7. Al-Acraaf
1Alif Laam Miim Saad
2(Kani) waa Kitaab laguu soo waxyooday, marka yeysan ahaan wax cidhiidhi ah laabtaadu xaggiisa, si aad ugu digto (dadka), oo waa u waano mu’miniinta
3Raaca (dadow) waxa la idiinka soo waxyooday xagga Rabbigiin oo ha raacina sokadii awliyo. Yaraa inta aad xusuusataan
4Oo badanaa inta aan magaalo hallignay. Oo Cuquubadayada ay u timid habeennimo ama iyagoo hurda goor barqo ah
5Markaasi calaacalkoodu, markay Cuquubadayadu u timid, ma ahayn waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Hubaal, Waxaanu ahayn kuwo gef badan
6Waxaanu hubaal haddaba su’aal weydiin doonnaa kuwa loo soo diray (Rususha), oo waxaanu hubaal sidoo kale su’aal weydiin doonnaa Rususha
7Oo waxaan hubaal ugu aqoon warrami doonnaa (camalladoodii oo dhan), oo ma aanaan ahayn (marnaba) kuwo maqan
8Oo miisaanku Maalintaasi waa Xaq. marka ma kuwa uu ahaado miisankooda (camallada wanaagsan) culeys, waa kuwaasi kuwa liibaani doona
9Oo ma kuwa uu ahaado miisaankooda (camallada wanaagsan) fudeyd, waa kuwaasi kuwa khasaariyey nafahooda waxay Aayadahayaga ku gabood faleen darteed
10Oo xaqiiq waxaan idinku awood siinnay dhulka, oo waxaan idiinku dhex yeelnay asbaab noolaansho. Wax yar weeye inta aad mahad naqdaan
11Oo xaqiiq waa idin abuurnay, oo idiin yeelnay suurad, oo ku nidhi Malaa’igta u sujuuda Aadam. Markaasay sujuudeen, Ibliis mooyee, kama uu mid ahayn kuwa sujuuday
12(Allaah) wuxuu yidhi: Maxaa kuu diiday oo sidaa awgeed aadan u sujuudin markaan ku amray?(Shaydaan) wuxuu yidhi: Aniga baa ka wanaaagsan, Waxaad iga abuurtay dab, halka aad isaga ka abuurtay dhoobo
13Wuxuu yidhi: Ka deg xaggeeda (halkan), waayo ma lihid inaad isku dhex kibriso. Ee ka bax, hubaal waxaad tahay mid ka mid ah kuwa dulleysan
14(Shaydaan) wuxuu yidhi: I sii fursad ilaa maalinta marka la soo bixinayo
15(Alle) wuxuu yidhi: Hubaal waxaad ka mid tahay kuwa la siiyey fursadda
16(Shaydaan) wuxuu yidhi: Sida aad iigu sababtay inaan ahaado hungo habowsan darteed, Waxaan hubaal u fadhiisan doonaa Jidkaaga Toosan
17Markaasaan waxaa hubaal uga imaan doonaa hortooda iyo gadaashooda, iyo xagga midigtooda iyo xagga bidixdoodaba, oo ma heli doontid badankood oo mahad naqa
18(Allaah) wuxuu yidhi: Ka bax (halkan) adigoo dulleysan oo dayro ah, qofkii iyaga ka mid ah oo ku soo raaca, waxaan hubaal idinka buuxin Naarta dhammaantiin
19Oo Aadamow! Dega adiga iyo xaaskaaguba beerta gudaheed, ee wax ka cuna meeshaad doontaan, hase u dhowaannina geedkan, haddii kale waxaad ka mid noqon kuwa gefay
20Ha yeeshee shaydaanka baa fikrad xun u soo jeediyey, si uu ugu muujiyo waxa laga qariyey oo cowradooda ah; oo wuxuu yidhi: Idiinkama reebin Rabbigiin geedkan waxaan ahayn inaydaan noqon labo malag ama inaydaan ka mid noqon kuwa waadha
21Oo wuu u dhaartay labadoodaba: hubaal waxaan anigu xaqiiq idiin ahay daacad
22Markaas buu ku soo dejiyey si hoditaan leh: markay dhadhansheen geedka, waxaa u muuqday cowradooda, oo waxay isla markiiba billaabeen inay ku asturaan nafahooda caleemaha Jannada; oo Rabbigood baa u yeedhay: Miyaanan idinka reebin geedkaa oo idiin sheegin in Shaydaanku idiin yahay cadow iska cad
23Waxay yidhaahdeen: Rabbiyow! Waxaan u gefnay nafahayaga. Ee haddaa- dan noo dambi dhaafin, oo aadan noo Naxariisan, waxaan hubaal ka mid noqon kuwa ku sugan khasaaraha dhabta ah
24Wuxuu yidhi: Ka dega, qaarkiinba qaar buu cadow u yahay. Oo waxaa idiinku sugan dhulka degaan iyo sahay ilaa muddo
25Wuxuu (sidoo kale) yidhi: Halkaas gudaheed ayaad ku noolaan, oo halkaas gudaheed ayaad ku dhiman, oo xaggeeda baa la idinka soo bixin doonaa
26Ilma Aadamow! Waxaan xaqiiq idiin soo dejinnay dhar astura cowradiinna iyo dhar xarrago ah, dharkase lagaga dhowrsado (xumaha), kaas baa khayr badan. Kuwani waxay ka mid yihiin Aayadaha Ilaahay, bal inay xusuustaan
27Ilma Aadamow! Yuusan shaydaanku idiin horseedin inaad ku dhacdaan fidno, sida uuba uga soo saaray labadiinnii waalid beerta, isagoo ka siibaya labadoodaba dharkooda, si uu u qaawiyo oo ugu soo bandhigo cowradooda. hubaal, wuxuu idinka arkaa isaga iyo qabiiladiisuba meel aydaan ka arki karin. Hubaal Waxaan Annagu uga dhignay shaydaammada xigaalo kuwa aan iimaanka lahayn
28Oo marka ay falaan xumaan waxay yidhaahdaan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo falaya (waxa)kani, oo Allaah baa nagu amray. Dheh: Hubaal, Allaah ma amro anshax xumo. Ma waxaad ka sheegtaan Allaah waxaydaan cilmi u lahayn
29Dheh: Wuxuu Rabbigay amray caddaalad oo (ku) toosiya wejiyadiinna (qibladda) waqti kasta oo salaad, oo barya Isaga idinkoo u keli yeelaya cibaadada. Sida uu uu ifka idinku keenay billowgii hore ayaad sidoo kale u soo laabmaysaan
30Koox wuu hanuunshay, oo (ma xagga) koox (kale) habow baa xaq ugu dhaboobay; hubaal waxay iyagu ka dhigteen sheydaammada xulufo halkii Allaah, oo waxay isu heystaan inay hanuunsan yihiin
31Ilma Aadamow! Qaata (dharka) la isku qurxiyo waqti kasta oo salaad, oo cuna oo cabba, oo ha ku talax tagine, hubaal Isagu ma jecla kuwa wax ku talax taga
32Dheh: yaa xaareemeeyey isku qurxinta dharka ee Allaah uu u soo saaray addoomahiisa iyo riziqyada wanaagsan? Dheh: Kuwani waxaa iska leh mu’miniinta nolosha adduunkan, gaarna (u leeyihiin) Maalinta Qiyaamaha.Sidaas baan ugu yeel- naa Aayadaha caddaan dad garasho leh
33Dheh: Wuxuu uun sideedaba Rabbigay xaareemeeyey waxa anshax xumada ah (zinada, iwm) oo dhan kuwooda ka mid ah ee muuqda iyo kuwo qarsoonba iyo dambiga (khamrada) iyo aabiga gar darrada ah, iyo inaad (cibaadada) la wadaajisaan Allaah wax aanu wax xujo ah u soo dejin iyo inaad ka sheegtaan Allaah waxaydaan aqoon u laheyn
34Oo ummad walba waxay leedahay muddo go’an; ee marka muddadoodu ay timaaddo kama dib dhici doonaan saacadna, oo kama soo hor mari doonaan
35Ilma Aadamow! Hadday idiin yimaadaan Rusul idinka mid ah, oo idiin soo tebinaya Aayadahayga, ee qofkii iska jira xumaha oo u dhaqma si toosan, ma qabi doonaan wax cabsi ah, oo ma murugoon doonaan
36Kuwase beeniya Aayadahayaga oo iska kibriya, waa kuwani ehlu Naarku oo way ku dhex waari doonaan
37Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah ama beeniya Aayadahiisa? Kuwaasi, qaybtooda loogu qoray Kitaabka (Qaddarka) way gaadhi doonanan, ilaa marka Rusushayadu ay u yimaadaan si ay u oofsadaan, waxay odhan doonaan: Meeye waxaad baryi jirteen Allaah sokadi?. Waxay odhanayaan: Waa ay naga dhumeen: oo waxay ku marag furi doonaan nafahooda inay ahaayeen gaalo
38Wuxuu odhan: Gala Naarta dhexdood ummado tegay hortiin oo leh jin iyo dadba. Mar kastoo ay ummad hor leh gashaba, waxay nacladi walaasheed, jeer markay isugu wada yimaadaan dhammaantood wadajir. Middooda u dambeysay waxay ka odhan middoodii u horreysay: Rabbiyow! Kuwaan baa na lumiyey, ee ku sii cadaab labo laab ah Naarta. Wuxuu odhan: Mid walbaa waxay leedahay (cadaab) labo laab ah, laakiinse ma ogidin
39Oo middoodii hore waxay ku odhan midda dambe: Haddaba wax nama dhaantaane, ee dhadhansha cadaabta waxaad kasbateen darteed
40Hubaal, kuwa beeniya Aayadahayaga ee iska weyneeya, looma furi doono albaabbada samada, mana gali doonaan Jannada jeer ratigu maro daloolka irbadda. Oo sidaas baan u abaal marinnaa dambiilayaasha
41Waxay ku mudan gogol dab ah, korkoo- dana daboollo dab ah. Oo sidaas baan u abaal marinnaa gar ma qaatayaasha
42Kuwase (Xaqa) rumeysan, oo samaha fala ma saarno nafna wax dhaafsiisan karaankeeda, kuwaasu waa ehlu Jannaha, way ku dhex waari doonaan
43Oo waxaan ka siibi wixiiba ku jira laabahooda oo xumaan kala tirsi ah; webiyadu waxay qulquli hoostoodu, oo waxay odhan: Ammaan idilkeed waxaa mudan Allaah, ee nagu hanuuniyey kan, oo kuma aan hanuuneen (jidka toos) haddii uusan Allaah nagu hanuunsheen. Xaqiiq Waxay la yimaadeen Rusushii Rabbigeen Xaq. Oo Waxaa loogu dhawaaqi doonaa: Tani waa Jannadii la idinku dhaxal siiyey waxaad camalsan fasheen
44Oo ehlu jannuhu waxay u dhawaaqi doonaan ehlu Naarka: Xaqiiq waxaan hellay waxa uu noo ballan qaaday Rabbigayo oo xaq ah; ee idinkuna ma hesheen sidoo kale waxa uu Rabbigiin idiin ballan qaaday oo xaq ah? Waxay odhan doonaan: Haah. Markaas dhawaaqe baa ka dhawaaqi doona dhexdooda: in Lacnadda Ilaahay ay dushooda tahay gar ma qaatayaasha
45Kuwa ka hor istaaga (dadka) Jidka Ilaahay, ee doona inay ka dhigaan mid qalloocan, oo waa kuwo aan Aakhiro rumeysneyn
46Oo dhexdooda waxaa ahaan xijaab, oo meelaha sare waxaa ahaan doona rag ku garanaya cid kasta astaamahooda, oo waxay u dhawaaqi doonaan ehlu – Jannaha: Nabad korkiinna ha ahaato, waqtigaana iyagu weli ma ay gelin (Jannada), inkastoo damac ka hayo
47Oo marka loo jeediyo indhahooda xagga ehlu – Naarka, waxay odhan: Rabbiyow! Ha naga mid dhigin dadka gar ma qaatayaasha ah
48Oo qoladii ku sugnaa Al Acraaf (meelaha sare) waxay u dhawaaqi doonaan rag ay ku garan doonaan astaamahooda iyagoo ku odhan: Waxba idiin ma ay tarin urursigiinnii maalku, iyo iska weyneyntiinnii (Xaqa)
49Ma kuwani baa kuwii aad dhaar ku marteen, in aanu Allaah ku galladeysan doonin Naxariis dushooda? Gala Jannada, (ehlu acraafow) ma qabi doontaan cabsi, mana murugoon doontaan
50Oo ehlu – Naarku waxay u dhawaaqi doonaan ehlu – Jannaha (oo ku odhan): Nagu soo shuba wax ka mid ah biyaha ama wax ka mid ah waxa uu Allaah idin siiyey. Waxay odhan doonaan: Hubaal Allaah wuu ka xaaraameeyey gaalada
51Kuwa ka dhigta diintooda madaddaalo iyo cayaar oo noloshan adduunku ay hoddo. Marka maanta waan hilmaami doonnaa sida ay u hilmaameen la kulankooda Maalintooda tani iyo sida ay Aayadahayaga u beenin jireen
52Oo xaqiiq waxaan u keennay Kitaab aanu u caddeynay si cilmi leh, _oo u ah hanuun iyo naxariis dad rumaysan
53Ma waxay sugaan waxaan aheyn go’aankiisu? Maalinta marka go’aankiisu uu yimaado, kuwii hore u hilmaamay waxay odhan doonaan: Xaqiiq Rususha Rabbigayo waxay keeneen xaq, ee ma leennahay wax shafeecayaal ah oo noo shafeeca qaada? Ama dib mana loo celin doonaa si aanu u falno (camallo) aan ahayn oo ka duwan wixii aan falnay? Xaqiiq waxay khasaareen nafahooda, oo waxaa ay been abuurteen way ka dhumeen
54Hubaal, Rabbigiin waa Allaah, ee ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, oo dul ahaaday Carshiga. Wuxuu ku daboolaa habeenka maalinta, uu raacdo hayo si xowli leh, oo (wuxuu abuuray) qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha ku laylan Amarkiisa. Hubaal Isagaa leh abuurista iyo amarkaba. Waxaa khayr iyo barako badan Allaah, Rabbiga uunanka
55U barya Rabbigiin si khushuuc leh iyo qarsoodiba. hubaal, ma uu jecla kuwa xadgudba
56Oo ha ku falina fasahaad arlada, inta la hagaajiyey kaddib, oo barya idinkoo baqdin iyo rajoba qaba, hubaal, Naxariista Ilaahay waxay u dhowdahay sama falayaasha
57Oo Isaga weeye Kan soo dira dabaylaha bishaaro ahaan ka horreeya Naxariistiisa (roobka) jeer markay soo qaadaan daruur culus, waxaan u kaxeynaa korka dhul dhintay, kolkaas baan ku hoorinnaa biyo, markaas baan ku soo saarnaa miro nooc walba. Sidaas oo kale baan u soo saari doonnaa maytida, bal inaad xusuusataan
58Oo ma xagga dhulka wanaagsani naqiisa wuxuu ku soo baxaa (si fudud oo badan) Idanka Rabbigiis, midkase xun (daaqiisu) kuma soo baxo waxaan dhib ahayn. Sidaas baan ugu celcelinnaa Aayadaha dad mahad naqa
59Xaqiiq Waxaan u soo dirnay Nuux dadkiisii markaasuu wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Caabuda Allaah! Ma lihidin ilaah (xaq ah) aan Isaga ahayn. Hubaal waxaan anigu idiinka cabsi qabaa Cadaab Maalin aad u murugo weyn
60Xildhibaannadii ka mid ahaa dadkiisii waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaan innagu xaqiiq kugu aragnaa inaad ku sugan tahay habow caddaan ah
61Wuxuu yidhi: Dadkaygiiyow! Kuma sugni habow, laakiinse waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga uunanka
62Waxaan idin soo gaarsiiyaa Risaadalaha Rabbigay oo waxaan idin siiyaa naseexo wanaagsan, oo waxaan ka ogahay xagga Allaah waxaydaan ogayn
63Waa la yaabe! Ma waxaad la cajabtaan inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin uu soo faray nin idinka mid ahi, si uu idiinku digo oo aad isaga jirtaan (xumaha), iyo in bal la idiin naxariisto
64Wayse beeniyeen, markaas baan badbaadinnay isaga iyo kuwii kula jiray Doonnida, oo aan qarqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Hubaal waxay ahaayeen dad indha la’ (aan Xaqa arag)
65Oo xagga Caad (waxaan u dirnay) walaalkood Huud, Wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Caabuda Allaah! Ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Ma waydaan ka joogeyn oo iska jireyn xumaha
66Xildhibaannadii gaaloobay oo ka mid ahaa dadkiisii waxay yidhaahdeen: hubaal waxaan innagu xaqiiq kugu aragnaa caqli xumo, oo hubaal waxaan kuu maleynaynaa inaad ka mid tahay beenalayaasha
67Wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Ima heyso caqli xumo, laakiin waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga uunanka
68Waxaan idin soo gaarsiiyaa farriimaha Rabbigay, oo waxaan idiin ahay nasteexeeye aamin ah
69Waa la yaabe! Ma waxaad la cajabtaan inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin, uu soo faray nin idinka mid ah si uu idiinku digo? Oo xusuusta markuu idinka dhigay kuwa dhaxla (dhulka) dadkii Nuux kaddib, oo idiin kordhiyey abuur ahaan lixaad. Ee xusa Nicmooyinka Ilaahay, bal inaad liibaantaan
70Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noola timid inaan caabudno Allaah Keliya oo aan ka tagno waxay caabudi jireen aabbayaashayo? (ma jirto) ee noo keen waxa aad noogu gooddido haddaad ka mid tahay runlowyada
71Wuxuu yidhi: Xaqiiq cadaab iyo caro ka timid Rabbigiin baa idinku dhacday. Waa la yaabe! Ma waxaad igala dooddaaan arrinka magacyo aad bixiseen _ idinka iyo aabbayaashiin? Allaah uma soo dejin wax xujo ah; ee suga, anigana sidoo kale waan idinla sugiye
72Markaas baan waxaan ku badbaadinnay isaga iyo intii la jirtayba naxariis ka ahaatay xaggayaga, oo waxa aanu cidhib tirnay kuwii beeniyey Aayadahayaga, oo ma ba ay aheyn mu’miniin
73Oo xagga Thamuud (waxaan u dirnay) walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Caabuda Allaah, ma lihdin ilaah kale Isaga maahee. Xujo cad baa xaqiiq idiinka timid xagga Rabbigiin. tani waa Hal Ilaahay aad leedihiin, oo ah Calaamo; ee iska daaya ha daaqdo’e arlada Ilaahay, oo ha u geysannina wax waxyeello ah, haddii kale cadaab xanuun badan baa idin qaadi doonta
74Oo xusuusta markuu idinka dhigay kuwa dhaxlay (dhulka) (reer) Caad kaddib, oo uu idin dejiyey dhulka oo aad ka sameysataan dooxooyinkeeda daaro waaweyn, oo aad ka qodataan buuraha guryo. Ee xusa Nicmooyinka Ilaahay, oo ha ku bi'innina dhulka fasahaadka aad ku falaysaan
75Waxay xildhibaannadii kuwaa isla weynaa ee ka mid ahaa dadkiisii ku yidhaahdeen kuwii loo arkay daciif, _ ee ahaa kuwoodii rumeeyey dhexooda: Ma waxaad ogtihiin in Saalix laga soo diray xagga Rabbigi? Waxay yidhaahdeen: Hubaal innagu waxa lala soo diray waanu rumeysannahay
76Kuwii isla weynaa waxay yidhaahdeen: Hubaal innagu waxa aad idinku rumeysan tihiin waanu diidnay
77Markaasay gowraceen Hashii; oo ay ka hor yimaadeen Amarkii Rabbigood, oo waxay yidhaahdeen: Saalixow! Noo keen waxaad noogu gooddisay haddaad ka mid tahay Rususha (Ilaahay)
78Kolkaas buu qabtay dhul gariir, oo waxay noqdeen (baqti) ugu dhex daadsan guryahoodii dhaqdhaqaaq la’aan
79Markaas buu ka jeestay oo yidhi: Dadkaygiyow! Waxaan xaqiiq idin soo gaarsiiyey Fartiintii Rabbigay, oo idin siiyey naseexo wanaagsan, laakiinse ma jeclidin kuwa idiin naseexeeya
80Oo (Waxaanu dirnay) Luud waa tii uu ku yidhi dadkiisii: Waa la yaabe! Ma waxaad la timaaddaan xumaato aanu idinka horreyn axad ka mid ah caalamka
81Hubaal idinku waxaad xaqiiq ugu tagtaan ragga shahwad, halkii haweenka. bal waxaadba tihiin dad xad gudub badan
82Oo jawaabtii dadkiisu ma ay ahayn wax kale aan ahayn inay yidhaahdeen: Ka saara magaaladiinna, kuwani hubaal waa dad doonaya inay is daahiriyaan
83Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba marwadiisii maahee; waxay ka mid aheyd kuwii ku haray gadaal
84Oo waxaan roob uga dhignay korkoodii roob (dhagaxyo dab ah). Ee bal eeg sida ay aheyd cidhibta dambiilayaasha
85Oo xagga Madyan (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Caabuda Allaah, ma lihidin ilaah kale Isaga maahee. Xujo cad xaqiiq waxay idiinka timid xagga Rabbigiin; ee dhammeystira beegga iyo miisaanka oo ha ka dhimina dadka waxyaalahooda, oo ha ku falina fasahaad arlada, inta la hagaajiyey kaddib, sidaas baa idiin khayr badan, haddaad tihiin mu’miniin
86Oo ha fadhiisannina jid kasta idinkoo gooddiyaya, oo ka leexinaya Jidka Ilaahay kan isagu rumeysan, idinkoo dooonaya inaad ka dhigtaan mid qalloocan, oo xusuusta markaad aheydeen kuwo yar, markaas uu idin badiyay. oo eega sida ay ku dambeysey cidhibta mufsidiinta
87Oo hadday jirto koox idinka mid ah oo rumeysan waxa la ila soo diray iyo koox kale aan rumeysneyn, haddaba samir yeesha ilaa inta uu Allaah na kala xukumo dhexdeenna, oo Isagaa u wanaagsan inta wax xukunta
88Xildhibaannadii, kuwii isla weynaa ee ka mid ahaa dadkiisii waxay yidhaahdeen: Waxaanu hubaal kaaga saari doonnaa debedda Shucaybow iyo (sidoo kale) kuwa rumeysan la jirkaa magaaladayada ama waa inaad u soo noqotaan diintayada. Wuxuu yidhi: Waa la yaabe! Ma xataa haddaanu dooneyn
89Xaqiiq waxaan ka been sheegnay Allaah haddaan u soo noqonno diintiinna, kaddib markuu Allaah naga badbaadiyey. Oo naguma habboono inaan u noqonno, inuu Allaah, Rabbigayo, doono ma’ahee. Rabbigayo wuxuu ku koobay wax walba Cilmigiisa. Allaah baan ku kalsoonnahay; Rabbiyow! Nagu kala xukun innaga iyo dadkayaga xaq, oo Adiga baa u wanaagsan inta wax kala xukunta
90Oo xildhibaannadii kuwaa (Xaqa) rumeyn diiday oo ka mid ahaa dadkiisii waxay yidhaahdeen: Haddaad raacdaan Shucayb, waxaad idinku markaasi hubaal tihiin kuwo ku sugan khasaaro dhab ah
91Kolkaas buu dhul gariir qaatay, markaas bay noqdeen (baqti) daadsan guryahoodii
92Kuwii beeniyey Shucayb, waxay noqdeen sidii inayan marnaba ku negaanin halkaas. Kuwii beeniyey Shucayb,waxay ahaayeen kuwo ku sugan khasaaro dhab ah
93Markaas buu ka jeestay oo yidhi: Dadkaygiyow! Waxaan xaqiiq idin soo gaarsiiyey Farriimahii Rabbigay, oo idin siiyey waano wanaagsan. Ee sidee baan haddaba ugu diir naxaa dad xaq diid ah
94Oo ma jirto magaalo aan u soo dirnay Nabi oo aanaan ku qaban dadkeeda (markay caasiyoobeen) faqri daran iyo cudurro, bal inay soo nuglaadaan oo na baryaan
95Haddana waxaanu ugu beddelnay halkii dhibka, wanaag, ilaa ay bateen oo yidhaahdeen: Lurnaan iyo ladnaanba xaqiiq way soo mareen aabbayaashayo (sidoo kale). Markaas baan u qabannay si kedis ah iyagoo aan dareemeyn
96Oo hadday dadka magaalooyinka (Xaqa) rumeeyaan oo iska ilaashaan (xumaha), waxaan hubaal uga soo furi laheyn barakooyin samada iyo arladaba, laakiinse way beeniyeen, markaas baan u qabannay waxay kasban jireen darteed (oo dembiyo ah)
97Waa la yaabe! Ee ma waxay reer magaaluhu dareemaan inay ka yihiin aamin Ciqaabtayada inay u timaaddo habeennimo iyagoo hurda
98Waa la yaabe! Ee ma waxay reer magaaluhu dareemaan inay ka yihiin aamin Ciqaabtayada inay u timaaddo goor barqo ah iyagoo iska cayaaraya
99Waa la yaabe! Ma waxay dareemaan inay ka yihiin aamin Tabta Ilaahay, cidise ma dareento inay ka yihiin aamin Tabta Ilaahay aan aheyn dadka ku sugan khasaarada dhabta ah
100Ma waysan u caddaanin kuwaa dhaxla dhulka oo uga haray dadkeedii (hore) oo lahaa, in haddaan doonno, aan u ciqaabi laheyn dambiyadooda? oo waxaanu yeelnaa shaabbad daahda quluubtooda sidaa darteed wax ma maqlaan
101Magaalooyinkan, waxaan kuu soo tebinnaa wax ka mid ah wararkooda oo xaqiiq Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad, mayse aheyn kuwo rumeynaya waxay horey u beeniyeen. Sidaas buu Allaah u yeelaa shaabbad daahda quluubta gaalada
102Oo ma aanu ka helin badankooda (daacadnimo iyo dhowris ) ballan,oo wa- xaan hellay badankood inay yihiin caasiyaal
103Markaasaan soo dirnay iyaga kaddib Muuse oo wada Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, wayse rumeyn diideen. Ee eeg sida ay aheyd cidhibta mufsidiinta
104Oo Muuse wuxuu yidhi: Fircoonow! Hubaal anigu waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga Caalamka
105Waxaan anigu mudanahay inaan ka sheegin Allaah waxaan ahayn Xaq. Waxaan idiinka la imid xaqiiq Xujo Cad xagga Rabbigiin. Ee igu dar ha ila tageene ilmaha Israa’iil
106Wuxuu yidhi: Haddaad la timid Calaamo, haddaba keen haddaad ka mid tahay runlowyda
107Markaas buu wuxuu tuuray ushiisii mise! Waa mas iska cad
108Oo wuxuu u soo saaray debedda gacantiisa, mise! Waa caddahay (oo u ifeysey) eegayaasha
109Waxay xildhibaannadii ka mid ahaa dadkii Fircoon yidhaahdeen: Hubaal kani waa saaxir xeel dheer
110Wuxuu rabaa inuu idinka saaro dhulkiinna, ee maxaad haddaba ku talineysaan
111Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig (xaalkiisa) isaga iyo walaalkiba (in muddo ah)oo u dir ergooyin xagga magaalooyinka
112Kuu keena saaxir kasta oo xeel dheer
113Oo sixiroolayaashii waxay u yimaadeen Fircoon (oo) yidhaahdeen: Waa inaan hubaal yeelannaa Abaal gud fiican haddaan innagu adkaanno
114Wuxuu yidhi: Haa yoo, oo waxaad waliba ka mid noqon doontaan kuwa la ii soo dhoweeyo
115Waxay yidhaahdeen: Muusow! Ma adiga baa (hor) tuuran mise innaga baa ahaanna kuwa (hor) tuurta
116Wuxuu yidhi: Tuurta. Haddaba markii ay tuureen, waxay sixreen indhihii dadka oo argagax geliyeen, oo waxay la yimaadeen sixir aad u weyn
117Oo waxaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Tuur ushaada. Mise! waxay liqliqday isla markiiba waxay been dhoobdhoobeen ee ay soo bandhigeen
118Marka xaqii baa sugnaaday, oo waxay faleen waxay noqdeen waxaan waxba ka jirin oo iska baabba’ay
119Sidaas baa (Fircoon iyo dadkiisii) looga adkaaday halkaa, oo noqdeen kuwo la jabiyey
120Oo sixiroolayaashii ula dhaceen (dhulka) sujuud (xagga Allaah)
121Waxay yidhaahdeen: Waxaanu rumeysannahay Rabbiga caalamka
122Rabbiga Muuse iyo Haaruun
123Fircoon wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyneysaan ka hor inta aan idiin idmin? Hubaal, arrinkani waa shirqool aad ku soo dhigteen si qarsoodi ah magaalada si aad uga saartaan dadkeeda, waadse ogaan doontaan
124Waxaan hubaal u goyn doonaa gacmahiinna iyo lugahiinna is dhaaf, markaas waan idin wada dal-dali doonaa dhammaantiin
125Waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaan innagu u noqon doonnaa xagga Rabbigayo
126Oo nagu ma heysatid waxaan ahayn inaan rumeynay Calaamooyinka Rabbigayo markay noo yimaadeen! Rabbiyow! Nagu shub samir oo na oofso innagoo kuu hoggaansan Muslimiin ahaan
127Oo xildhibaannadii ka mid ahaa dadkii Fircoon waxay yidhaahdeen: Ma waxaad u daynaysaa Muuse iyo dadkiisa inay fasahaadiyaan arlada, oo ka tagaan adiga iyo ilaahyadaadaba? (Fircoon) wuxuu yidhi: Waxaan dili doonnaa wiilashooda, oo daysan haweenkooda, oo hubaal waxaanu nahay kuwa ka sarreeya oo maquuniya
128Muuse wuxuu ku yidhi dadkiisii: Ka barya kaalmo Allaah oo samir yeesha, hubaal, arlada waxaa iska leh Allaah, Wuxuu dhaxalsiiyaa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, oo cidhibta (san) waxaa iska leh kuwa iska jira (xumaha)
129Waxay yidhaahdeen: Waxaa na soo gaaray dhibaatooyin ka hor intii aad noo imaan iyo kaddib intii aad noo timidba. Wuxuu yidhi: Waa intaasoo uu Rabbigiin halligo cadowgiinna oo idiinka yeelo madax arlada, markaas wuxuu eegi doonaa sida aad u dhaqantaan
130Oo waxaan xaqiiq ku qabannay reer Fircoon abaaro iyo mirahoo ka yaraada, bal inay waansamaan
131Markay se samaan u timaaddo, waxay yidhaahdaan: Innagaa leh tani. Oo haddii (xaalad) xun ku dhacdo, waxay baaseystaan Muuse iyo kuwa la jira. Hubaal nasiibkooda waxaa haya Allaah oo keliya, laakiinse badankoodu ma ogsoona
132Oo waxay yidhaahdeen: Wax kastoo calaamo ah aad noola timaaddo si aad noogu sixirto, innagu kuma rumeysan doonno
133Markaas baan ku soo dirnay dushooda: daad (qaada oo keena dhimasho baahsan), iyo ayax iyo injiro iyo rah iyo dhiig, calaamooyin cad, wayse isweyneeyeen, oo waxay ahaayeen dad dambiilayaal ah
134Oo markuu daacuunku ku dhacay waxay yidhaahdeen: Muusow! Noo bari Rabbigaa wuxuu kugula ballamay darteed. Haddaad daacuunka naga kor qaaddo, hubaal waanu ku rumaysan doonnaa, oo waxaan hubaal kugu dari doonnaa Ilmaha Israa’iil
135Markiise aan ka kor qaadnay daacuunka ilaa muddo go’an oo ay aheyd inay gaaraan, bay markaas ka baxeen ballanka
136Markaas baan ka aargudannay oo aan ku qarqinnay badda, waayo waxay beeniyeen Aayadahayaga oo waxay ahaayeen kuwo ka dhoohan
137Oo waxaan ka yeelnay dadkii loo arkay kuwo tabar daran inay dhaxlaan gobollada bari ee dhulka iyo kuwa galbeedba ee aan barakaynay1. Oo Kelmadda wanaagsan ee Rabbigaa waa lagu oofiyey Ilmahii Israa’iil, sabarkooda awgi iyo u dul qaadashadooda (dhibaatooyinka). Oo Waxaanu baabbi'nnay waxay Fircoon iyo dadkiisii sameeyeen iyo waxay dhismooyin taageenba
138Oo waxaan ka yeelnay Ilmaha Israa’iil inay ka tillaabbaan (si nabad ah) badda, markaasay waxay ku yimaadeen dad dul yuurarsan sanammadooda (oo caabudaya). Waxay yidhahadeen: Muusow! Noo yeel ilaah innagana sida ay iyaguba u leeyihiin ilaahyo. Wuxuu yidhi: Hubaal waxaad idinku tihiin dad ay ku jirto jaahilnimo
139(Ma xagga) kuwani, hubaal, waxaa ay ku sugan yihiin waa la baabbi’in doonaa, oo waa baadil waxaa ay falaan
140Wuxuu yidhi: Waa la yaabe! Ma waxaan idiin doonaa ilaah kale aan aheyn Allaah,isagoo idinka kor mariyey caalamka
141Oo waa tii aan idinka samata bixinnay dadkii Fircoon ee idin dhadhansiiyey cadaab daran, iyagoo dilayey wiilashiinna, oo u daynayey haweenkiinna nolol. Arrinkaa waxaa ku sugnaa imtixaan aad u weyn xagga Rabbigiin ah
142Oo Waxaan la ballannay Muuse muddo soddon habeen ah, oo ku dhammeystirnay toban dheeri ah marka muddada uu u qabtay Rabbigi waxay ahayd afartan habeen oo buuxda. Oo Muuse wuxuu ku yidhi walaalki Haaruun: intaan maqnahay qabo xilkeyga dadkayga dhexdi, oo u dhaqan si wanaagsan, oo ha raacin jidka Mufsidiinta
143Oo markuu u yimid Muuse ballankayagii oo Rabbigi la hadlay, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iskay tus aan ku eegee. Wuxuu yidhi: Ima arki kareysid, laakiinse eeg buurta, hadday ku sugnaato meesheeda markaas ayaad i arki doontaa. Markiise uu Rabbigi isu muujiyey buurtii3, wuxuu ka dhigay budo, oo Muuse dhulka buu ugu dhacay suuxdin. Markaasuu markuu soo miyirsaday wuxuu yidhi: Xurmo oo dhan Adigaa leh oo Nazahan, Waan kuu soo noqdaa, oo anigu waxaan ahay kan ugu horreeya mu'miniinta
144Wuxuu yidhi: Muusow! Hubaal Waxaan kaa doortay dadka (si aad u qaaddo) Farriimaheyga aan kuula soo diray iyo hadalkeyga ee qaado waxa aan ku siiyey oo ka mid ahow kuwa mahad naqa
145Oo Waxaan ugu qornay alwaaxda wacdi la xiriira wax kasta iyo faah faahinta waxyaalaha oo dhan ee qaado si sugnaansho leh, oo ku amar sii dadkaaga inay qaataan kan ugu wanaagsan. Waxaan idin tusi doonaa daarta caasiyaasha
146Waxaan ka duwi doonaa Aayadahayga kuwa isku kibriya arlada xaq darro; oo hadday arkaan calaamo kasta ma rumaysan doonaan. Oo hadday arkaan jidka hanuunka kama yeeshaan jid, oo hadday arkaan jidka habowga waxay ka yeeshaan jid, arrinkani waxaa ugu wacan waxay beeniyeen Aayadahayaga, oo ahaayeen kuwo ka dhoohan
147Oo (ma xagga) kuwa beeniya Aayadahayaga iyo la kulanka Aakhirada, acmaashooda waa waxaan jirin oo baabba’ ah. Miyaa laga abaal marin waxaan aheyn waxay faleen
148Oo dadkii Muuse markuu tagey kaddib, waxay ka sameysteen dahabkoodii, dibi qolof ah leh cod beynaax ah4. Waa la yaabe! Miyaanay arki karayn inaanu la hadleyn, oo ku toosin kareyn jid? Wayse qaateen (si ay u caabudaan) oo waxay ahaayeen gar ma qaatayaal
149Oo markay ka shallaayeen oo ay arkeen inay lumeen ayey (toobad keeneen oo) yidhaahdeen: Haddaanu Rabbigayo noo naxariisan oo noo dambi dhaafin, waxaanu hubaal ka mid noqon doonnaa kuwa ku sugan khasaarada dhabta ah
150Oo markuu Muuse ku soo noqday dadkiisii isagoo cadhaysan oo walbahaar-san buu yidhi: Xumaa waxa aad fasheen kaddib (tagisteydii). Ma waxaad ka degdegsasteen amarka Rabbigiiin? Oo wuxuu tuuray looxyada, oo soo qabtay madaxa walaalki isagoo u soo jiidaya xaggiisa. (Haaruun) wuxuu yidhi: Ina hooyadayow! Hubaal dadkani waxay ii arkeen daciif, oo waa I dili gaareen, ee ha igu farax gelin cadowga, oo ha igala mid dhigin dadka gar ma qaatayaasha ah
151Wuxuu yidhi: Rabbiyow! ii dambi dhaaf aniga iyo walaalkayba, oo na gali Naxariistaada, Adigaa U Naxariis Badan inta naxariisata
152(Ma xagga) kuwii u sameystay dibiga (ilaah ahaan) hubaal Cadho xagga Rabbigood ah iyo dulli baa noloshan adduunka ku dhici doona. Oo sidaas baan u abaal marinnaa been abuurtayaasha
153(Ma) kuwase fala camallo xun haddana toobad keena intaas kaddib, oo rumeeya (oo raaca xaqa), hubaal, Rabbigaa intaasoo (dhan) kaddib waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
154Oo markay Muuse Cadhadii ka degtay, wuxuu soo qaatay looxyadii, oo waxaa ku qornaa wax hanuun iyo naxariis u ah kuwa Rabbigood ka cabsada
155Oo wuxuu ka soo doortay Muuse dadkiisii toddobaatan nin ballankayaga dartiis, markuuse qabtay dhul gariir daran, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Haddaad doonto, Waxaad rogi laheyd iyaga awal hore iyo anigaba; ma waxaad noo rogeysaa waxa kuwa maan gaabka ah ee nagu jira ay faleen? Wax kale maahee waa oo keliya jarribaaddaada ee aad ku habaabiso qofkaad doonto, uguna sugtid hanuunsanaanta qofkaad doonto. Adigaa ah Gargaarahayaga, ee noo dambi dhaaf oo noo naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta dambi dhaafta
156Oo noo qor samaan adduunyadan iyo Aakhiradaba. Hubaal waan kuu soo noqonnay. Wuxuu yidhi: (Ma xagga) Cadaabtayda waxaan ku ridi doonaa kaan doono, oo Naxariistaydu waxay koobtaa wax kasta, marka waxaan u qori doonaa (gaar ahaan) kuwa iska ilaaliya (xumaha) ee qaata hufnaanta (Islaamka); ee iyagu ah kuwa Aayadahayaga rumeysan
157Kuwa raaca Rasuulka-Nabiga Ummiga ah oo ay ka helayaan isagoo ku qoran agtooda Tawraadda iyo Injiilka_ kaasoo amra wanaagga oo ka reeba xumaanta, oo u xalaaleeya waxyaalaha wanaagsan oo ka xaaraameeya Waxyaalaha xun oo ka dejiya culayskooda iyo xargihii korkooda ahaa5. Ee (ma xagga) kuwa rumeeya ee sharfa, ee u gargaara ee raaca Nuurka (Qur’aanka) lala soo diray, waa kuwan kuwa liibaanayaasha ah
158Dheh: Dadow! Hubaal anigu waxaan ahay Rasuul Ilaahay ee loo soo diray idinka oo dhan, Kaasoo iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Ma jiro Ilaah (xaq ah) Isaga Maahee; Waa Isaga Kan bixiya nolosha oo sababa geerida. Ee rumeeya Allaah iyo Rusuulkiisa, Nabiga Ummiga ah ee rumeysan Allaah iyo Kelmadihiisa, oo raaca si aad u hanuuntaan
159Oo dadkii Muuse waxaa ka mid ahaa qayb ku hanuunineysey (dadka) si xaq ah oo ku oogayey caddaaladda
160Oo Waxaan u qaybinnay labo iyo toban qabiilood oo ummado ah. Oo Waxaan u Waxyoonnay Muuse markay dadkiisii weydiisteen biyo (waxaan ku nidhi): Ku dhufo dhagaxa ushaada, markaasaa waxaa kolkiiba ka soo burqaday labo iyo toban ilood: qolo walba waxay ogaatay meeshay biyaha ka cabbi laheyd. Oo Waxaan ka yeelnay daruuraha inay harsiiyaan dushooda, oo ku soo dejinnay Manna (wax macaan oo malab sidi ah) iyo Salwaa (hilib shimbir wanaagsan_Samaan la yidhaahdo): Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan ee aan idin siinnay. Oo waxba nooma dhimin, laakiinse waxay u gafeen nafahooda
161Oo markii lagu yidhi: Dega magaaladan (Qudus)6 oo wax ka cuna meeshaad doontaan, oo dhahaya,’ (Allow naga) rid culayska na saaran’; oo gala albaabka idinkoo hoggaansan, Waa idiin dhaafi doonnaa gefefkiina: Waa aan u ziyaadin doonnaa (abaalgudka) sama falayaasha
162Waxayse kuwoodii ka midka ahaa ee gefka falay ku beddeleen hadal ka duwan midkii lagu yidhi7. Markaas baan kaga soo dejinnay cirka cadaab gefefkii ay galeen awgeed
163Oo wax ka weydii magaaladii ku ag tiil badda, markay ku xad-gudbeen arrinkii (Maalinta) Sabtida, iyadoo uu u yimaado kalluunkoodu maalinta Sabtidooda isagoo muuqda, oo maalinta aanay Sabti aheyn uma yimaado. Sidaas baan ugu imtixaannay caasintoodii awgii
164Oo markay qolo ka mid ahi tidhi: Maxaad u waanineysaan qolo uu Allaah halligi doono, ama ku cadaabi doono cadaab daran? Waxay yidhaahdeen: Waa si aan eed naloogu raacan Rabbigiin horti, iyo bal inay ka joogaan (xumaha)
165Haddaba markii ayan dan u gelin waxa lagu waaniyey, Waxaan badbaadinnay kuwii reebayey xumaanta, oo waxaan ku dhignay kuwii gefka falay cadaab daran caasinta ay galeen awgi
166Sidaas awgeed markay ku madax adeygeen waxa laga reebayey, waxaan ku nidhi: Noqda (sida) daayeerro, dulleysan oo dayra ah
167Oo waa tii uu Rabbigaa ogeysiiyey inuu hubaal ku soo dirayo ilaa Maalinta Qiyaamaha kuwo dhadhansiinaya cadaabta ugu xun. hubaal Rabbigaa xaqiiq waa ku Dhakhsi Badan yahay Ciqaabta, oo hubaal Isagu xaqiiq waa Dambi Dhaaf iyo Naxariis Badan yahay
168Oo waxaan ugu kala googaynay arlada iyagoo qaybo ah, waxaa ka mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo (kale) oo ka mid ah aan sidaas ahayn. Oo waxaanu ku imtixaannay (waqtiyo) wanaagsan iyo (waqtiyo) xun bal inay soo laabtaan
169Markaa baa waxaa yimid iyaga kaddib dad (xun) oo dhaxlay Kitaabka oo qaadanaya waxyaalaha (aan bannaaneyn ee) nolosha tani soke (ee adduunyada), iyagoo leh: waa naloo dambi dhaafi doonaa. oo misna haddii uu u yimaado (mar kale) alaabo ( raaxo adduunyo aan bannaaneyn) oo la mid ahi, way qaadanayaan (sidoo kale). Miyaan lagaga qaadin ballan Kitaabka in aanay ka sheegin Allaah waxaan ahayn xaq, iyagoo akhristay waxa ku yaalla (Kitaabka), oo Daarta Aakhiro baa u khayr badan kuwa iska ilaasha (xumaha). Ee miyeydaan haddaba wax fahmeyn
170Oo (ma xagga) kuwa qabsada Kitaabka oo ooga salaadda, hubaal Annagu Marnaba ma dayacno abaalgudka kuwa camalkooda hagaajiya
171Oo markaan gilgilnay buurtii dushooda sidii isagoo harayn dallad oo kale, oo waxay moodeen inuu ku soo kor dhacayo. (Waxaanu ku nidhi): Ku qaata waxaanu idin siiinnay (Towraadda) si sugnaan leh, oo ku camal fala waxa ku yaal si aad uga dhowrsataan (xumaha)
172Oo waa tii uu Rabbigaa ka soo saaray ilma Aadam dhabarradooda durriyadooda oo uu uga markhaati dhigay nafahooda: Miyaan Anigu ahayn Rabbigiin? Waxay yidhaahdeen: Haayoo! Markhaati baan ka nahay. Waa si aydaan u odhan Maalinta Qiyaamaha: Waxaan Innagu ahayn kuwo tani mooganaa
173Ama aydaan u odhan: Waxaa wax la shariig yeelay (Allaah) oo keliya aabbayaashayadii awal hore8, oo waxaanu innagu aheyn durriyad timid iyaga kaddib; ma waxaad haddaba nagu rogeysaa waxay faleen baadil raaca
174Oo sidaas baan u caddeynaa Aayadaha, iyo bal inay soo laabtaan
175Oo u akhri warka midkii aan siinnay Aayadahayaga, ha yeeshee ka siibtay iyagii oo sheydaan duufsaday, ee ka mid noqday kuwa habowsan
176Oo haddaan doonno kor ayaan hubaal ugu soo qaadi laheyn, laakiinse dhulka buu isku dhajiyey oo uu raacay waxa (liita) ay naftu rabto. Marka waxaa uu ka dhigan yahay sida Eeyga, haddaad eryato carrabka laalaadsha; haddaad iska deysana laalaadsha carrabkiisa; kani waa mataalka dadka beeniya Aayadahayaga. Ee uga sheekee sheekooyinka bal inay fakaraan
177Xumaa mataalka dadka beeniya Aayadahayaga, oo ah kuwa u gefa nafahooda
178Qofkii Allaah hanuuniyo uun baa ah kan hanuunsan, oo qofkii uu sababo inuu habaabo, waa kuwan kuwa ku sugan khasaarada weyni
179Oo Waxaan xaqiiq u abuurnay Naarta in badan oo ka mid ah jinka iyo dadka. Waxay leeyihiin quluub aysan wax ku fahmin, oo waxay leeyihiin indho aysan wax ku arag, oo waxay leeyihiin dhego aysan wax ku maqal. Waa sida xoolo oo kale, mayee waa bay ka sii habow daran yihiin; kuwan waa kuwa dhoohan
180Oo Allaah baa iska leh Magacyada wanaagga badan. Ee ku barya, oo iskaga taga kuwa leexsha ee ku xadguba xurmadda Magacyadiisa9. Waa laga abaal marin doonaa, waxay faleen
181Oo waxaa ka mid ah waxa aan abuurnay ummad wax ku hanuunisa xaqa, oo ku ooga caddaaladda
182Oo (ma xagga) kuwa beeniya Aayadahayaga, waxaanu ugu soo dhoweyn (baabba’a) si heerar ah (oo ka qaban doonnaa) meel aanay ogeyn
183Oo Waxaan siinayaa fursad, hubaal Tabteydu waa sooh adag tahay
184Ma waysan ka fekereyn inaan saaxiibkood qabin wax waalli ah. Wax kalena maahee waa dige iska cad
185Miyaanay u fiirsan boqortooyada samooyinka iyo arlada iyo wax kastoo uu Allaah abuuray, iyo in laga yaabo in muddadoodu soo dhowaatay, ee hadalkee bay haddaba rumaynayaan kani kaddib
186Qofkii Allaah lumiyo ma leh hanuuniye; oo wuxuu ku daayaa xad- gudubkooda ay ku jaha wareersan yihiin indha’ la' aan
187Waxay ku weydiiyaan Saacadda (Qiyaame) goorma ayey dhici doontaa? Dheh: Cilmigeedu Rabbigay keliya buu la jiraa. Ma jiro waxaan Isaga ahayn oo muujin doona waqtigeeda loo qabtay. Waxay ahaan wax ku culus cirarka iyo dhulka (arrinkeedu). Idiinkuma imaan doonto waxaan aheyn kedis. Waxay kuu weydiiyaan sidiiyoo aad adigu cilmi dheer u leedahay. Dheh: Cilmigeedu waxaa uu la jiraa oo keliya Allaah, laakiinse badankooda dadku ma ogsoona
188Dheh: Ma lihi awood aan wax ku taro ama ku waxyeelleeyo naftayda waxa Allaah doono ma’ahee. Oo haddaan ogaan lahaa cimi Ghaybka, waxaan badsan lahaa khayrka, oo wax xume ah ima taabteen. Anigu waxaan ahay oo keliya u dige iyo u bishaareeye dad rumeysan
189Isaga weeye Kan idinka abuuray naf keliya oo isla (caynkaa) ka yeelay lammaanahiisa, si uu u weheshado. Oo markuu ku hagoogto bay qaaddaa uur yar, oo halkaas ka sii waddo, markase ay cuslaato, waxay labaduba baryaan Allaah, Rabbigood, (oo ay yidhaahdaan): Haddii aad na siiso (dhal) wanaagsan, waxaanu hubaal ka mid noqon doonnaa kuwa mahad naqa
190Markase uu siiyo dhal hagaagsan, waxay ugu yeelaan shariigyo waxa uu siiyey10. wuuse ka sarreeyaa Allaah waxa ay u shariig yeelaan
191Waa la yaabe! Ma waxay uga dhigayaan shariig waxaan waxna abuurin, oo iyagu naf ahaantooda la abuuray
192Oo aan u gargaari kareyn, bal aan nafahooda u gargaari karin
193Oo haddaad ugu yeerto hanuun aan idin raaci doonin. Waa isugu kiin mid haddaad u yeertaan ama aad ka amustaan
194Hubaal kuwa aad baridaan Allaah sokadi waa addoomo idin la mid ah. Ee bal barya ha idin ajiibeene haddaad tihiin run sheegayaal
195Ma waxay leeyihiin cago ay ku socdaan? Mise waxay leeyihiin gacmo ay wax ku qabsadaan? Mise waxay leeyihiin indho ay wax ku arkaan? Mise waxay leeyihiin dhego ay wax ku maqlaan? Dheh, U yeerta shurakadiinna oo ii tab dhigta, oo ha i siinnina wax nafis ah
196Hubaal, Gargaaraheyga i lib siinayaa waa Allaah ee ah Kan soo waxyooday Kitaabka, oo Isagaa gacal ka yeesha kuwa hagaagsan
197Oo kuwa aad u yeerataan sokadi, ma karaan gargaarkiinna, nafahoodana uma gargaari karaan
198Oo Haddaad ugu yeertaan hanuun, ma maqlaan, oo waxaad aragtaa iyagoo ku soo eegaya, oo haddana aan waxba arkayn
199Qaado saamaxaadda. Oo amar samaanta, oo ka jeeso jaahiliinta
200Oo Hadduu fikrad xun kugu waswaas geliyo shaydaan, ka magan gal Allaah. Isaga baa ah wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon
201Hubaal, kuwa ka cabsada Ilaahay, markay taabato meerto Shaydaan, way ku baraarugaan oo kolkiiba (xaqa) arkaan
202Walaalahood se (dadka xun), waxay (shaydaammadu) u kordhiyaan habow, markaa innaba kama gaabiyaan
203Oo haddaad ula iman weydo calaamo waxay yidhaahdaan: Maxaad u been abuuran weydey? Dheh: Waxaan anigu sideedaba raacaa waxa uun la iiga waxyoodo xagga Rabbigay. Kuwakani wa caddeymo ka yimid Rabbigiin, oo u ah hanuun iyo naxariis dad rumaysan
204Oo marka Qur'aanka la akhriyo markaa dhegaysta oo aamusnaada, si la idiinku naxariisto
205Oo xus Rabbigaa naftaada gudaheeda si haybaysi iyo cabsi leh adigoon kor ugu qaadeyn codka aroor iyo galabba oo ha ka mid noqon kuwa dhoohan
206Hubaal, kuwa ah Rabbigaa agti marnaba iskama weyneeyaan cibaadadiisa, oo way nazahaan oo xurmo weyneeyaan, oo Isaga bay u sujuudaan
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath