8. Al-Anfaal
1Waxay wax kaa su'aali (xukunka) qaniimooyinka (dagaalka). Dheh, (go’aanka ku saabsan) Qaniimooyinka waxaa iska leh Allaah iyo Rasuulka. Ee dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo hagaajiya (xalleeya) waxa idiin dhexeeya oo khilaafaadkiinna ah, oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, haddii aad tihiin mu’miniin
2Sideedaba mu’miniintu waa uun kuwa ay baqo ka buuxsanto quluubtoodu marka la xuso Allaah, oo marka Aayadahiisa loo akhriyo ay u kordhiyaan Iimaan; oo Rabbigood (Keliya) isku halleeya
3Kuwa hagaajiya salaadda oo waxa aan siinnay wax (fiican) ka bixiya
4Kuwaasi waa mu’miniinta runta ah. Waxay ku mudan darajooyin sharaf iyo maamuus ah Rabbigood agtiis, iyo dambi dhaaf iyo risiq aad u wanaagsan
5Weliba sida uu Rabbigaa kaaga bixiyey gurigaaga si xaq ah, inkastoo qaar ka mid ah mu’miniinta ay hubaal kahanayeen
6Waxay kaala doodeen1 xaqa kaddib markuu u caddaaday, ( oo waxay baxeen) sidii iyagoo loo wado dhimasho iyagoo eegaya
7Oo waa tii uu Allaah idiin ballan qaaday mid ka mid ah labada kooxood inaad heli doontaan, oo waxaad jecleydeen tan aan hubeysnayn inaad is-heshaan2, oo Allaah wuxuu doonayey inuu ku sugo Xaqa Kelmedihiisa, oo cidhib tiro gaalada
8Si uu u sugo Xaqa, oo u buriyo baadilka haba nacbeystaan dambiilayaasha’e
9Waa tii aad gargaar weydiisateen Rabbigiin ee uu idinka aqbalay (ee yidhi): Waxaan idinku xoojin kun malaa’igta ka mid ah oo is daba joogta
10Oo Allaah kama yeelin waxaan ahayn war san aad ku faraxdaan, iyo inay ku xasisho quluubtiinnu, oo ma jirto guul aan ka imaan xagga Ilaahay. Hubaal, Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
11Waa tii uu sababay inay degganaanasho idinku soo degto, nabaadiino ahaan idiinka timid Xaggiisa, oo idinkaga soo dejiyey biyo xagga daruurta, si uu idiinkugu daahiriyo oo idiinkaga bi’iyo waswaaska Shaydaanka, iyo si uu u xoojiyo quluubtiinna, oo idiinku sugo cagaha
12Waa tii uu Rabbigaa u waxyooday malaa’igta: Anigu waa idin la jiraaye ee qalbi suga kuwa (Xaqa) rumeysan. Waxaan ku tuuri doonaa argagax quluubta kuwa gaalada ah, ee ku dhufta luqumaha korkooda, oo ku dhufta xubnaha far kasta oo ay leeyihiin
13Arrinkani waxaa u sabab ah waxay colaadiyeen Allaah iyo Rasuulkiisa. Oo qofkii colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa, hubaal, Allaah ciqaabtiisu aad bay u daran tahay
14(Arrin)kan--- bal dhadhamiya, oo (ogow) in gaaladu leeyihiin cadaab dab ah
15Mu’miniintoy! Marka aad la kulantaan gaalada oo duullaan ah dagaal dooni. Markaa ha u jeedininna dhabarrada
16Oo qofkii u jeediya dhabarkiisa maalintaa _ inay tahay maahee xeel dagaal, ama inuu ku biirayo ciidan (uu ka tirsan yahay), _ wuxuu xaqiiq ku mudan taasi Cadho ah xagga Ilaahay, oo hoygiisu waa Naar, oo iyadaa u xun meel la ahaado
17Haddaba ma aydaan layn idinkuye, laakiinse Allaah baa laayey. Oo adigu ma aad tuurin4 markaad tuurtay (cadowga), laakiinse wuxuu ahaa Allaah Kan tuuray, oo waa si uu Xaggiisa uga jarribo mu’miniinta jarribaad wanaagsan; hubaal Allaah waa wax kasta Maqle,wax kasta Ogsoon
18Arrinkan (waa fal Ilaahay) oo weliba Allaah waa licifiyaha halganka gaalada
19Haddii aad dalabteen xukun lagu kala baxo, haatan xukunka xaqiiq waa idiin yimid oo haddii aad joojisaan (colaadda), waa sida idiin khayr badan, oo haddii aad ku noqotaan (dagaalka) annagana sidoo kale waan soo rogaal celin doonnaa. Oo ciidamadiinnu waxba idiin ma tari doonaan si kastaba ha u tiro badnaadaane, oo (ogaada) in Allaah uu la jiro mu’mimiinta
20Mu’miniintoy! Adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, oo ha ka jeesannina Xaggiisa idinkoo maqlaya
21Oo ha noqonnina sida kuwii yidhi: Waan maqlaynaa, oo aan waxba maqlin
22Hubaal, noole waxaa ugu liita Allaah agtii kuwa (ka) dhega la’(xaqa), ee aan (xaq ku) hadlin ee aan waxba garanayn
23Oo haddii Allaah uu ku og yahay wax khayr ah, wuxuu ka yeeli lahaa inay maqlaan, oo hadduu ka yeeli lahaa inay wax maqlaan, waa uun sii jeesan lahaayeen iyagoo sii siibanaya
24Mu’miniintoy! Ajiiba (baaqa) Ilaahay iyo Rasuul (kiisa) marka uu idiinku yeedho wax idin nooleeya5, oo ogaada inuu Allaah kala dhex galo qofka iyo qalbigiisa, iyo in Xaggiisa la idin soo kulmin doono
25Oo iska jira fidmo aan ugu dhaceyn si gaar ah kuwiinna idinka mid ah ee xumaha fala6; oo ogaada in Allaah ay Daran tahay Ciqaabtiisu
26Oo Xusuusta markaad aheydeen kuwo tiro yar oo lagu daciifsado dhulka, cabsanaya si aan dadku idiin kala boobin, markaasuu idin siiyey hoy aamin ah oo idinku xoojiyey Gargaarkiisa, oo idin siiyey wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan, bal inaad mahad naqdaan
27Mu’miniintoy! Ha khayaamina Allaah iyo Rasuulka, oo ha khayaamina ammaanooyinkiinna idinkoo ogsoon
28Oo Ogaada in maalkiinna iyo carruurtiinu ay yihiin fidmo (imtixaan) iyo in Allaah agtiisa yahay Abaalgud aad u Wayn
29Mu’miniintoy! Haddaad dhwortaan (xilka uu idin saaray) Allaah, Wuxuu idin siin kala saare (aad ku kala saartaan samaanta iyo xumaanta), oo idinka tirtiri xumaatooyinkiinna, oo idiin dambi dhaafi, oo Allaah waa Rabbiga iska leh Fadliga aad u Weyn
30Oo waa tii ay galaadu kuu tab dhigeen si ay kuu xidhaan, ama kuu dilaan ama kuu saaraan debedda; oo way tab dhigeen, oo Allaah sidoo kale wuu tab dhigay, oo Allaah waa kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa
31Oo Marka Aayadahayaga loo akhriyo, waxay yidhaahdaan: Xaqiiq waanu maqallay; oo haddaan doonno waxaan odhan karnaa waxa uu yidhi oo kale. (Waxa)kanina ma aha waxaan aheyn sheeko - xariirtii dadkii hore
32Oo waa tii ay yidhaahdeen: Allahayow! Hadduu kani xaq yahay Adiga kaa yimid, haddaba nagaga soo daadi dhagaxyo roob oo kale ah xagga cirka ama noo keen cadaab aad u xanuun badan
33Ma ahase Allaah mid cadaabaya – adigoo dhex jooga, oo ma aha mid ca- daabaya iyagoo weli dambi dhaaf dalbaya
34Maxay se (cudur daar) leeyihiin si uusan Allaah u cadaabin iyagoo ka hor istaaga (dadka) Masjidka Xurmadda gaarka ahi leh, oo uma suubbadaan inay ahaadaan ehelkiisa? Oo ehelkiisu ma aha waxaan aheyn kuwa iska jira (xumaha), laakiinse badankoodu ma ogsoona
35Oo salaaddooda Beytka (Kacbada) agteeda ma ahayn waxaan aheyn foori iyo sacabbo tun. Ee haddaba dhadhamiya cadaabta gaalnimadiinna darteed
36Hubaal, gaalada waxay ku bixiyaan maalkooda si ay uga hor istaagaan (dadka) Jidka Ilaahay, sidaas bayna wax ugu bixin doonaan; misna waxay ku noqon doontaa qoomamo daran, misna waa laga adkaan doonaa. Oo gaalada xagga Naarta baa loo taxaabi doonaa
37Waa si uu Allaah uga sooco kuwa xun, kuwa wanaagsan, oo kuwa xun is dul saaro qaarkoodba qaarka kale, oo uu isku raseeyo dhammaantood, markaas ugu tuuro Naar. kuwan weeye kuwa ku sugan khasaaraha
38Ku dheh kuwa (Xaqa) rumeysan diida, haddii ay ka haraan (xaq diiddada) waxaa loo dhaafi doonaa wixii horay uga dhacay . Hadday se u noqdaan, waxaa xaqiiq sugaya jidka kuwii hore
39Oo la dagaallama jeer la waayo wax gardarro ah, oo diinta (cibaadada) waa inuu yeesho Allaah Keliya. Haddiise ay joojiyaan (gefka iyo gaboodfalka), markaas hubaal, Allaah waa arkaa waxa ay falaan
40Oo hadday jeestaan, ogaada in Allaah yahay Gacalkiin, Wanaag badanaa Gacalku, oo wanaag badanaa gargaarahu
41Oo ogaada in wax kastoo aad qaniimeysataan, markaa Allaah wuxuu leeyahay shan meelood oo meel9, iyo Rasuulka iyo qaraabada dhow (ee Rasuulka) iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan), haddaad rumeysan tihiin Allaah iyo waxa aan u soo waxyoonnay addoonkayaga (Nabi Muxammad) maalintii kala baxa10, maalintay kulmeen labadii ciidan, oo Allaah wax walba inuu falo wuu Karaa
42Oo waa tii aad idinku joogteen docda soke (ee togga)11, oo iyagu ay joogeen docda shishe, halka safarkii badeecadda siday idinka hooseeyay. Oo haddaad goosan laheydeen waqti aad dhexdiinna ku ballantaan, waxaa hubaal ah inaad seegi laheydeen ballankaas, laakiinse (waad is hesheen) si Allaah u fuliyo arrin horey uu u qaddaray; si ciddii halaagsami si cad ugu halaagsanto, oo ciddii noolaan si cad ugu noolaato. Oo hubaal, Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon
43Oo waa tii uu Allaah idinku tusay riyaadada inay tiro yar yihiin, oo hadduu idiin tusi lahaa iyagoo tiro badan, hubaal waad qalbi jabi laheydeen, oo aad isku qabsan lahaydeen arrinka. Laakiinse Allaah baa (idinka) badbaadshay. Hubaal waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha
44Oo wuxuu idiin tusay markaad kulanteen wax tiro yar oo kale indhihiinna, oo wuxuu idinka yeelay inaad ugu muuqataan wax tiro yar indhahooda, si uu Allaah u fuliyo arrin horay uu u qaddaray, oo Allaah baa loo celiyaa umuuraha oo dhan
45Mu’miniintoy! Haddaad la kulantaan ciidan (cadow ah) markaa sugnaada, oo xusa Allaah in badan si aad u guuleysataan
46Oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, oo ha isqabannina, yeydaan niyad jabine oo xooggiinnu tegin, oo samir yeesha. Hubaal Allaah wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha
47Oo ha la mid noqonnina sidii kuwaa uga soo baxay guryahooda kibir iyo istuska dadka, oo ka hor istaaga (dadka) jidka Ilaahay12. Oo Allaah wuu koobaa waxay falaan
48Oo waa tii uu shaydaanku u qurxiyey acmaashooda oo yidhi: Ma jiro maanta cid ka mid ah dadka oo idinka adkaan karta, oo hubaal aniga baa ah ilaaliyahiinna. Markayse is arkeen labadii kooxood ayuu u gurtay cidhbahiisa oo yidhi, hubaal Anigu barii baan idinka ahay. Hubaal waxaan anigu arkaa wax aydaan arag. Hubaal waxaan anigu ka cabsadaa Allaah, oo Allaah way daran tahay Ciqaabtiisu
49Waa tii ay munaafiqiintu iyo kuwa uu ku jiro cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm) quluubtooda yidhaahdeen: kuwaani diintooda baa hodday. Oo qofkii isku halleeya Allaah, haddaba hubaal, Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
50Oo haddaad arki lahayd marka ay malaa'igtu nafta ka qaadeyso gaalada iyagoo ka garaacaya wajiyadooda iyo dhabarradooda (oo ku leh): Dhadhamiya cadaabta gubashada
51Arrinkani waa waxay gacmihiinnu hormarsadeen awgii, iyo in Allaah aanu u ahayn mid ku gardarrooda addoomahiisa
52Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: waxay rumeysan diideen Aayadaha Ilaahay, markaasuu Allaah u halaagay dambiyadoodii awgood. Hubaal Allaah waa Xoog Badane, Ciqaab Adag
53Arrinkani wa inaan Allaah marnaba beddelin nicmad uu siiyey dad jeer ay beddelaan iyaga xaalkooda; iyo waa inuu Allaah yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon
54Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: Waxay beeniyeen Aayadahii Rabbigood, markaas baan ku halaagnay dambiyadoodii awgood, oo waxaan qarqinnay qolodii Fircoon, oo waxay kulligood ahaayeen gar ma qaatayaal
55Kuwa u sharka badan noolayaasha dhulka ku socda Allaah agtii waa gaalada (madaxa adag),marka ma ay rumeynayaan
56Kuwa aad la gasho axdiga, haddana jebiya axdigooda mar waliba, oo aan ka dhowrsan (ciqaabka Ilaahay)
57Ee haddaad ku hesho dagaal kala firdhi (adigoo tusaale uga dhigaya) kuwa ka dambeeya14, bal inay waantoobaan
58Oo haddaad ka cabsato khiyaano xagga dad (axdi idinka dhexeeyey)15, u tuur (axdigooda), oo u sheeg si aad uga sinnaataan wargelinta (in axdi idin dhex yaalla jirin). Hubaal Allaah ma jecla khaa’imiinta
59Oo yeysan moodin gaalada inay fakan karaan. hubaal kama fakan karaan (Allaah)
60Oo u diyaarsada waxaad kartaanba oo xoog ah iyo fardo u heegan ah (dagaal) si aad ugu cabsi gelisaan cadowga Ilaahay iyo cadowgiinna iyo kuwo kale oo ka sokeeya oo aydaan idinku ogeyn, Allaah baase ogsoon. Oo wax kastoo aad ku bixisaan Jidka Ilaahay waa la idiin gudi doonaa si dhan, idinkoo aan waxba la idinku gardarroon doonin
61Oo hadday u iishaan xagga nabadda, markaa adiguna u iilo, oo isku hallee Allaah. hubaal, waa wax Kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah
62Oo hadday doonaan inay ku dhagraan, haddaba hubaal waxaa kugu Filan Allaah, Isaga weeye Kan kugu xoojiyey taageeradiisa iyo mu’mminiintaba
63Oo mideeyey quluubtooda. Haddaad bixin lahayd waxa yaal dhulka oo dhan, ma aadan karteen inaad mideyso quluubtooda, laakiinse Allaah baa mideeyey. Hubaal Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
64Nabiyow! Waxaa kugu Filan Allaah, adiga iyo mu’miniinta ku raacdayba
65Nabiyow! ku guubaabi mu’miniinta inay dagaallamaan. Hadday idinka mid yihiin labaatan samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan doonaan labo boqol, oo hadday jiraan boqol samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan doonaan kun kuwa gaalada ah, waayo waa dad aan wax fahmayn
66Haatan Allaah wuu idinka fududeeyey cuelyskiinna, oo wuxuu ogsoon yahay inay tabar yari idin heyso. Ee hadday idinka mid yihiin boqol samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan doonaan labo boqol, oo hadday jiraan kun idinka mid ah (oo samir iyo adkeysi leh), waxay ka adkaan doonaan labo kun Ilaahay Idankii. Oo Allaah wuxuu la jiraa kuwa ah samrayaasha
67Kuma habboona Nabi inuu soo qaato qafaal (dagaal) ilaa uu horta ku laayo (cadowyada Ilaahady) arlada oo ka jilciyo. Waxaad rabtaan (waa muslimiinta qaar) alaabta dhammaaneysa ee nolosha adduunyadan, wuxuuse Allaah (idinla) rabaa Aakhirada. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
68Haddaanu jiri lahayn xukun xagga Allaah ah ee hore uu u gooyey16, hubaal waxaa idinku soo gaari lahaa waxa aad qaadateen cadaab aad u weyn
69Ee cuna waxa xalaasha ah wanaagsan aad heshaan ee qaniimo dagaal ah, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. Hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
70Nabiyow! Ku dheh kuwaa aad soo qafaalateen ee ku jira gacmahiinna: haddii Allaah ku og yahay wax khayr ah quluubtiinna, wuxuu idin siin doonaa wax ka khayr badan waxa la idinka qaaday, oo idiin dambi dhaafi doonaa, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
71Haddiise ay doonaan inay ku khiyaameeyaan waxay horeba u khiyaameeyeen Allaah. Markaas buu Wuxuu idin siiyey awood uu idinka kormarshay. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah
72Hubaaal, kuwa (Xaqa) rumeeyay ee soo haajiray ee ugu halgamay si adag maalkooda iyo nafahoodaba jidka Ilaahay iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray, _ kuwan ayaa qaarkoodba xulufo u yahay qaarka kale. (ma) kuwase rumeeyey ee aanse soo haajirin idinkama saarna xil xigaaleysigooda jeer ay soo haajiraan, hadday se idinku hiishadaan Diinta, waa idinku waajib inaad u soo hiillisaan, marka laga reebo dad uu dhexdiinna idinka iyo iyaga axdi yaal, oo Allaah wuu arkaa waxa aad fashaan
73Oo kuwaa gaalada ah qaaroodba xulufo buuu yahay qaarka kale, haddii aydaan sameyn sidaa oo kale, waxaa jiri doona dhulka fasahaad aad u weyn
74Oo (ma xagga) kuwa rumeeyey ee soo haajiray ee ku halgamay Jidka Ilaahay, iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray, kuwan waa mu’miniinta dhabta ah, waxay mudan doonaan dambi dhaaf iyo risiq wanaagsan
75Oo (ma xagga) kuwa rumeeyay waa’ dambe, oo soo hijrooday oo jihaad galay la jirkiin, kuwaani waa idinka mid. Oo qaraabadaa qaarkoodba isaga sokeeya qaarka kale sida Kitaabka Ilaahay qoray18. Hubaal, Allaah wax kasta wuu Og yahay
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath