70. Al-Macaarij
1Mid wax dalbaya2, baa dalbay cadaabta ku dhaceysa
2Gaalada, ma jiro cid celin karta
3Ka iman xagga Ilaahay, Rabbiga waddooyinka kor loogu koro leh
4Xaggiisay u koraan Malaa’igta iyo Ruuxu Maalin qaddarkeedu dhan yahay konton kun oo sano
5Ee Samir yeelo _samir wanaagsan
6Hubaal waxay u arkaan wax aad u fog
7Oo waxaan u aragnaa mid aad u dhow
8Maalinta ay samadu noqon doonto sida maar shuban
9Oo buuruhu noqon doonaan sida cudbi la dhilay
10Oo Saaxiib iswareysan doonin saaxiib
11Inkastoo laga yeelayo inay is arkaan. dambiilahu wuxuu jeclaan inuu isaga furto cadaabka Maalintaasi carruurtiisa
12Iyo xaaskiisa iyo walaalki
13Iyo kuwa u xiga qaraabo ahaan ee siiya meeluu hoydo
14Iyo waxa dhulka jira oo dhan markaas si uu isagu u badbaado
15Mayee! Hubaal waa Naar ololeysa
16Ka soo jiideysa Madaxa
17Waxay u yeedhi kan jeestay ee Xaqa diiday
18oo maal kulmiyey markaa oo afka u xidhay
19Hubaal Aadmigu waxaa lagu abuuray sabar yaraan iyo degdegsiinyo
20Marka uu dhib taabto waa murugoodaa
21Oo marka uu khayr helo waa masuugaa
22Kuwa tukada mooyaane
23Ee daa’ima salaaddooda
24Oo ah kuwa maalkooda uu ugu jiro qayb la yaqaan
25Kan tuugsada, iyo kan aan wax heysan
26Oo ah kuwaa rumeysan Maalinta is abaal marinta
27Ee iyagu ka baqa cadaabta Rabbigood
28Hubaal Cadaabta Rabbigaa waa wax aan aamin laga aheyn
29Oo ah kuwa ilaaliya xubnahooda gaarka ah
30Xagga xaasaskooda ma’ahee ama kuwaa ay gacmahoodu midig hantaan,_oo (markaa) hubaal ma laha wax eed ah
31Kiise isagu doona inuu intaas dabo maro, kuwaa weeye kuwa xadgudbayaasha ah
32Iyo kuwaa ilaaliya ammaanooyinkooda iyo ballamahooda
33Kuwaa iyagu si toosan u guta markhaa- tiyadooda
34Oo ah kuwa iyagu xafida oo dhowra salaaddooda
35Kuwaas waxay geli doonaan Beeraha Jannada iyagoo sharfan
36Muxuuse arrinkoodu yahay kuwaa Xaqa diida waa iyaga u soo degdega hareeraheeda’e
37Xagga midigta iyo bidixda koox koox u jooga
38Ma wuxuu qof walba oo iyaga ka mid ahi rabaa in laga yeelo inuu galo Jannada barwaaqada ah
39Mayee, hubaal Waxaan ka abuurnay waxa ay og yihiin
40Mayee se! Waxaan ku dhaartay Rabbiga bariyada iyo galbeedyada inaan xaqiiq Karno
41Inaan ku beddelno (Kuwo kale) oo ka wanaagsan; oo ma nalaga adkaan doono
42Ee isaga tag iyaga keligood inay ku socdaan waxyaalo aan jirin oo been ah oo iska cayaaraan, jeer ay qaabilaan fool ka fool Maalintooda loogu gooddiyo
43Maalinta ay ka soo bixi doonaan qu- buuraha iyagoo degdegaya sida inay u tartarmayaan calaamo loo taagay
44Indhahoodu rogan yihiin, dulli baa dabooli doona (korka oo dhan)! Taasu waa Maalintii loogu gooddiyey
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath