85. Al-Burooj
1Waxaan ku dhaartay rugaha xiddiguhu maraan
2Iyo Maalinta ballanta ah
3Iyo marag furaha iyo kuwa lagu marag furo
4Belo ha ku dhacdo qoladii godka
5Ee lahaa dab olol iyo shidaal badan
6Iyagoo (gaaladu) kor fadhiyeen (godka)
7Oo waxay ka ahaayeen marag waxay ku falayeen (oo gardarro ah) Mu’miniinta
8Oo kuma ay gelin wax kale aan aheyn inay rumeeyeen Allaah, Adkaadaha Sharafta leh , ee la Ammaano
9Ee, iska leh mulkiga (iyo maamulka) samooyinka iyo arlada! Oo Allaah wax walba waa u Jeedaa
10Hubaal kuwa caddiba mu’miniinta iyo mu’minooyinka, markaas aan toobad keenin, waxay leeyihiin cadaab Naar ah, oo waxay leeyihiin cadaab gubeysa
11Hubaal kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxay leeyihiin beero hoostoodu ay webiyo qulqulaan. Kaasi baa ah Liibaanta Weyn
12Hubaal Qabashada Rabbigaa waa mid aad u daran
13Hubaal Isaga weeye Kan uuma (uunka) oo dib u soo saara
14Oo Waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Gacalka ah
15Rabbiga Carshiga, Sharafta Badan
16Falaha Weyn ee wuxuu Doono
17Ma ku soo gaaray warka ciidammadii
18Fircoon iyo Thamuud
19Balse! Kuwa gaalooba waxay ku sugan yihiin beeninta xaqa
20Oo Allaah baa ka kooba dhinac kasta
21Bal! Kani waa Qur’aan Sharaf Badan
22Ku yaal Looxa Maxfuudka
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath