Islaamka
dib

80. Cabaas

1(Wejiguu)ururshay oo dhabarka jeediyey

2Inuu halkaa ugu yimid indhoolihii

3Oo maxaad ka og tahay waa intaasoo uu daahiriyo naftiisa

4Ama waansamo, oo waanadu wax tarto

5Ma kan isu arka inuu isagu(kaa) maarmo

6Miyaad adigu xaggiisa u jeedsaneysaa

7Oo eed kaama saarna haddii uusan daahirinba naftiisa

8Ma kan se kuu yimid isagoo aad u dadaalaya

9Oo isagu (Alle ka) cabsada

10Miyaad adigu ka mashquuli

11Mayee, hubaal (kani) waa waano

12Ee qofkii doona ha ku waano qaato

13Wuxuu ku yaal kutub la sharfay

14Kor ah, la dahiray

15Ku jira gacmaha qorayaal (malaa’ig)

16Sharaf leh oo baariyaal ah

17Belo ha ku dhacdo aadmigee! Muxuu jazaar yahay

18Wax maxay ah buu ka abuuray

19Mani yar xaggeed, buu ka abuuray markaas qaddaray (isaga)

20Markaas uga dhigay sahal marriinka

21Haddana wuxuu sababaa inuu dhinto, oo u yeelaa qabri

22Oo markuu doono wuu soo bixin

23Mayee, ma uusan fulin Wuxuu amray

24Ee qofku bal ha fiiriyo cuntadiisa

25Sidee baan u soo shubnaa biyaha soo shubid badan

26Markaas Waxaan jeexnaa arlada jeexdin gaballo ah

27Oo sababnaa inay ka soo baxaan haruur

28Iyo cinabyo iyo naq

29Iyo saytuun iyo geedo timireed

30Iyo beero tanaad ah

31Iyo miro iyo caws

32Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolihiinnuba

33Markase ay qeylada dhego beelisada ah timaaddo

34Maalintaa uu qofku ka carari walaalki

35Iyo hooyadi iyo aabbihi

36Iyo xaaskiisa iyo ilmahiisa

37Qof walba oo ka mid ah, Maalintaas waxaa heysan doonta arrin ku filan

38Wejiyo (qaar) Malintaas way ifi

39Iyagoo muusoon, ku faraxsan warka san

40Oo wejiyo (kale) Maalintaas waxay ahaan kuwo booreysan

41Mugdi baa dabooli doona iyaga

42Kuwaasi waa kuwa ah gaalada dambiilayaasha ah

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath