Islaamka
dib

72. Al-jin

1Dheh: Waxaa la ii waxyooday inay koox Jin ahi dhegaysteen (Dhambaalkan). Markaasay yidhaahdeen: hubaal waxaanu maqallay Qur'aan cajab leh

2Wax ku toosinaya Jidka Toosan, markaasaan rumeynay, oo uma shariig yeeleyno axadna Rabbigyo

3Oo waxaa sarreeya Sharafta iyo Haybadda Rabbigeen, ma uusan yeelan xaas ama dhal midna

4Oo waxay kuwa maan gaabka ahi3 ee dhexdeenna ah ka sheegaan waxyaalo xadgudub ah Allaah

5Oo Waxaan innagu moodnay in aysan dadka iyo jinka ka been sheegin Allaah

6Oo waxay rag ku jira insiga magan galeen rag ku jira jinka, markaasay u kordhiyeen dhib iyo culeys (dambi)

7Oo waxay iyagu moodeen sida aad idinkuba mooddeen, inuusan Allaah soo bixineyn axadna

8Oo waxaan innagu doonnay inaan gaarno samada, waxaanse la kulannay iyadoo laga buuxiyey ilaalooyin adag iyo danabyo

9Oo waxaan ka fariisan jirnay halkaa rugag laga fariisto si aan u xadno maqalka, kiise (isku dayaa) inuu dhegaysto haatan wuxuu la kulmayaa danab sugaya

10Oo ma ogin in shar lala maagay waxa jooga dhulka korkiisa, ama in Rabbigood la doonay hanuun

11Oo waxaa naga mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo kaloo naga mid ah aan sidaas ahayn. waxaanu nahay kooxo raaca dariiqoooyin kala duwan

12Oo waxaan ognahay inaan uga fakan karin (ciqaabka) Ilaahay dhulka, oo ugama fakan karno (ciqaabka) carar

13Oo markaanu maqallay Hanuunka, waan rumaynay, oo mid kastoo rumeeya Rabbigi waa inuusan ka baqin khasaaro, ama inuu qabsado (dulli)

14Oo waxaa naga mid ah kuwo hoggaansan (Muslimiin ah), oo qaarkayo waa kuwo (gaalo ah) ka leexda (Xaqa); ee mid kastoo u hoggaansan (Ilaahay), kuwaasi waxay raacaan jidka toosan

15Oo ma xagga kuwa ka leexda (Xaqa), kuwaasu waa xaabada Naarta

16Oo haddii ay hayn lahaayeen Jidka (toosan) waxaan hubaal ka waraabin laheyn biyo badan oo macaan

17Si aan ugu imtixaanno. Oo mid kastoo ka jeesada Waanada Rabbigi, Wuxuu ka yeeli inuu galo cadaab sii kordheysa

18Oo Masaajidyada waxaa leh Allaah, ee ha baryina axadna la jirka Alle

19Oo waxay markuu addoonkaa Ilaahay istaagay isagoo baryaya, durbaba ka sameeyeen hareerahiisa is buurasho badan

20Dheh: Waxaan uun baryayaa Rabbigay oo lama wadaajinayo axadna cibaadada

21Dheh: Anigu idin ma hayo habow ama hanuun

22Dheh: Cidina igama celin karto (Ciqaabka) Ilaahay (Haddii aan ku caasiyo), mana ka heli karo sokadi wax ciirsi iyo agab ah

23(Xilkeygu waa) oo keliya Gaarsiinta (Xaqa) ka yimid Allaah iyo Risaalooyinkiisa (towxiidka), oo mid kastoo caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa, hubaal wuxuu mudan Naarta dabka ah, ay ku dhex waari doonaan weligood

24Jeer markay arkaan waxa loogu gooddiyo, markaasay ogaan doonaan cidda gargaarahiisu tabar daran yahay oo tiro yar

25Dheh: Anigu ma ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay, ama in Rabbigay u yeeli doono waqti go’an

26Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan ee qarsoon, umana bandhigo ghaybkiisa axadna

27Mid maahee uu Isagu u doorto Rasuul ahaan, markaa wuxuu hubaal u yeelaa ilaalo socota hortiisa iyo gadaashiisaba

28Si uu u ogaado inay run ahaan gaarsiiyeen Farriimaha Rabbigood, oo waa koobaa waxa xaggooda jira, oo tira koobaa wax walba

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath