77. Al-Mursalaat
1Waa igu dabeylaha la isaga soo daba diro joogto (danaha aadmiga) awgi
2Waa igu dabaylaha sida daran u kaca
3Ee u kaxeeya daruuraha meelahooda looga tala galay
4Kuwa kala saara (Xaqa iyo baadilka) kala saarid dhan
5Misna waa igu malaa’igta keena Waxyiga
6Si loo caddeeyo (Xaqa), ama loo digo
7Hubaal, waxa la idiinku gooddiyo waa wax dhacaya
8Ee marka xiddiguhu beelaan nuurkooda
9Oo marka samada u kala dhambalmanto gaballo
10Oo marka buuraha la firdhiyo boor sidi
11Oo marka Rususha loo soo kulmiyo waqtigii loo qabtay
12Maalintee baa muddadaa loo qabtay
13Maalinta kala baxa
14Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa ay Maalinta kala baxu tahay
15Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
16Miyaanaan halaagin facyadii hore
17Misna waxaan raacin doonnaa kuwa (facyada) dambe
18Sidaas oo kale baan u galnaa denbiilayaasha
19Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
20Miyaanaan idinka abuurin biyo liita
21Markaas yeelin meel aamin ah gudaheed (riximka)
22Ilaa muddo go’an
23Sidaa baan wax u qaddarnay oo Annagaa u fiican kuwo wax qaddara
24Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
25Miyaanaan ka dhigin dhulka mid qaada oo ku filan
26Kuwa nool iyo kuwa mowtanba
27oo ka yeelin dhulka dhexdiisa buuro sugan oo dhaadheer, oo aan idinka waraabinin biyo macaan
28Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
29Aada waxaad beenin jirteen
30Aada hoos (qiiqa Naarta ah) oo seddex laamood leh
31Oo aan harsi laheyn, waxnana ka tareyn ololka dabka
32Hubaal Waxay (Naartu) tuurtaa dhimbilo daran oo daaro oo kale ah
33Aad mooddo awr aydin ah
34Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
35Kanu waa Maalin aysan hadli doonin
36Oo aan idan la siin doonin si ay u cudurdaartaan
37Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
38Kani waa Maalinta kala Baxa. Waa idin soo kulminnay idinka iyo kuwii horreeyeyba
39Ee haddii aad tab degtaan, haddaba tab dega Aniga lidkay
40Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
41Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan hoosas iyo ilo
42Iyo midho_waxay doonaan ah
43Cuna oo cabba si raaxo leh waa waxaad camalsan fali jirteen darteed
44Sidaas oo kale baan u abaal marinnaa sama falayaasha
45Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
46Cuna oo raaxeysta in yar. Hubaal, waxaad tihiin denbiilayaal
47Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
48Oo marka lagu yidhaahdo: Rukuuca ma ay rukuucaan
49Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
50Ee warkee bay kan kaddib iyagu rumeyn doonaan
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath