Islaamka
dib

95. At-Tin

1Waxaan ku dhaartay Tiinka iyo Zaytuunka

2Iyo Buurta Siinaay

3Iyo magaaladan Aaminka ah (Makkah)

4Xaqiiq Waxaan u abuurnay Aadmiga qaab kan u wanaagsan

5Misna waxaan u celinnay hooseeyayaasha kan u hooseeya

6Marka laga reebo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxay mudan doonaan jar aan weligi go’ynin

7Ee yaa haddaba kara inuu kugu beeniyo arrinka abaal marinta

8Sow ma aha Allaah Kan u wanaagsan inta wax xukunta

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath