Islaamka
dib

83. Al-Mutaffifin

1Hoog waxaa leh kuwa dhima miisaanka

2Kuwa, marka ay wax beegaan (xaqooda ah) u oofsada si dhan oo kaamil ah

3Markase ay u beegaan dadka kale ama miisaamaan dhima oo nuqsaamiya

4Mawaysan kuwaasu yaqiinsaneyn in loo soo bixin doono (si loo xisaabiyo)

5Maalin aad u weyn

6Maalinta dadka la hor keeni Rabbiga uunanka

7Mayee! hubaal, diiwaanka dambiilayaasha wuxuu yaal Sijjiin

8Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Sijiinku yahay

9Waa (aayahooda) ku diiwaan gashan kitaab qoran

10Hoog, Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha

11Kuwa beeniya Maalinta is abaal marinta

12Oo cidi ma beeniso aan aheyn xad-gudbe kastoo dambiile ah

13Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii dadkii hore

14Mayee’ bal waxay fali jireen (oo macaasi ah) baa waxay ku noqdeen sida mirir madow quluubtooda dushood

15Mayee, hubaal waxaa maalintaa laga xijaabi doonaa Rabbigood

16Oo hubaal waxay gali oo ku guban dab olol badan

17Markaas waxaa lagu odhan: Waxakanu waa waxaad beenin jirteen

18Mayee, hubaal, diiwaanka baarriyiintu wuxuu ku (xafidan yahay) Cilliyyuun

19Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Cilliyuunku yahay

20Waa (aayahooda) ku diiwaan gashan kitaaab qoran

21Ay arkaan kuwaa loo soo dhoweeyo (Allaah)

22Hubaal baarriyiinta waxay dhex ahaan barwaaqo gudaheed

23Sariiro boqoreed korkood, iyagoo ka eegaya (wax waliba)

24Waxaad ka garan doontaa wejiyadooda dhalaalka barwaaqada

25Waxaa la siin si ay u cabbaan khamri (saafi ah) ee la abburay

26Inteeda u dambeysa ay tahay miski, ee (arrin)kani ha u tartameen tartamayaashu

27Oo dheeheeda waa biyo xagga Tasniim ah

28Il ay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah) ka cabbaan

29Hubaal kuwa dambiilayaasha ah waxay ku qosli jireen kuwa (Xaqa) rumeysan

30Oo haddii ay soo ag maraan waa isu il-jabin jireen

31Oo marka ay u laabtaan ehelkooda waxay laaban jireen iyagoo ku maaweeleysanaya

32Oo marka ay arkaan, waxay odhan jireen: hubaal! Kuwakanu waa lunsan yihiin

33Oo looma dirsan inay gaar ka hayaan iyo ilaalo (mu’miniinta) dushooda

34Marka maanta kuwa (Xaqa) rumeysan waxay ku qosli gaalada

35Sariiro boqoreed (sare) korkood, iyagoo ka eegaya

36Hubaal gaalada waxaa lagu abaal mariyaa wax u dhigma waxa ay (xume) faleen

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath