Islaamka
dib

36. Yaasiin

1Yaasiin

2Waa igu Qur’aanka, Xikmadda Badan

3Hubaal adigu (Nabi Muxammadow) waxaad ka mid tahay kuwa la soo diray

4Waxaad ku sugan tahay Jid Toosan

5Waxyi ka soo degay Adkaadaha, Naxariista Badan

6Si aad ugu digto qolo aan aabbayaashood loo diginba, marka iyagu waa war la' yihiin

7Dhab ahaan Waxaa ku rumoobay badankood Qowlka (Cadaabka), marka ma ay rumeystaan (Xaqa)

8Hubaal Waxaanu u surnay mareegyo bir ah luqumahooda oo iyagu gaara ilaa gararkooda, sidaa awgeed waxay u taagaan madaxyadooda dusha sare

9Oo Waxaanu yeellay hortooda xidh, gadaashoodana xidh kale, oo waan arag daboolnay marka iyagu wax ma arkaan

10Oo waa isugu mid haddii aad u digto ama aad u diginba, ma ay rumeystaan

11Waxaad uun u digi kartaa kan isagu raaca Waanada oo ka baqa Raxmaanka sir (iyo saaqba). Ee ugu bishaaree dambi dhaaf iyo abaalgud sharaf leh

12Hubaal waxaanu nolol galinnaa meytida, oo waxaan qornaa waxa ay hormarsadeen iyo raadadkoodiiba, oo wax walbaa waxaynu ku koobnay2 (oo qornay) Kitaab cad (Looxa Maxfuudka)

13Oo waxaad ugu soo qaadataa tusaale; (qisada) dadkii magaalada (Antaakiya), markii Rusushii (Ciise ku soo diray Amarka Ilaahay) ay u yimaadeen

14Marka aan u soo dirnay Xaggooda labo, markaasay labadiiba beeniyeen, markaa- saan ku xoojinnay mid saddexaad, oo waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaanu nahay rusul xaggiinna loo soo diray

15Waxay yidhaahdeen: Ma ahidin waxba aan ahayn dad nala mid ah aan waadheyn, mana soo dejin Raxmaanku waxba, ee been uun baad sheegeysaan

16Waxay yidhaahdeen: Rabbigayo waa Ogsoon yahay inaan hubaal nahay rusul xaggiinna loo soo diray

17Oo nama saarna waxaan ahayn gaarsiin cad (ee Risaalada)

18Waxay yidhaahdeen: Hubaal innagu waa idin shareysannay, haddii aydaan joojin (waxa aad waddaan), hubaal waa idin dhagaxyeyn doonnaa, oo waxaa xaqiiq idinka taaban doona xaggayaga cadaab aad u xanuun badan

19Waxay yidhaahdeen: Shareysigiinnu waa la jirkiin, ma in la idin waaniyey darteed3? Mayee, waxaadba tihiin qolo xadgudub badan

20Oo waxaa ka yimid magaalada dhan- keeda shishe nin (Xabiib An-Najaar) roora- ya, wuxuu yidhi: tolkayow! Raaca Rususha

21Raaca kuwo aan idin weydiisan wax abaal gud ah, oo iyagu ah kuwo hanuunsan

22Oo maxaan u heystaa sabab inaan caabudin (Allaah Keliya) ee ah kan ifka i keenay? oo Xaggiisa baa la idin soo celin doonaa

23Oo ma waxaan yeeshaa Isaga (Alle) sokadi ilaahyo (kale), haddii uu Raxmaanku (Allaah) ila doono dhibaato, ayan i tari doonin garab siintoodu waxba, oo aan awoodi doonin inay i badbaadiyaan

24Markaa Waxaan hubaal anigu ku suganahay habow caddaan ah

25Hubaal anigu waxaan rumeysanahay Rabbigiin, ee i maqla

26Waxaa la yidhi: Gal jannada. Wuxuu yidhi: Alla dadkaygu may ogaadaan

27Waxa Rabbigay iigu dambi dhaafay, oo uu iiga mid yeelay kuwa la sharfay

28Oo uma aanu soo dirin dadkiisii isaga kadambow wax ciidan ah aan kaga keennay samada, mana aanu falno sidaas

29Ee waxay ahayd dhawaaq qaylo keliya ah, markaas bay wada baseen

30Alla maxay qoomamo u ahaatay addoomaha! Ma jiro Rasuul u yimaada balse aanay ku jeesjeesin

31Mawaysan u fiirsan intee baan facyo ka mid ah rognay hortood, waayo iyaga xaggooda umaba soo laabtaan

32Oo kulligood iyagoo dhan hubaal Hortayada la keeni doono

33Oo waxaa Calaamo u ah arlada meydka ah, waanu nooleynaa, oo ka soo saarnaa haruur, markaasay wax ka cunaan

34Oo Waxaanu yeellaa dhexdeeda beero timir ah iyo canabyo, oo yeelnaa ilo (biyo ah) inay ka dhex socdaan

35Si ay u wax uga cunaan midhahiisa, oo ma ayan sameyn gacmahoodu5. Ee Ma waysan haddaba mahad naqeyn

36Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo nazahan Kan ka abuuray lammaane wax kasta, oo ka mid ah waxa uu dhulka soo saaro, iyo xagga nafahooda iyo xagga waxa aysan ogaynba

37Oo waxaa Calaamo ugu sugan habeenka, Waxaan ka soo saarnaa maalinta, mise waxayba ku jiraan mugdi

38Oo qorraxdu waxay u oroddaa muddo loo cayimay.(arrin)kaasi waa Qaddarka (Ilaahay) Adkaadaha aan laga adkaan, wax kasta Ogsoonaha ah

39Oo (ma xagga) dayaxa, Waxaanu u qaddarnay heerar uu maro ilaa uu soo noqdo mar kale sida laan timireed qallalan oo gabowday

40Looma oggola qorraxda inay haleesho dayaxa, habeenkuna ma ka hormi karo maalinta. Oo dhammaan waxay ku dabaashaan mareeg (garangar) dhexdi

41Oo Waxaa Calaamo ugu sugan inaan ku qaadnay ubadkoodii6 Doonidii buuxday

42Oo Waxaan uga abuurnay wax caynkeed ah oo ka mid ah, wax ay fuulaan

43Oo haddii aan doonno, waanu qarqin karnaa, markaa ma lahaan doonaan wax u u soo gurmada, lamana badbaadin doono

44Inay ka ahaato mooyaane Naxariis Xaggayaga iyo raaxo ilaa muddo ah

45Oo marka lagu yidhaahdo: Iska jira waxa ah hortiinna iyo waxa ah gadaashiinna7 si la idiinkugu naxariisto

46Oo uma timaaddo calaamad ka mid ah calaamadaha Rabbigood, bal way ka sii jeesadaan

47Oo marka lagu yidhaahdo: Wax ka bixiya waxa uu Allaah idinku irsaaqay, kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay ku yidhaahdaan kuwa rumeysan: Ma waxaan quudinnaa` mid haddii uu Allaah doono uu quudin lahaa? Idinku kuma sugnidin waxaan ahayn habow caddaan ah

48Oo waxay odhanayaan: Goorma bay gooddintani fuli doontaa, haddii aad run sheegaysaan

49Ma sugaan wax kale aan aheyn hal Qaylo weyn9, oo qaadi doonta iyagoo weli wada murmaya

50Markaas ma kari doonaan inay dardaarmaan, umana soo laaban donaan ehelkooda

51Oo buunka baa la aafuufi10, mise kolkaa bay qubuurahooda ka soo yaaci iygoo u degdegaya xagga Rabbigood

52Waxay odhan doonaan: Hoog baa noo sugnaadaye! Yaa naga soo kiciyey meeshayadii aan hurudnay? Kanu waa waxa uu Raxmaanku ballan qaaday, oo Rusushii la soo diray run bay sheegeen

53Ma ahaaneysa wax kale aan aheyn hal Qaylo keliya, Mise kolkaa! Waxay dhammaan ahaan doonaan kuwo Hortayada la keeno

54Marka Maanta nafna laguma gardarroon doono in yarba ahaatee, oo ma la idinku abaal marin doono wax kale aan ahayn waxaa aad fasheen

55Hubaal, ehlu-Jannuhu, waxay maalin- taas ku sugnaan shuqul (la raaxeysi afooyinkooda) iyagoo aad u faraxsan

56Iyaga iyo afooyinkoodu waxay ku sugnaan hoosas harac ah, iyagoo ku jiqlaysan sariiro heer sare ah

57Waxay ku lahaan midho gudaheeda oo waxay lahaan waxa ay doonaanba

58Nabad ahaada: waa qowl uga imaan Rabbi, Naxariis Badan (Allaah Kor ahaaye)

59Oo dhinac u bax maanta; Dambiilayaashow

60Mawaanan idiin xil saarin Ilma Aadanow inaydaan caabudin Shaydaan? Hubaal, wuxuu idiin yahay cadow cad

61Iyo inaad i caabudaan Aniga (Alle Keliya) Kani weeye Jidka Toosane

62Oo dhab ahaan wuxuu (Shaydaan) habaabiyey dad badan oo idinka mid ah. Mawaydaan aheyn kuwo wax garta

63Tani waa Naartii la idiinku gooddinayey

64Ee gala oo ku gubta oo gamaara iyada maanta gaalnimadiinnii darteed

65Maalintaasi Waxaynu dabooli afafkoo- da, oo gacmahooda baa nala hadli doona, oo lugahooda baa ku marag furi doona waxay kasbadeen

66Oo haddii aan doonno, waxaan hubaal malaasaynaa indhahooda, markaasay hadba dhinac u cararayaan iyagoo raadinaya Jidka, Sidee bayse u arkayaan

67Oo haddii aan doonno, waxaan hubaal ku masakhaynaa halkooda, markaas ma karayaan inay horey u sii socdaan, mana soo noqon doonaan

68Oo mid kastoo aan siinno cimri dherer, Waanu tabar yareynaa abuur ahaan (oo asaasiqinnaa). Ee mawaysan haddaba garaadsaneyn

69Oo ma aanu barin isaga (Nabi Muxammad) gabay, mana aha wax ku habboon. Kani ma aha waxaan ahayn Waano iyo Qur’aan caddaan ah

70Si uu ugu digo kan nool oo Weedha xaqa ah ugu rumowdo gaalada

71Mawaysan arag inaan u abuurnay xoolo ka mid ah waxa ay gacmahayagu sameeyeen, ay iyagu hantaan oo leeyihiin

72Oo Waan u laylinnay iyaga, sidaa awgeed qaarkood waxay u adeegsadaan rukuub ahaan, oo qaar waa ay cunaan

73Oo waxay u leeyihiin manaafacaad kale iyo cabbitaanno. Ee Mawaysan haddaba mahad naqayn

74Oo waxay yeesheen ilaahyo (kale) ay Allaah barbar dhigaan, si loogu gargaaro

75(Ha yeeshee) ma kari doonaan inay u gargaaraan, oo iyaga (naf ahaantooda) baa u ah ciidan u soo gurmada

76Ee yuusan hadalkoodu ku murugo gelin, hubaal Waan ognahay waxa ay u falaan qarsoodiga iyo waxa ay caddaystaanba

77Mawuusan aadmigu arag inaan ka abuurnay mino-nool. Markaas mise waa col iska cad oo dood badan

78Oo wuxuu soo qaataa tusaale uu annaga noola dan leeyahay, oo hilmaamaa abuuristiisa. Wuxuu yidhaahdaa: Yaa nooleyn doona lafaha marka ay baaliyoobaan

79Dheh: Waxaa nooleyn doona Kan ifka keenay kolkii horeba. Oo Isagu (Alle) waa u Xog ogaal uunka oo idil

80Kan Isaga idiin yeelay dabka (aad ka shidataan) geedka cagaaran, si aad wax ugu hursataan

81Ma wuusan (Alle ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada awoodin inuu abuuro iyagoo kale17? Haaheey, oo Waa Isaga Abuuraha, wax kasta Ogsoon

82Amarkiisu, marka uu doono wax uun, waa inuu keliya ku yidhaahdo: Ahaw, marka waaba yahay

83Ee xurmo oo dhan waxaa iska leh oo nazahan Kan (Allaah) ay Gacantiisu ku jirto Xukunka wax kasta, oo Xaggiiisa baa dib la idiinku soo celin doonaa

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath