88. Al-Ghaashiya
1Mawuusan kuu iman warka dabooshada
2Wejiyo (qaar) maalintaas waxay ahaan kuwo dulleysan
3Howlan, aad u daallan
4Waxay Geli Naar aad u kulul
5Waxaa laga waraabin il kulul oo kareysa
6Ma laha wax cunto ah qodxo maahee
7Kaasoo aan wax cayilin, gaajona wax ka tarin
8Wejiyo (kale) Maalintaas, waxay ahaan kuwo nicmeysan
9Raalli ah dadaalkoodii darti
10Ku jira Beer sare gudaheed
11Aysan ku maqleyn hadal macno darro ah
12Dhexdeeda waxaa ah il socota
13Dhexdeeda waxaa ah sariirro la kor yeelay
14Iyo koobab diyaar laga dhigay
15Iyo barkimooyin la safay
16Iyo gogollo la fidshey
17Mawaysan haddaba eegin geela, sida loo abuuray
18Iyo cirka, sida loo kor yeelay
19Iyo buuraha, sida loo dhidbay
20Iyo dhulka, sida loo fidiyey
21Ee wax waani, waayo waxaad adigu uun tahay waaniye
22Ma tihid mid qasab ku leh ee ilaaliya
23Kii kastoo se dhabarka jeediya oo gaalooba
24Wuxuu Allaah ku cadaabi cadaab aad u weyn
25Xaqiiq waa Xaggayaga meel noqodkoodu
26Markaas hubaal Annaga bay na saaran tahay xisaabintooda
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath