71. Nuux
1Hubaal Waxaanu u soo dirnay Nuux dadkiisii (Annagoo leh): U dig dadkaaga inta aysan u iman cadaab xanuun badan
2Wuxuu yidhi: Dadkaygiiyow! Hubaal waxaan anigu idiin ahay dige cad
3Inaad caabudddaan Allaah, oo aad dhowrtaan (xilka uu idin saaray), oo anigana i adeeca
4Wuxuu idiin dhaafi wax ka mid ah dambiyadiinna, oo idiin dib dhigi ilaa muddo magacaaban. hubaal, muddada Alle gooyey marka ay timaaddo lama dib dhigo, waase haddii aad og tihiin
5Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaan anigu ugu baaqay (Towxiidka) dadkeygii habeen iyo maalinba
6Ha yeeshee baaqeygu uma uusan kordhin waxaan aheyn didmo
7Oo mar kastoo aan u baaqo si aad ugu dambi dhaafto, waxay dhex geliyaan farahooda dhegahooda2, oo isku dadaan maryahooda, oo madax adaygaan oo waxaa ka buuxsama kibir iyo san taag
8Haddana hubaal waxaan ugu baaqay (Towxiidka) si cod kore ah
9Haddana hubaal waxaan ula hadlay iyaga si guud , oo waxaan ula hadlay iyaga si gaar ah (sir iyo saaqba)
10Markaas waxaan idhi: Ka barya dambi dhaaf Rabbigiin; hubaal waa Dambi Dhaaf Badane’e
11Wuxuu u soo diri doonaa dushiinna daruur idiin shubeysa roob darar ah
12Oo idinku deeqi maal iyo awlaad, oo idiin yeeli beero, oo idiin yeeli webiyaal
13Maxaa idinku dhacay aydaan uga cabsoon Weynida Ilaahay
14Oo dhab ahaan wuxuu idin abuuray idinkoo soo maray heerar (kala duwan)
15Mawaydan arag sida Allaah u abuuray toddobada samo ee kala korreeya
16Oo yeelay dayaxa dhexdiis nuur, oo ka yeelay qorraxda nal
17Oo Allaah Wuxuu idinka soo bixiyey dhulka bixitaan
18Markaas idinku celin gudahiisa oo idinka soo bixin baxsiis (Cusub)
19Oo Allaah Wuxuu idiinka yeelay dhulka gogol fidsan
20Si aad ugu socotaan dhexdiisa waddooyin waasic ah
21Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waa ii caasiyeen, oo raaceen mid isagu maalkiisu iyo awlaaddiisu aysan u kordhin waxaan aheyn khasaaro
22Oo waxay qooleen shirqool aad u weyn
23Oo waxay yidhaahdeen: Sinnaba ha uga tegina ilaahyadiinna, hana ka tegina Wadd ama Suwaac ama Yaquus iyo Yacuuq iyo Nasar
24Oo xaqiiq waxay lumiyeen in badan, oo ha u kordhin gar ma qaatayaasha waxaan aheyn habow
25Gefafkoodii dartood baa loo qarqiyey, markaas laga yeelay inay galaan Naar, marka ma helin cid u soo gargaarta Allaah sokadi
26Oo Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ha kaga tegin dhulka korkiisa axad deggan oo ka mid ah gaalada
27Waayo hubaal haddii aad deyso iyaga, waxay dhumin addoomahaaga, oo ma dhali doonaan waxaan aheyn faajir, abaal dhac badan
28Rabbiyow! Ii Dambi dhaaf aniga, iyo waalidkeyba iyo qofkii soo gala gurigeyga isagoo mu’min ah, iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Oo ha u kordhin daalimiinta (mushrikiinta, gaalada, iwm,) waxaan aheyn burbur iyo baabba’a
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath