Islaamka
dib

93. Ad-Dhuuxaa

1Waxaan ku dhaartay Barqada

2Iyo habeenka marka uu wax ku daboolo mugdigiisa

3Rabbigaa kaama tagin (Muxammadow), mana uu kuu cadhoon

4Oo hubaal waxa dambeeya baa kaaga khayr badan waxa hore u tagey

5Oo dhowaan Rabbigaa baa deeq ku siin doona, marka waad raalli noqon

6Miyuusan ku helin adigoo agoon ah oo ku hoyaadin

7Oo ku helin adigoo habowsan oo kuma hanuunin

8Oo ku helin adigoo caydh ah oo kuma hodmin

9Ee ma agoonka, ha dhibin

10Oo ma kan wax weydiista, ha canaanan

11Oo ma xagga Nicmadda Rabbigaa, ka warran (oo ku mahdi)

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath