98. Al-bayina
1Kuwa gaaloobay oo ka mid ah ehlu Kitaabka iyo mushrikiinta ma ahayn kuwa ka tagaya (gaalnimadooda) intay uga timaado xujada cad
2Rasuul (Muxammad) ka socda xagga Allaah oo akhriyaya waraaqo daahir ah
3Ay ku yaallaan dhammaan xeerarka wanaagsan
4Oo kuwaa la siiyey Kitaabka isma ay khilaafin kaddib markii mooyaane ay Xujada cad u timid
5Oo lama amrin waxaan aheyn inay caabudaan Allaah iyagoo u Keeli yeelaya cibaadada, toosan, oo hagaajiyaan salaadda oo bixyaan Zakada, oo sidaas baa ah diinta toosan
6Hubaal kuwa gaalooba oo ka mid ah ehlu-Kitaabka iyo mushrikiinta waxay dhex ahaan Naarta dabka iyagoo ku waaraya gudaheeda. Kuwaasi waa kuwa ugu sharka badan uunanka
7Hubaal kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan uunanka
8Abaalkooda Rabbigood agtiis ah waa Beero negaadi ah oo ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku waari doonaan dhexdeeda weligood, Allaah Raalli buu ka yahay, iyaguna Raalli ku yihiin. Sidaas waxaa leh kii isagu ka baqa Rabbigi
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath