Islaamka
dib

89. Al-Fajar

1Waxaan ku dhaartay waaberiga

2Iyo habeennada tobanka ah

3Iyo dhabanka iyo witirka(tirada is dheer)

4Iyo habeenka marka uu tago

5Runtii taasi waxaa ugu sugan dhaar kuwaa garashada leh

6Mawaadan u fiirsan sida Rabbigaa u galay (reer) Caad

7Qolodii Iram, ee lahaa saraha aad u dhaadheer

8Aan wax la mid ah laga sameyn magaalooyinka kale

9Iyo (sida uu u galay) Thamuud, ee kala dhambalayey dhadhaabyo waaweyn tog gudahi ah (ay ka dhigtaan guryo iy jidad)

10Iyo (sida uu u galay) Fircoon, ee lahaa ciidammada tirada badan

11Kuwaasoo ku qooqay magaalooyinka

12Oo ku badiyey fasahaad dhexdeeda

13Markaasuu Rabbigaa ku shubay korkooda noocyo kala duwan oo cadaab daran ah

14Hubaal Rabbigaa baa u jeeda oo arkaya

15Ee ma aadmiga, marka uu Rabbigi imtixaano, oo sharfo oo u nicmeeyo wuxuu yidhaahdaa: Rabbigay waa i sharfay

16Markase uu (si kale) u imtixaano oo ku ciriirsho risiqa, wuxuu yidhaahdaa; Rabbigay waa i liiday

17Mayee’ bal ma daryeeshaan agoonka

18Oo iskuma boorrisaan quudinta miskiinka

19Oo waxaad ku cuntaan xaqdarro dhaxalka idinkoo booli ku cunaya (wax kasta) si aan kala saar lahayn

20Oo waxaad jeceshihiin Maalka jaceyl aad u daran

21Mayee! Marka dhulka laga dhigo budo

22Oo Rabbigaa yimaado iyo (sidoo kale) malaa’igta oo saf saf ah

23Oo laga yeelo Naarta mid muuqata Maalintaas. Maalintaas buu Aadmigu waansami, maxayse waantoobidda (markaa) u tari

24Wuxuu odhan: Alla haddaan wax horay ugu soo dirsan lahaa noloshaydatan

25Maalintaas se cidna wax uguma cadaabto (wuxuun la mid ah) Cadaabkiisa

26Oo cidi wax uma xirxirto, (wuxun la mid ah) Xirxiriddiisa

27Naf yahay adiga xasillooneey

28U noqo Rabbigaa, _adigoo raalli ka ah oo raalli lagaa yahay

29Ee gal addoomaheyga dhexdood

30Oo gal Jannadeyda

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath