Islaamka
dib

76. Al-Insaan

1Miyuunan soo marin Aadmigu waqti waayaha ka mid ah isagoo aan aheyn wax jira oo la sheego

2Hubaal Waxaanu ka abuurnay Aadmiga mani2- yaroo nool isku dhafanta, si aynu u imtixaanno, markaas waxaan ka yeellay mid wax maqla, wax arka

3Hubaal Waxaanu tusnay jidka, wuxuu noqon karaa mid mahad naqa, mise mid abaal dhac badan

4Hubaal Waxaanu u diyaarinnay gaalada silsilado, heegayaal iyo dab ololaya

5Hubaal kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi doonaan galaas (khamro xalaal) ah oo lagu dheehay Kaafuur

6Il ay ka cabbi doonaan addoomaha Ilaahay oo ay burqin doonaan burqin

7Waxay oofiyaan nidarradooda, oo ka cabsadaan Maalin sharkeedu aad u faafayo

8Oo waxay ugu deeqaan cunto jaceyl ay Isaga u qabaan darti miskiinka iyo agoonka iyo maxbuuska

9(iyagoo laabta ka leh) Waxaan uu idiin quudinnaa Ilaahay Darti. idinkama rabno abaal gud iyo mahadnaq midna

10Hubaal Waxaanu ka cabsannaa Rab- bigayo (Allaah) Maalin lala il darnaan dhibaatooyin aad u badan

11Markaa Allaah wuxuu ka samata bixin sharka Maalintaas, oo siin nuur iyo farxad

12Oo ku abaal marin sabarkoodii dartiis Janno iyo xariir

13Iyagoo ku dangiigsan sariiro korreeya korkooda, kuma arki doonaan dhexdeeda kuleylka qorraxda iyo qabow badan midna

14Oo waxaa wax u dhow (ahaan doona) Hoosaskeeda, oo midhaheeda waxaa laga yeeli kuwo aad ugu dhow oo si sahal ah loo gaaro

15Oo waxaa lagula dhex wareegi weelal qalin ah iyo koobab quraarado ah

16quraarado saafi ah laga sameeyey qalin, waxay u qiyaaseen iyaga qiyaas aad ah

17Oo waxaa laga waraabin galaas (khamro xalaal ah) lagu dheehay Sanjabiil

18Il halkaa ku taal, la yidhaahdo Salsabiil

19Oo waxaa ku wareegaaleysan si ay ugu adeegaan wiilal da’ yar ah aan gaboobin. marka aad aragto, waxaad moodi luul la firdhiyey

20Oo marka aad aragto halkaa (Jannada), waxaad arki barwaaqo iyo boqortooyo aad u weyn

21Dharkoodu waa xariir jilicsan oo cagaaran iyo xariir adag. Oo waxa lagu qurxin jin-jimo qalin ah oo Rabbigood wuxuu ka waraabin sharaab daahir ah

22Hubaal kani waa abaalgud aad leedihiin, oo dadaalkiinnii waa la idiin gudi oo ajar weyn la idinka siin

23Hubaal! Annaga Naf ahaanteenna baa kuu soo waxyoonnay Qur’aaanka (Nabi Muxammadow) annagoo u soo waxyoonayna si qaybo ah

24Ee sug si samir leh Xukunka Rabbigaa, oo ha adeecin dambiile iyo abaal darne midkoodna ka mid ah iyaga

25Oo xus Magaca Rabbigaa subax iyo galabba

26Oo qaybo ka mid ah habeenka u sujuud, oo xurmo weynee oo huf in dheer oo habeenka ka mid ah

27Hubaal! Kuwakani waxay jecel yihiin noloshatan adduunka, oo waxay mariyaan gadaashooda (oo dan u gelin)Maalin culus

28Annagaa abuurnay iyaga, oo adkaynnay seedahooda, oo haddii aan doonno Waxaan ku beddeli karnaa kuwo kale oo la mid ah beddelid dhan

29Hubaal tani waa waano, ee mid kastoo doonaa, ha u samaysto jid xagga Rabbigi

30Oo wax ma doontaan, in Allaah doono maahee, hubaal! Allaah waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah

31Wuxuu ka yeelaa kii uu doono inuu geliyo Naxariistiisa, oo daalimiinta (mushrikiinta,gaalada,dambiilayaasha,iwm) Wuxuu u diyaariyey cadaab xanuun badan

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath