Islaamka
dib

87. Al-Aclaa

1Xurmo weynee oo huf Magaca Rabbigaa, aad u Sarreeya

2Kan abuuray (uunka), ee hagaajiyey

3Oo ah Kan wax kasta qaddaray, markaa ku hagay (qaddarkiisa)

4Oo ah Kan soo saara daaqa

5Oo misna ka dhiga xaabo madow

6Waxaan kaa yeeli doonnaa inaad akhrido (Qur’aanka) mana illaawi doontid

7Wuxuu Allaah doono ma’ahee, Wuxuu Og yahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba

8Oo Waxaanu kuu fududeyn midda sahlan (Islaamka)

9Ee waani, markay waanadu wax tari

10Kan isagu baqa baa ku waano qaadan

11Oo kan khayr laawaha ah baa ka fogaan (waanada)

12Kaasoo geli doona Naar aad u weyn

13Markaa dhexdeeda kuma noolaan doono, mana ku dhiman doono

14Waxaa dhab ahaan liibaani qofka daahiriya naftiisa

15Oo xurmo weyneeya Magaca Rabbigi oo salaadda tukada

16Balse waxaad door biddaan nolosha adduunkan

17Aakhirada baase khayr badan oo daa’insan

18Hubaal (hadal)kani wuxuu ku yaal Kututbtii hore

19Kutubtii Ibraahiim iyo Muuse

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath