Islaamka
dib

96. Al-calaq

1Ku akhri Magaca Rabbigaa, ee abuuray

2Wuxuu ka abuuray aadmiga xinjir

3Akhri! Oo Rabbigaa waa Sharaf Badnaha

4Ee baray sida wax loogu qoro qalinka

5Baray Aadmiga wax uusan aqoon

6Mayee! Aadmigu xaqiiq wuu xadgudbaa

7Inuu isu arko mid deeqtoon darteed

8Hubaal! Waa xagga Rabbigaa noqodku

9Ma waad aragtay midka isaga ka reeba

10Addoon markuu tukado

11Bal ka warran haddii uu ku sugan yahay jid toosan

12Amaba uu amro xume ka dhowrsiga

13Bal ka warran haddii uu kaasina beeniyo Xaqa, oo dhabarka u jeediyo

14Mawuusan ogeyn in Allaah arko

15Mayee! Haddii uusan meel joogin, waxaanu hubaal qaban doonnaa foodda

16Food beenley ah oo gefley ah

17Markaa ha u yeedho golihiisa

18Waxaan innaguna u yeereynaa malaa’ig daran

19Mayee, Ha adeecin isaga, oo sujuud, oo u dhowow (Allaah)

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath