Islaamka
dib

84. Al-Inshiqaaq

1Markay samadu u jeexanto gaballo

2Oo adeecdo Rabbigeed, oo waa xaq inay adeecdo

3Oo marka arlada la fidiyo

4Oo u soo tuurto debedda waxa ku jira gudaheeda oo ka marnaato

5Oo ay adeecdo Rabbigeed, oo waa xaq inay adeecdo

6Qofyahow! Hubaal Waa inaad shaqeyso (si aad u tiigsato) xagga Rabbigaa shaqo adag, jeer aad la kulanto Isaga

7Ma kan isagu lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig

8Waxaa la xisaabin doonaa xisaab fudud

9Oo wuxuu u laaban ehelkiisa isagoo faraxsan

10Ma kan se isaga laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa

11Wuxuu u yeedhan doonaa hoog

12Oo geli doonaa naar hureysa

13Hubaal wuxuu ahaa mid Ehelkiisa dhexdooda kibirsan

14Hubaal wuxuu mooday inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga)

15Haayoo, hubaal, Rabbigiis baa u jeeday

16Mayee se, Waxaan ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac

17Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo

18Iyo dayaxa marka uu buuxsamo

19Waxaad hubaal mari doontaan heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba)

20Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn

21Oo marka Qur’aanka loo akhriyo ma sujuudaan

22Bal, kuwa gaalooba wayba beeniyaan (Xaqa)

23Oo Allaah baa aad u ogsoon waxay qariyaan

24Ee ugu bishaaree cadaab aad u xanuun badan

25Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’i doonin (waa Jannada)

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath