Islaamka
dib

73. Al-Muzzammil

1Midkanow iskuduuduubahayow maryaha

2U kac (salaad) habeenka in yar maahee

3Barkiis ama ka nusqaami in yar

4Amaba ka badi, oo u akhri Qur’aanka sida ku habboon in loo akhriyo

5Hubaal Waxaanu kugu soo dejin doonnaa Hadal culus

6Hubaal habeenka saacadahiisa (oo la tukado) baa leh khushuuc badan oo aad u toosan odhaah ahaan

7Hubaal waxaad leedahay inta maalinta ah howl aad u dheer

8Ee xus Magaca Rabbigaa, oo u go'doon go’doomid dhan

9Rabbiga bariga iyo galbeedka. Ma jiro ilaah aan aheyn Isaga ee ka dhigo wakiil

10Oo u samir yeelo waxa ay yidhaahdaan, oo uga dheerow iyaga si qurxoon

11Oo isu kaanna daa Aniga iyo kuwa beeniya (Aayadaheyga),kuwa ladan ee nic- mada badan heysta, oo u sug in xoogaa ah

12Hubaal Waxaa Xaggayaga ah silslado culus iyo dab ololaya

13Iyo cunto lagu margado, iyo cadaab aad u xanuun badan

14Maalinta marka dhulka iyo buuruhu gilgilan gil-gilasho xoog leh, oo buuruhu ahaan (sida) bacaad la shubay

15Hubaal Waxaanu idiin soo dirnay Rasuul, markhaati idinku ah, sida aan ugu soo dirnayba Rasuul xagga Fircoon

16Fircoon se wuu caasiyey Rasuulkii (loo diray Muuse c.s.), markaasaan qabannay qabasho aad u daran

17Ee sidee baad isaga celin doontaan (cadaabka), haddii aad gaalowdaan, Maalin ka dhigi carruurta cirroole

18Samada arrinkaa darti la dildillaaci doonto. Yaboohiisa waa mid abad fula’e

19Hubaal tani wa waano, ee kii doonaa, ha u samaysto xagga Rabbigi jid (toosan)

20Hubaal Rabbigaa waa og yahay inaad isku dhaafiso (salaad) ku dhowaad saddex meeloodoo labo meelood habeenka, (mararka qaarna) barkiis ka mid ah, (marmarna) saddex meeloodoo meel ka mid ah, oo sidaa oo kale bay yeelaan qayb ka mida kuwa kula jira. Oo Allaah baa qaddara habeenka iyo maalinta. Wuxuu og yahay inaydaan kareyn inaad fashaan sidaas (habeenkii oo dhan), sidaa awgeed wuxuu idiinku soo noqday (si naxariis leh). Ee akhriya waxa idiin fudud oo Qur’aanka ka mid ah. Wuxuu og yahay inay idin ka mid ahaan doonaan kuwa buka, iyo kuwo kale oo ku safra dhulka iyagoo dalbaya Deeqda Ilaahay; iyo kuwo kale oo u dirira Arrinka Ilaahay. Ee akhriya intii idiin fudud oo ka mid ah, oo hagaajiya salaadda oo bixiya Zakada, oo amaahsada Allaah Amaah wanaagsan. Oo waxaad u hormarsataan nafahiinna oo khayr ah waxaad ka heli doontaan Allaah agtiisa; sidaas baa khayr badan oo ajar weyn. Oo weydiista Dambi dhaaf Ilaahay. Hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath