86. At-Taariq
1Waxaan ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura
2(Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu xiddiga guura) yahay
3Xiddigga iftiinka badan
4Ma jirto naf aanu kor joogin ilaaliye (malag)
5Ee ha fiiriyo qofka waxa laga abuuray
6Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda
7Oo ka yimaada dhabarka iyo feeraha dhexdood
8Hubaal wuu karaa inuu u soo celiyo nolosha
9Maalinta waxyaalaha qarsoon iyo wixii sir ahaan loo falay la muujin doono
10Ma lahaan doono xoog ama wax u soo gargaara midna
11Waxaan ku dhaartay cirka soo celcelinta badan (ee soo shuba roobka)
12Iyo dhulka dil-dillaaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa)
13Hubaal kani waa hadal dhab ah oo cad
14Oo ma aha dheel
15Hubaal waxay qoolaan shirqool
16Oo Anigu (sidoo kale) Waxaan qorsheeyaa qorshe
17Ee u sug gaalada: Daa wax yar
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath