Islaamka
dib

81. At-Takwir

1Marka qorraxda la iftiin tiro

2Oo xiddiguhu soo daataan

3Oo buuraha la rujiyo

4Oo geela rimman la caddilo

5Oo dugaagga la soo wada kulmiyo

6Oo badaha la shido (ama soo fatahaan)

7Oo nafaha lagu lammaaniyo jirarkooda

8Oo (gabadhii) nolosha lagu xabaalay la weydiiyo

9Denbigee baa loo dilay

10Oo marka kutubta la fidiyo

11Oo marka samada daboolka laga qaado

12Oo marka Naarta la huriyo

13Oo marka Jannada la soo dhoweeyo

14Naf walbaa waxay (markaa) ogaan waxay la goob iyo shir timid

15Mayee se Waxaan ku dhaartay xiddigaha dib gurta

16Ee ku socda rugahooda, ee qarsooma

17Iyo habeenka marka uu tago

18Iyo subaxa marka uu neefsado

19Hubaal kani waa hadalka (Ilaahay) uu keenay Rasuul sharaf badan (Jibriil)

20Awood iyo meeqaan sare ku leh (Allaah) agtiis, Rabbiga Carshiga

21La adeeco, haddana aamin ah kalsooni lagu qabo

22Oo Saaxiibkiin (Nabi Muxammad) ma aha (innaba) ku waalan

23Oo xaqiiq horay buu ugu arkay isaga (Jibriil) jihada cad (dhinaca qorrax soo baxa)

24Oo ma aha isagu (Muxammad) mid ceshada cilmiga ku saabsan Ghaybka

25Oo (Qur’aanku) ma aha hadalka Shaydaan laga soo ceyrshay (samooyinka)

26Ee xaggee baad u socotaan

27Wax kale ma aha aan aheyn Waano ku socota ummadaha

28Kii isagu idinka mid ah ee raba inuu qaado jid toosan

29Oo wax ma doontaan aan ahayn waxaa uu Allaah doono, _Rabbiga uunanka

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath