79. An-Naazicaat
1Waxaan ku dhaartay (malaa’igta) sida daran u soo siibta nafaha dambiilayaasha
2Oo waa igu kuwaa sida fudud u qaada (nafaha mu’miniinta)
3Oo waa igu kuwaa ku dabaasha hawada sare dabaalasho
4Misna kuwaa hormaray ee horay u socda
5Misna kuwaa isku duwa arrin (walba)
6Maalinta ay gilgilatadu gilgilan doonto
7Oo ay raaci doonto tan xigta
8Quluub Maalintaas way gariiri
9Indhahoodu rogan yihiin
10Waxay (hadda) leeyihiin: Ma waxaa xaqiiq naloo soo celin doonaa xaaladdayadii hore (ee nolosha)
11Ma xitaa markaan noqonno lafo bololay
12Waxay yidhaahdaan: Taasi haddaba waxay ahaaneysaa noqosho khasaaro leh
13Xaqiiq waxay ahaan hal Qeylo uun
14Mise, markaa waxay ahaan doonaan (kuwo baraarugsan) dhulka guudkiisa
15Miyuu ku soo gaaray warkii Muuse
16Markuu Rabbigi uga dhawaaqay togga barakeysan ee Duwaa
17Aad Fircoon, xaqiiq, wuu xadgudbay
18Oo ku dheh: Ma dooneysaa inaad daahiriso naftaada
19Oo aan kugu hanuunsho xagga Rabbigaa, si aad uga baqdo
20Oo wuxuu tusay Calaamddii Weyneyd
21Wuuse diiday (Xaqa) oo caasiyey
22Markaasuu dib u jeestay isagoo dadaal ku jira
23Oo soo kulmiyey (dadkiisii), oo kor u dhawaaqay
24Oo yidhi: Waa Aniga rabbigiin, sarreeya
25Markaasuu Allaah ku dhigay ciqaab lagu tusaale qaato (xadgudubkii) dambe iyo tii hore darteed
26Hubaal (arrin)kani waxaa ugu sugan cibrad (digniin)mid kastoo ka cabsada Alle
27Ma idinka baa adag in la idin abuuro, mise samada, waa uu dhisay
28Wuxuu kor u qaaday saqafkeeda, oo simay
29Oo wuxuu ka yeelay mugdi habeenkee- da, oo soo saaray iftiinkeeda
30Oo markaa kaddib wuxuu fidshay arlada
31Wuxuu ka soo saaray biyaheeda iyo baadkeeda
32Oo buuraha, waa uu dhidbay
33Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolahiinnuba
34Markase ay timaaddo musiibada weyni
35Maalinta uu Aadmigu xusuusan wuxuu dadaal ku bixiyey
36Oo Naarta loo muujiyo qof (waliba) oo arkaya
37Ee ma qofka isagu xad gudba
38Oo door bida nolosha adduunkan
39Hubaal, Naarta waa hoygiisa
40Ma kan se ka cabsada hor istaagga Rabbigi, oo ka reeba nafta u iilasho (xun)
41Hubaal Jannada- waa hoygiisa
42Waxay wax kaa weydiiyaan (Muxammadow) Saacadda (Qiyaame), waa goorma goortay dhaceyso
43Ma adiga baa (cilmi) u leh aad ku sheegto
44Waa xagga Rabbigaa halka ay ku dhammaan (ogaanshaheeda)
45Waxaad uun tahay u dige kuwa ka baqa
46Maalinta ay arkayaan, waxay ahaan sida inaysan ku negaaadin (adduunka) waxaan ahayn galab ama barqadeed
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath