82. Al-Infitaar
1Marka samada ay u kala dhanbalanto gaballo
2Oo xiddiguhu kala firdhaan
3Oo marka badaha la burqiyo
4Oo qabuuraha la soo qufo
5Naf walbaa waxay markaa ogaan waxay hormarsatay, iyo (waxay) dib marisay
6Qof yahow! Maxaa kaa jeediyey Rabbigaaga, Roonaanta Badan
7Kaasoo ku abuuray, ee ku taam yeelay Ee kaa dhigay mid isku dheella tiran
8Oo suurad tuu rabo kaa rakibay
9Mayee balse waxaad beenisaan maalinta is abaal marinta
10Oo xaqiiq waxaa jira dhab ahaan ilaalo Korkiinna ah ( malaa’ig idiin xil saaran)
11Sharaf leh wax qorta
12Way og yihiin wax kastoo aad fashaan
13Hubaal baarriyadu waxay dhex ahaan barwaaqo
14Oo hubaal dambiilayaasha waxay dhex ahaan dab ololaya
15Oo ay gali doonaan si ay ugu gubtaan Maalinta Is abaal marinta
16Oo ma ahaan doonaan sinnaba kuwo ka maqan xaggeeda
17Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa ay Maalinta is abaal marintu tahay
18Misna, maxaa ku ogeysiiyey waxay ay Maalinta is abaal marintu tahay
19(Waa) maalinta aysan nafi wax u tari doonin naf kale. Oo amarka Maalintaas waxaa gebi ahaanba iska leh Allaah
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath