90. Al-Balad
1Mayee,Waxaan ku dhaartay magaaladan (Makkah)
2Oo adiga (Muxammad) waad ka eed tiran tahay (ku dagaallanka) magaaladan
3Oo waa igu waalidka (Ibraahiim) iyo waxa uu dhalay (Ismaaciil)
4Xaqiiq Waxaan abuurnay aadmiga isagoo ku sugnaan dhib iyo howl
5Ma wuxuu moodaa inaysan cidna awood ku dul lahayn
6Wuxuu leeyahay: Waxaan lumiyey maal badan
7Ma wuxuu moodaa inaysan cidna arag
8Miyaanan siin labo indhood
9Iyo carrab iyo labo bishimood
10oo aan tusin labada jidood
11Ee muu ka gudbo jidka buurta ah
12Oo maxaa ku ogeysiiyey (waxa ay tahay ee looga gudbo) jidkaa buurta ah
13(Waa) xoreynta qof (addoon ah)
14Ama siinta cunno maalin gaajo jirto
15Agoon, aad qaraabo tihiin
16Ama miskiin dhulka yaal
17Haddana ka mid ah kuwa (Xaqa) rumeysan, oo iskula dardaarma sugnaanta iyo sabarka, oo (sidoo kale) iskula dardaarma naxariista (iyo is jeclaanta)
18Waa kuwaas qolada Midigta (Jannada)
19Ma kuwa se k ku gaalooba Aayadahayaga (xujooyinka, waxyiga iwm) waa kuwaas qolada Bidixda (ehlu Naarka)
20Dushooda waa Naar korka looga xiray
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath