91. Ash-Shams
1Waxaan ku dhaartay qorraxda iyo iftiinkeeda
2Iyo dayaxa marka uu raaco (qorraxda)
3Iyo maalinta marka ay muujiso caddaankeeda
4Iyo habeenka marka uu yeelo dabool dusheeda
5Iyo samada iyo Kan Isagu fidshay
6Iyo arlada iyo Kan Isagu goglay
7Iyo nafta iyo Kan Isagu simay
8Markaas kala garansiiyey waxa fiican ee u dan ah iyo waxa xun ee u daran
9Waxaa dhab ahaan liibaani qofka daahiriya naftiisa
10Oo waxaa dhab ahaan hoogi qofka xumeeya naftiisa
11Thamuud waxay beeniyeen (Xaqa) kibirkoodii darti
12Waa tii uu koodii uga sharka badnaa soo baxay
13Markaasuu Rasuulkii Ilaahay (Saalix) ku yidhi : Iska daaya Hasha Ilaahay! (ha dilana) oo siiya waraabkeeda
14Wayse beeniyeen, oo gowraceen (Hashii). Markaasuu Rabbigood u baabbi’yey dambigoodii dartiis, oo dhulka la simay (ama ka wada simay ciqaabkii)
15Oo Kama uu cabsado cidhibteeda
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath