74. Al-Muddaththir
1Midkani ku dadanow (dharka)
2Kac oo dig
3Oo Rabbigaa waa inaad weyneyso
4Oo maryahaaga waa inaad daahiriso
5Oo fadarada waa inaad ka fogaato
6Oo wax ha u bixin si aad u hesho wax ka badan
7Oo Rabbigaa dartiis , samir yeelo
8Ee marka Buunka la afuufo
9Taasi waxay ahaan Maalin aad u Daran
10Gaalada aan u fududeyn
11Isu kaanna daa aniga iyo kaan abuuray isagoo keli ah (qaawan)
12Oo aan siiyey hanti aad u ballaaran
13Iyo wiilal ag jooga oo garabkiis ah
14Oo aan u hagaajiyey arrinkiisa hagaag
15Oo waliba wuxuu damcaa inaan u siyaadiyo
16Ma jirto, hubaal wuxuu ka hor yimaadaa Aayadahayaga
17Waxaan yeeli doonaa cadaab dhibaato leh inay qabsato
18Hubaal waa uu fekaray, oo wax qoolay
19Se nacaladi ha ku dhacdee! Sidee wax u qoolay
20Mar kale, nacladi ha ku dhacdee, sidee wax u qoolay
21Markaas waa uu fiirshay
22Markaa wejiga kaduuday oo uruuriyey
23Haddana dhabarka jeediyey oo is kibriyay
24Markaasuu yidhi: Kani wax kale maahee waa sixir laga soo minguuriyey kuwo kale
25Kanu ma aha waxaan aheyn hadal Aadmi
26Waxaan ku tuuri doonaa Saqaro (Naar)
27Oo Maxaad ka og tahay waxa ay Saqaro tahay
28Ma reebto waxna kamana tagto cidna
29Waxay doorisaa jirka oo gubtaa
30Waxaa kor jooga sagaal iyo toban
31Oo kama aanu dhigin waardiyada Naarta waxaan ahayn malaa'ig, oo uma aanu yeelin tiradooda waxaan ahayn imtixaan ahaan gaalada,_si ay ehlu-Kitaabku u yaqiinsadaan, oo mu’miniintu u kororsadaan Iimaan_, oo aanay kuwaa la siiyey Kitaabka iyo mu’miniinta u shakiyin, iyo in kuwaa uu quluubtoodu ku jiro cudur iyo gaalada u yidhaahdaan: Muxuu Allaah uga jeedaa tusaalahan? Sidaas buu Allaah u lumiyaa kii uu doono, oo u hanuuniyaa kii uu doono. Oo ma jir wax og ciidammada Rabbigaa Isaga maahee. Oo (Naar) tani wax kale ma aha aan aheyn waano ku socota dadka
32Mayee, waxaan ku dhaartay dayaxa
33Iyo habeenka marka uu tago
34Iyo waagu marka uu caddaado
35Hubaal iyadu (Naarta) waa mid ka mid ah balaayooyinka waaweyn
36Digniin ku socota dadkaa dhimanaya
37Ku socota mid kastoo idinka mid ah ee doonaya inuu hormaro ama ku haro gadaal
38Naf walbaa waxaa loogu heystaa curaar waxay galabsato
39Qolada midigta maahee
40Beero gudaheed, waxay iska wareysan
41Xaalka dambiilayaasha
42Maxaa idin keenay Naarta Saqaro
43Waxay odhan: Kama aynu mid aheyn kuwa tukada
44Oo ma aannu quudin jirin miskiinka
45Oo waxaanu gali jirnay waxyaalo been ahoo aan jirin la jirka kuwaa gala baadilka
46Oo waxaan beenin jirnay Maalinta abaal marinta
47Jeer ay noo timid geeridu
48Marka shafeecada kuwa shafeeca waxba uma tari doonto
49Ee maxaa heysta iyaga oo ay uga jeestaan (qaadashada) waanada
50Sida inay yihiin dameero duur joog ah oo didsan
51Ee ka soo cararay libaax
52Bal, qof walba oo ka mid ahi iyaga wuxuu rabaa in la siiyo waraaqo fidsan
53Mayee! balse, kama cabsadaan Aakhirada (Ciqaabka Ilaahay)
54Mayee, hubaal waa waano
55Ee mid kastoo raba ha ku waano qaato
56Oo kama ay waano qaadan doonaan in Allaah doono maahee; waa Isaga Rabbiga, mudan inay aadmigu ka cabsadaan, oo mudan inuu Dambi Dhaafo
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath