Islaamka
dib

92. Al-Layl

1Waxaan ku dhaartay habeenka marka uu soo rogo daaha

2Iyo maalinta marka ay iftiinto

3Iyo abuurista labka iyo dheddigga

4Dadaalkiinna hubaal waa kala ujeeddo duwan yahay

5Ee ma kan isagu wax bixiya oo ka dhowrsada xumaanta

6Oo rumeeya Tan aad u fiican (Jannada)

7Waxaan u fududeyn doonaa jidka fudud (Islaamka)

8Ma kan se isagu bakheylka ah oo isu arka mid deeqtoon

9Oo beeniya tan aad u fiican (Jannada)

10Waxaan u fududeyn doonnaa tan adag (Naarta)

11Oo muxuu maalkiisu u tari marka uu halaagsamo

12Hubaal waa xil na saaran inaan tusinno jidka (toosan)

13(Oo hubaal Annaga baa leh tan dambe Aakhirada) iyo tan horeba (adduunka)

14Ee waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa

15Ma uu galayo waxaan ahayn hoogaha

16Ee (Xaqa) beeniya oo dhabarka u jeediya

17Oo waxaa laga fogeyn doonaa (Naarta) kan ka dhowrsada xumaha

18Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo

19Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal oo laga sugayo inuu gudo

20Aan ahayn doonista Wejiga Rabbigi, ee aad u Sarreeya

21Oo dhowaan wuu raalli noqon doonaa

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath