc kasta ah, iyagoo nabdoon

56Ma ku dhadhamin doonaan dhexdeeda dhimasho aan aheyn dhimashadii hore, oo wuxuu ka badbaadin cadaabta Naarta

57Waa fadli xagga Rabbigaa ah. (Arrin)kani weeye Liibaanta Weyni

58Sidaas baan uga yeelnay wax u sahlan carrabkaaga, bal inay waantoobaan

59Ee sug; hubaal iyagu way sugayaan

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath