75. Al-Qiyaama
1Mayee, waxaan ku dhaartay Maalinta Qiyaamaha
2Oo mayee, waxaan ku dhaartay nafta is eedda
3Ma wuxuu aadmigu moodaa inaanaan isu keeni doonin lafahiisa
4Haayoo, Waxaan karnaa inaan sinno oo sidoodii ka yeelno farahiisa oo dhan
5Bal! Aadmiga wuxuu rabaa inuu beeniyo waxa ka horreeya (ee sugaya)
6Wuxuu weydiiyaa: Waa Goorma Maalinta Qiyaamaha
7Ee marka araggu wareero
8Oo dayaxu madoobaado
9Oo qorraxda iyo dayaxa la isu keeno
10Aadmigu wuxuu Maalintaaas odhan: Xaggee loo cararaa
11May! Ma jiro agab (meel la magan galo)
12Xagga Rabbigaa (Keliya) buu ahaan Maalintaa meesha agabka ah
13Aadmiga Maalintaas waxaa loo sheegi wuxuu hormarsaday iyo wuxuu dib marsaday
14Bal! Aadmigu wuxuu ku ahaan doonaa markhaati naftiisa lidkeed
15Inkastoo uu keeno cudurdaarradiisa
16Ha ku dhaqaajin carrabkaaga si aad ugu degdegto (akhrintiisa)
17Hubaal waa xil Annaga na (saaran) inaan ku ururino laabtaada oo kuu akhrino
18Ee marka aan akhrinno raac akhriskiisa
19Markaas Annagga bayna na saaran tahay caddeyntiisu
20Mayee se, waxaad jeceshihiin noloshatan (adduunka) ee durba tageysa
21Oo dayacdaan Aakhirada
22Wejiyo qaar Maalintaas waxay ahaan doonaan kuwo ifaya oo nuur leh
23Iyagoo eegaya xagga Rabbigood
24Oo Wejiyo (kale), Maalintaas waxay ahaan doonaan kuwo kuduudsan
25Waxay hubtaa in laga yeeli doono inay ku dhacdo belaayo aad iyo aad u weyn
26Mayee, markay (naftu) soo gaarto mirgiga (iyadoo sii baxeysa)
27Oo la yidhaahdo: Yaa ku tufi
28Oo yaqiinsado inay tahay (waqtigii) tagidda
29Oo sakaraadkii loo geeyo sakaraad
30Waa xagga Rabbigaa Maalintas halka laysu wadaaa
31Marka ma uu rumeyn (Xaqa) mana tukan
32Laakiinse wuu beeniyey (Xaqa) oo dhabarka jeediyey
33Markaas wuxuu aaday xagga ehelkiisa isagoo u socda si kibir iyo faan leh
34Dhowaa hooggaagu oo dhowaa
35Haddana dhowaa hoggaagu oo dhowaa
36Ma wuxuu Aadmigu moodaa in looga tegi doono bilaash (ujeeddo la'aan)
37Miyuusan aheyn mani-nool oo la dhibciyo
38Markaas uu noqday xinjir, uu abuuray oo qaab wanaagsan u yeelay
39Oo ka dhigay labo nooc, lab iyo dheddig
40Miyuusan Kaasi (Allaah) awoodin inuu soo nooleeyo maytida
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath