6. Al-Ancaam
1Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo yeelay mugdiyada iyo nuurka, sidaa oy tahay kuwa Xaqa diida waxay u yeelaan dhig Rabbigood
2Isaga weeye (Alle) Kan idinka abuuray dhoobo, markaas (idiin) qaddaray muddo (aad ku dhimataan), oo waxaa jira muddo (kale oo) magaacaban uu Isagu Og yahay (Saacadda Qiyaamaha), waliba idinku waad ka shakisan tihiin oo ka dooddaan
3Oo waa Isaga Ilaaha (Keliyee Xaqa ah) samooyinka gudahooda iyo arlada gudaheedaba, wuxuu Ogsoon yahay sirtiinna iyo caadkiinnaba, oo wuxuu ogsoon yahay waxa aad kasbataan
4Oo uma timaaddo calaamo ka mid ah calaamoyinka Rabbigood, bal waa ka sii jeesadaan
5Oo waxay xaqiiq beeniyeen xaqa markuu u yimid, ee waxaa u imaan doona xaqiiqda waxa ay ku jees jeesi jireen
6Miyaanay u fiirsan inta aan hallignay hortood facyo, aan ku awood siinnay dhulka si aanaan idiinku awood siin? Oo waxaanu uga soo shubnay daruuraha (roob) mahiigaan ah, oo waxaan u yeelnay webiyo socda hoostooda, waanse hallignay dambiyadoodii dartood, oo aan soo bixinnay iyaga kaddib fac kale
7Oo haddaan kugu soo dejinno qoraal ku yaal waraaq, markaas ay ku taabtaan gacmahooda, hubaal gaalada waxay odhan lahaayeen: kanu ma aha waxaan aheyn sixir iska cad
8Oo waxay yidhaahdaan: Maxaa malag loola soo diri waayey? Oo haddaan soo dejinno malag, arrinka mid la gooyo buu ahaan lahaa, oo markaas lama siiyeen nafis
9Oo haddiiba aan ka dhigno malag, waxaan hubaal ka dhigi laheyn nin, oo waxaan hubaal iskaga dari lahayn arrinka sida ay iyaguba isaga dari jireen
10Oo xaqiiq Rusul kaa horreysey baa lagu jees jeesay, waxaa se ay ku jeesjeeseen baa koobay ku digtayaashii ka midka ahaa
11Dheh: Ku socdaala dhulka, markaas fiiriya sida ay aheyd ciribta beeniyayaasha
12Dheh: Kumaa leh waxa jira samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Wuxuu ku waajibiyey Naftiisa Naxariis; hubaal wuxuu xaqiiq idiin soo kulmin doonaa Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. (Ma xagga) kuwa khasaariyey nafahooda, ma rumeyn doonaan
13Oo Isaga baa iska leh wax kastoo ku xasila habeenka iyo maalintaba, oo waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Og
14Dheh: Ma waxaan yeeshaa xafide aan aheyn Allaah, abuuraha samooyinka iyo arlada? Ee wax quudiya ee aan Isaga la quudin. Dheh: Waxaa la i amray inaan ahaado kan u horreeya ee u hoggaansama (Alle). oo waa inaydaan ka mid noqon mushrikiinta
15Dheh: Hubaal waxaan ka cabsi qabaa, haddaan caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin aad u murugo Weyn
16Kan laga duwo Maalintaas (Cadaabta). Xaqiiq Allaah wuu u Naxariisatay, oo tani weeye Liibaanta Cad
17Oo hadduu Allaah ku taabsiiyo waxyeello, ma jiro wax kaa kor qaadi karaa oo aan Isaga ahayn, oo hadduu ku taabsiiyo khayr, isaga baa wax walba Kara
18Oo waa Isaga Sarreeyaha Awoodda Badan ka korreeya addoomahiisa, oo waa Isaga Xakiimka, Xog Ogaalka ah
19Dheh: Maxaa u weyn markhaati? Dheh: Allaah baa markhaati ah dhexdeenna aniga iyo idinkaba; oo waxaa la ii waxyooday Qur'aankan inaan idiinku digo idinka iyo cid kastaba uu gaaro. Ee idinku ma waxaad ka marag kacdaan inay Allaah la jiraan ilaahyo kale? Dheh: Anigu kama marag kaco. Dheh: Waa uun Ilaah Keliya, oo hubaal anigu waxaan barii ka ahay waxa aad la wadaajisaan (cibaadada)
20Kuwa aan siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaan (Nabi Muxammad ee ku yaal kutubtooda) sida ay u gartaan carruurtooda. (Ma xagga) kuwa khasaari doona nafahooda (Aakhirada), ma rumeysan doonaan
21Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah ama beeniya Aayadihiisa? Hubaal gar ma qaatayaasha ma guuleystaan
22Oo Maalinta aan soo wada kulmin doonno iyagoo dhan, markaas baan ku odhan doonnaa kuwii la wadaajiyey (Allaah) cid kale cibaadada: Meeye shurakadiinna aad ku andacooteen (inay wehliyaan Isaga)
23Markaas ma ahaan doono cudurdaarkoodu waxaan ahayn inay odhanayaan: Wallaahi, Rabbiyow, ma aanu aheyn mushrikiin
24Eeg Sida ay uga been sheegi nafa-hooda oo waxay been abuurteen way ka kala tageen
25Oo waxaa ka mid ah kuwo ku dhegaysta, oo waxaan yeellay quluubtooda daboollo si ayan u fahmin, iyo culeys dhegahooda; oo xitaa hadday arkaan calaamo kasta ma rumayn doonaan, heer markay kuu yimaadaan way uun kula doodaan, waxay kuwa rumeysan diida yidhaahdaan: Kani ma aha waxaan ahayn sheeko-xariirtii kuwii hore
26Oo waxay ka reebaan dadka (kale) iyaguna ka sii fogaadaan (Qur’aanka), oo ma halligaan waxaan aheyn nafahooda, mase dareensana
27Oo haddaad arki lahayd iyagoo la dul joojiyey Naarta, markaas waxay odhan doonaan: Alla haddii naloo celin lahaa (adduunka) , oo ma aan beenin lahayn Aayaadaha Rabbigayo, oo waxaan ka mid noqon laheyn mu’miniinta
28Bal, waxay hore u qarsadeen baa u muuqan doono, oo haddii dib loo celin lahaa, waxay hubaal ku noqon lahaayeen wixii laga reebay. Oo hubaal waa beenalayaal xaqiiqdii
29Oo waxay yidhaahdaan: Ma jirto (nolol kale) aan aheyn noloshayada (tan) adduunkan, oo nalama soo saari doono
30Oo haddaad arki lahayd marka la hor joojiyo Rabbigood. Wuxuu odhan doonaa: Soo ma aha kani Xaq? Waxay odhan doonaan: Haah, Rabbiyow. Wuxuu odhan doonaa: Haddaba dhadhamiya cadaabta gaalnimadiinnii darteed
31Waa khasaare u joog xaqiiq kuwa beeniya la kulanka Ilaahay, jeer markay Saacaddu ugu timaado si kedis ah, waxay odhan doonaan: Shallaytadannow ku gaboodfalkayaga darteed waxakani oo waxay ku xambaari culeysyadooda (dambiyadooda) dhabarradooda, haddaba hubaal waxaa xumaan badan waxa ay xambaari doonaan
32Oo ma aha noloshan adduunka waxaan aheyn cayaar iyo madaddaalo. Oo xaqiiq Daarta Aakhiro baa u khayr badan kuwa iska jira (xumaha), ee miyaydan haddaba garowsaneyn
33Waxaan ognahay xaqiiq inay waxa ay sheegaan runtii ku murugo geliso: Mase aha hubaal adiga waxa ay beeninayaan, laakiinse gar ma qaatayaashu waa Aayadaha Ilaahay waxay dafirayaan
34Oo xaqiiq Rusul kaa horreeyey adiga baa la beeniyey, wayse ku samreen beenintaa iyo dhibkii loo geysanayey ilaa uu u yimid Gargaarkayaga, oo ma jiraan wax beddeli kara kelmedaha Ilaahay. Oo xaqiiq waxaa haatan ku soo gaaray in ka mid ah xaaladdii Rususha
35Oo hadday kugu cuslaatay jeedsigoodu, haddaba haddaad dalbi karto dalool aad hoos ugu baxdo arlada gudaheeda, ama sallaan (aad ku fuusho) samada si aad ugu keento calaamo (haddaba sidaa yeel). Oo hadduu Allaah dooni lahaa wuxuu hubaal isugu soo kulmin lahaa iyagoo dhan hanuunka, ee ha ka mid noqon jaahiliinta
36Kuwaas wax maqla uun baa ajiiba (baaqa), oo (ma xagga) meytida, Allaah baa soo bixin doona, markaas Xaggiisa baa loo soo celin doonaa
37Oo waxay yidhaahdaan: Oo maxaa looga soo dejin waayey calaamo xagga Rabbigi ah? Dheh: Hubaal Allaah wuu Karaa inuu soo dejiyo calaamo, laakiinse intooda badan wax ma oga
38Oo ma jiro noole ku socda arlada, ama shimbir ku duusha labadeeda baal, aan aheyn ummado idinla mid ah. Waxba kama aanaan dhaafin Kitaabka1, markaas xagga Rabbigood baa la isugu soo kulmin doonaa
39Oo kuwa beeniya Aayadahayaga waa kuwo dhega la’ oo af la’ oo ku jira mugdiyo daran. Qofkuu doono Allaah waa habaabiyaa, oo qofkuu doono wuxuu yeelaa Jidka Toosan
40Dheh: Bal ii sheega haddii Cadaabta Ilaahay ay idiin timaaddo ama Saacaddu idiin timaaddo, ma cid kale aan Allaah ahayn ayaad baryi doontaan haddaad tihiin run sheegayaal
41Mayee’ Isaga Keligii ayaad baridaan, oo idinka dul qaada (dhibta) aad uga gargaar weydiisataan hadduu doono, oo waxaad illowdaan waqtigaa waxaad la wadaajineyseen cibaadada
42Oo xaqiiq Waxaan u dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyay (wayse ku caasiyeen). Markaas baan ku qabannay faqri ba'an iyo cudurro baas bal inay soo dabcaan
43Oo maxay markay u timid Ciqaabtayada, u soo hogan waayeen? Laakiinse quluubtoodaa qallashay, oo Shaydaan wuxuu u qurxiyey waxay falayeen
44Markiise ay dan u gali waayeen waxa lagu waaniyey, waxaan u furnay albaabbada wax kasta, ilaa markay ku farxeen waxa la siiyey, waan qabannay si kedis ah, mise waxayba ku sugan yihiin quus daran
45Markaasaa dadkii geystey gefafka la cidhibtiray. Oo ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, Rabbiga uunanka
46Dheh: Miyaad u fiirsateen in hadduu Allaah qaado maqalkiinna iyo araggiinna, oo yeelo shaabbad quluubtiinna daahda; waa kuma ilaaha aan aheyn Allaah oo idiin keeni kara? Eeg sida Aan ugu celcelinno Aayadaha, markaas ay uga sii jeestaan
47Dheh: Miyaad u fiirsateen, hadday idiinku timaaddo cadaabta Ilaahay kedo ama caddaan; Miyaa la halligaa waxaan aheyn dadka gar ma qaatayaasha ah
48Oo uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyaal iyo digayaal, ee qofkii rumeeya oo sama fala, kuwaas ma qabi doonaan cabsi, mana murugoon doonaan
49Kuwase beeniya Aayadahayaga, cadaab baa taaban doonta caasintooda darteed
50Dheh: Idinkuma dhaho waxaan hayaa khasnadaha Ilaahay, mana ogi waxa aan muuqan ee qarsoon oo idinkuma dhaho waxaan anigu ahay malag. Ma raaco waxaan ahayn waxa la ii waxyoodo. Dheh: Kan idhaha la’ iyo kan wax arka miyey siman yihiin? Miyeydaan haddaba fakarayn
51Oo ugu dig kuwa cabsada in loo soo kulmin doono xagga Rabbigood—ma laha gargaare iyo shaafeece midna Isaga sokadiis, bal inay iska jiraan (xumaha)
52Oo ha ceyrin kuwa barya Rabbigood subax iyo galabba, waxay rabaan oo keliya Wajigiisa. Waxba kaama saarna2 Xisaabtooda, iyagana xisaabtaada waxba kama saarna, (ee iska jir) inaad ceyriso, oo sidaas uga mid ahaato geflowyada
53Sidaas baan isugu jarribnaa (dadka) qaarkoodba qaar kale inay yidhaahdaan: Ma kuwaan baa kuwa Allaah uu ku mannaystay (fadliga) dhexdeenna? Miyaanu Allaah ahayn Kan Ogsoon kuwa mahad naqa
54Oo markay kuwaa rumeysan Aayadahayaga kuu yimaadaan, dheh: Nabadi korkiinna ha ahaato, Rabbigiin wuxuu ku waajibiyey Naftiisa Naxariis, sidaa awgeed, hadduu midkiin u falaa xumaan jahli darti, markaas kaddibna soo laabto oo wanaagsanaado, hubaaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
55Oo sidaas baan u kala dhigdhignaa Aayadaha si ay u caddaato waddada Dambiilayaasha
56Dheh: Waxaa la iga reebay inaan caabudo kuwa aad baridaan Allaah sokadi. Dheh: Ma raaco rabitaannadiinna liita, waayo (haddii aan sidaas yeelo), xaqiiq waan lumi lahaa markaas, oo kama mid ahaadeen kuwa hanuunsan
57Dheh: Hubaal Anigu waxaan ka heystaa Xujo Cad xagga Rabbigay, waadse beenisaan, ma hayo waxa aad degdegsaneysaan. Go’aanka waxaa iska leh Allaah, wuxuu soo tebiyaa Xaqa, oo waa Isaga Kan u wanagsan inta wax kala xukunta
58Dheh: Haddaan hayn lahaa waxa aad dooneysaan in la soo dedejiyo, arrinka wuxuu hubaal ahaan lahaa mid la gooyey aniga iyo idinka dhexdeenna, Oo Allaah aad buu u ogsoon yahay geflowyada
59Oo Wuxuu hayaa furayaasha khaznadaha qarsoon, ma jiro axad ogsoon aan Isaga ahayn. oo Wuxuu ogsoon yahay wax kasta oo jira barriga iyo baddaba; oo ma jirto caleen soo dhacda uusan ogeyn; oo ma jirto iniin taal mugdiyada dhulka iyo wax qoyan ama qallalan midna, bal (waxay dhaammaan) ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka)
60Oo Isaga weeye (Alle) Kan oofsada nafahiinna habeenka (hurdada gudaheeda), oo wuxuu ogsoon yahay waxa aad kasabtaan maalinnimada, haddana idinka soo kiciya mar kale si loo oofiiyo muddo magacaaban, markaas Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa, markaasuu idiin sheegi doonaa wixii aad fasheen (oo dhan)
61Oo Waa Isaga Sarreeyaha awoodda badan, ka korreeya addoomahiisa, oo wuxuu idiin soo diraa ilaalo (malaa'ig) korkiinna ah, jeer markay geeri u timaaddo midkiin, waxaa oofsada Rusushayada (Malaa’igta ah), oo iyagu ma aha kuwa gabood fala
62Markaas baa waxaa dib loogu celiyaa Allaah, Mudanahooda Xaqa ah. Haddaba hubaal Isaga ayaa leh go’aanka, oo waa Kan u dhaqso badan inta wax xisaabisa
63Dheh: Waa kuma kaa idinka badbaadiya halisaha barriga iyo badda (marka) aad baridaan (si caddaan ah) idinkoo u hoganaya iyo qarsoodiba (oo leh): Hadduu naga badbaadiyo (halis) tan, waxaanu hubaal ka mid noqon doonnaa kuwa mahad naqa
64Dheh: Allaah baa idinka badbaadiya iyada iyo kurba kastaba, markaas ayaad haddana u shariig yeeshaan
65Dheh: Wuxuu Karaa inuu idiinka soo diro cadaab korkiinna ama lugihiinna hoostooda3 ama idin geliyo jahawareer (isagoo idinka dhigaya) kooxo kala duwan, oo ka yeelo qaarkiin inay dhadhamiyaan dhibka qaarka kale. Eeg sida aan ugu soo celcelinno Aayadaha,bal inay fahmaan
66Oo dadkaagu way beeniyaan isagoo Xaq ah. Dheh: Anigu dusha idinkama saarni ilaaliye ahaan
67War walbaa wuxuu leeyahay muddo, oo waad ogaan doontaan
68Oo markaad aragto kuwaa gala warar been ah ay ka sheegaan Aayadahayaga iyagoo ku jeesjeesaya, ka dheerow, jeer ay u galaan war kale. Oo hadduu shaydaan ku hilmaansiiyo, haddaba ha la fadhiisan xusuus ka dambow dadkaa geflowyada ah
69Oo kuwa dhowrsoon xisaabtooda (gaalada iyo cusaadda) waxba kama saarna, laakiinse waxay ku leeyihiin waano, waa intaasoo ay iska jiraan (xumaha'e)
70Oo iskaga tag kuwa ka dhigta diintooda cayaar iyo madaddaallo, oo ay hodday nolosha adduunkan, oo ku waaniya (Qur’aanka) si aan nafi loogu halligin waxay kasabtay, ma lahaan doonto Allaah sokadi wax sokeeye ah iyo shafeeco midna, oo hadday isku furato madax furasho kasta aan laga aqbali doonin. Waa kuwan kuwa loo halaagi doono waxa ay kasbadeen awgeed, waxaa lagu abaal marin doonaa sharaab biyo kulul oo karaya iyo cadaab xanuun badan gaalnimadooda darteed
71Dheh: Oo ma waxaan barinnaa Allaah sokadi wax aan noo hanan karin dhib iyo dheef midna, oo ma waxaa dib naloogu celin doonaa cirbahayaga kaddib markuu Allaah na hanuuniyey? _(markaas waxaan ahaaneynaa) sida kan ay ka yeeleen shaydaammadu inuu ku luufluufo dhulka dhexdiisa isagoo jaha wareersan? (halka) uu leeyahay saaxiibbo ugu yeedha hanuunka (oo ku dhahaya): Noo kaalay. Dheh: Hubaal, Hanuunka Ilaahay baa ah oo keliya hanuunka toosan, oo waxaa nala amray inaan isu dhiibno Rabbiga uunanka
72Oo hagaajiya salaadda, oo dhowra (xilka uu idin saaray), oo Isaga weeye (Alle) Kan Xaggiisa la idiin soo kulmin doono
73Oo Isaga weeye Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada xaq, oo maalinta uu yidhaahdo: Ahow, way ahaan. Qawlkiisu waa Xaq. Oo Isagaa leh Boqortooyada (runta ah) Maalinta marka la afuufi doono Buunka. Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba Oo waa Isaga (Alle) Xakiimka, Xog Ogaalka ah
74Oo waa tii uu Ibraahiim ku yidhi aabbihii Aazar4: Ma waxaad ka dhigataa asnaam ilaahyo? Hubaal waxaan anigu kugu arkaa adiga iyo dadkaagaba habow caddaan ah
75Sidaas baan u tusinnay Ibraahiim Boqortooyada samooyinka iyo arlada si uu uga mid ahaado kuwa Xaqa yaqiinsan
76Markaasuu kolkii uu ku madoobaaday habeenku wuxuu arkay xiddig, Wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markiise uu dhacay, wuxuu yidhi: Ma jecli waxa dhaca
77Oo markuu arkay dayaxa oo soo baxaya, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markiise uu dhacay, wuxuu yidhi: Haddii uusan I hanuunin Rabbigay, waxaan hubaal ka mid noqon doonaa dadka lunsan
78Oo markuu arkay qorraxda oo soo baxaysa, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Ma kan baa ugu weyn?. Markiise ay dhacday, wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Anigu waxaan barii ka ahay waxa aad Allaah u shariig yeeshaan
79Hubaal waxaan anigu u jeediyey wejigayga anigoo toosan xagga (Allaah, ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada, oo anigu ka mid ma ahi mushrikiinta
80Oo dadkiisii baa la dooday; oo wuxuu yidhi: Ma waxaad igala doodeysaan arrinka Ilaahay? isagoo xaqiiq I hanuuniyey; oo anigu ma ka cabsi qabo sinnaba waxa aad la wadaajisaan cibaadada Isaga (ma jiraan wax ay i yeeli karaan) wuuxu Rabbigay doono ma’ahee. Rabbigay wuxuu ku koobaa wax walba Cilmigiisa. Ma waydaan haddaba waansamayn
81Oo sidee baan uga cabsadaa waxa aad la wadaajisan cibaadada (iyagoo aan hanan karin dhib iyo dheef midna), halka aydaan idinku cabsi ka qabin inaad la wadaajiseen Allaah cibaadada cid kale uusan idiinku soo dejinin wax xujo ah. Ee kee baa haddaba labada qolo isku huba inay ku sugnaan amni, haddii aad ogtihiin
82Kuwa (Xaqa) rumeysan oo aan ku labin Iimaankooda gef, waa kuwaas kuwa uu u sugnaan doono amnigu, oo waa iyaga kuwa hanuunsan
83Oo tani waxay aheyd xujadayada aan ka siinnay Ibraahiim dadkiisii. Waxaan kor u qaadnaa darajooyin ciddaan doonno. Hubaal, Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon
84Oo Waxaan ku galladeysannay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana Waanu hanuuninnay, oo Nuux waanu hanuuninnay kal hore, oo waxaa ka mid ah ubadkiisa; Daawuud iyo Sulaymaan iyo Ayyuub iyo Yuusuf iyo Muuse iyo Haaruun. Oo sidaas baan u abaal marinnaa sama falayaasha
85Iyo Zakariya iyo Yaxyaa iyo Ciise iyo Ilyaas, mid walbaa wuxuu ka mid yahay kuwa wanaagsan
86Iyo Ismaaciil iyo Al-Yasac iyo Yuunus iyo Luud, mid walbaa oo ka mid ahi waan ka kor marinnay uunanka (waqtigoodii)
87Iyo sidoo kale qaar ka mid ah aabbayaashood iyo ubadkooda iyo walaalahood, oo waan doorannay iyaga, oo ku hanuuninnay Jidka Toosan
88Kani waa hanuunka Ilaahay uu ku hanuuniyo qofkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Oo hadday la wadaajin lahaayeen cibaadada cid kale,waxaa hubaal ka buri lahaa wixii ay camal san faleen
89Kuwaanu waa kuwa aan siinnay Kitaabka, iyo Xikmadda iyo Nabinnimada. Marka hadday kuwani rumeysan waayaan, waxaan xaqiiq u xil saarnay dad aan Xaqa diidin
90Kuwani weeye kuwa uu Allaah hanuuniyey, ee raac hanuunkooda. Dheh: Idinkuma weydiisto kani (Qur’aanka) wax abaalgud ah. Wax kalena ma aha ee waa waano ku socota uunanka
91Oo ma ay ku tilmaamin Allaah tilmaamaha uu mudan yahay marka ay leeyihiin: Waxba Allaah uma soo waxyoon qof Aadmi ah oo dhimanaya. Dheh: Yaa soo waxyooday Kitaabkii uu la yimid Muuse, oo u ahaa Nuur iyo Hanuun dadka, oo aad idinku (Yuhuudda ah) ka dhigteen qoraallo (kala gaar ah) aad muujisaan (qaar ka mid ah) oo qarisaan wax badan? Oo waxaa la idin baray wax aydaan aqoon jirin idinka iyo aabbayaashiin midna. Dheh: Allaah (baa soo waxyooday). Markaas iskaga tag iyagoo baadilkooda ku madadaalan
92Oo kanu waa Kitaab aan soo waxyoonnay oo barakaysan oo xaqiijinaya (kutubtii) ka horreeyey, si aad ugu digto hooyada magaalooyinka (Makkah) iyo waxa hareeraheeda ah. Oo kuwa rumeysan aakhirada baa rumeysan, oo waxay u dhowraan salaadahooda si joogto ah
93Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah, ama yidhaahda: Waa la ii waxyooday isagoo aan loo waxyoon waxba, iyo kan yidhaahda: Waxaan soo waxyoon karaa wax la mid ah waxa uu Allaah soo waxyooday? Oo haddaad arki lahayd marka ay gar ma qaatayaasha ku sugan yihiin sakaraadka mowdka, iyagoo malaa’igtu ay soo fidinayaan markaa gacmahooda (iyagoo ku leh): Soo saara nafahiinna! Maanta waxaa la idinku abaal marin doonaa cadaabta dulleynta wixii aad Allaah ka sheegi jirteen darteed oo hadal xaq darro ah. Oo waxaad aheydeen kuwo Aayadahiisa iska weyneeya
94Oo xaqiiq waxaad noogu timaaddeen idinkoo keli ah sidii aan idiin abuurnay awal horeba. Oo waxaad uga timaaddeen dhabarradiinna gadaashood waxaan idinku galladeysannay. Oo ma aragno la jirkiin shafeecayaashiinnii aad ku sheegi jirteen inay xaggiinna shuruko Allaah la yihiin. Xaqiiq dhammaan xiriirkii dhexdiinna ahaa haatan waa kala go’an yihiin, oo waxaad sheegeyseen waad weydeen
95Hubaal Waa Allaah Kan biqliya iniinta iyo lafta. Wuxuu ka soo saaraa noole wax meyd ah, oo ka soo saaraa wax meyd ah wax nool. Kaas ayaa ah Allaah, ee sidee baa haddaba la idiinka jeediyey
96Waa Kan waaga bariya, oo ka dhigay habeenka nasasho, iyo in qorraxda iyo dayaxa wax lagu xisaabsado, arrinkani waa abaabulka Adkaadaha, wax kasta Ogsoonaha ah (Allaah)
97oo waa Isaga (Allaah) Kan idiin yeelay xiddigaha, si aad ugu toostaan dhabbaha marka uu jira gudcurka barriga iyo badda. Xaqiiq Waxaan u faahfaahinnay Aayadaha dad aqoon leh
98Oo Isaga weeye Kan idinka abuuray naf keliya (Aadam), oo idin yeelay rug aad degtaan iyo rug kaydin ah5, xaqiiq waxaan u faahfaahinnay Aayadaha dad faham leh
99Oo Isaga weeye Kan ka soo shuba biyo daruurta, oo aan ku soo saarno dhir nooc kasta leh, markaasaan waxaan ka soo saarnaa cagaar, kaasoo aan ka soo saarno sabuul ku karooran (dhegtiisa). Oo waxaan ka soo saarnaa geed timireedka iyo khaylkeeda cobollo timir ah oo hoos u soo lusha, dhowna oo aan fogeyn iyo beero ah canab, iyo saytuun iyo rummaan, oo (nooc ahaan) isu eg, ha yeeshee kala duwan (midab iyo dhadhan ahaan). U fiirsada mirihiisa markuu miro dhalo iyo bisaylkiisa. Hubaal waxaa arrinkani ugu jira xaqiiq calaamooyin dad iimaan leh
100Oo waxay ka yeelaan jinka shariigyo ay la wadaajiyaan Allaah cibaadada, Isagoo abuuray iyaga, oo waxay baadil ugu nasbeeyaan wiilal iyo gabdho cilmi la’aantooda awgii. Xurmo oo dhan Isagaa leh, wuu (ka nazahan yahay) oo ka sarreeyaa waxay ku tilmaamaan
101Waa Askumaha cirarka iyo dhulka. Sidee buu u yeelan wiil Isaga oo aan lahayn afo? Oo Isagu yahay Kan abuuray wax kasta, oo Isaga baa wax walba Og
102Kaas waa Allaah, Rabbigiin, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Abuuraha wax kasta, ee caabuda Keligii, oo Isaga baa wax kasta xilkood haya
103Ma koobi karaan Aragga indhuhu, Isaguse wuu koobaa arag walba oo jira. Oo waa Isaga Roonaan Badanaha, Xog ogaalka ah
104Xaqiiq waxaa idiinka yimid tusmooyin xagga Rabbigiin, ee qofkii arkaa, naftiisay dan u tahay, oo qofkii ka indho la'aada isagay u daran tahay, oo anigu ma ahi mid korkiinna ilaaliye ka ah
105Oo sidaas baan ugu celcelinnaa Aayadaha iyo si ay u yidhaahdaan: Waad soo baratay, iyo si aan ugu caddeyno arrinka dad garasho leh
106Raac waxa lagaaga soo waxyooday xagga Rabbigaa, ma jiro ilaah aan Isaga ahayn, oo iskaga jeeso mushrikiinta
107Oo hadduu doono Allaah, uma ay shariig yeeleen cidna oo kaaga ma aanaan dhigin korkooda ilaaliye, oo kama tihid adigu wakiil
108Oo ha caayina kuwaa ay u dhawaaqdaan Allaah sokadi, si aysan iyagoo xadgudbaya markaa u caayin Allaah jahli darti. Sidaas baan ugu qurxinnay ummad walba camalkeeda (khayr ama shar midkay doortaan); markaas waa xagga Rabbigood meel noqodkoodu, markaas wuxuu u sheegi doonaa waxa ay fali jireen
109Oo waxay ku dhaartaan Allaah tan ugu culus dhaarahooda, in hadday u timaaddo calaamo ay hubaal rumaynayaan6. Dheh: Calaamooyinka sideedaba waxay uun la jiraan oo haya Allaah, oo maxaa idin ogeysiinaya markay (calaamo) u timaaddo inayan rumayn doonin
110Oo waxaanu rogi doonnaa quluubtooda iyo aragyadooda, sida ay iyaguba aanay u rumeyn kolkii hore, oo waxaanu ugu tegi doonnaa xad gudub- kooda, ay ku jaha wareersanaan indha la’aan
111Oo waliba haddaan u soo diri laheyn malaa’ig (u sidda dhambaalkan), oo meytidu ay (ka)la hadli lahaayeen (arrinkani), oo aan ku soo kulmin laheyn wax walba oo dhan hortooda, ma ay rumeyn lahayn, in maahee Allaah doono, laakiinse badankoodu waa ka jaahiliin
112Oo sidaas baan waxaan ugu yeelnay Nabi walbaa cadow_shayaadiinta ku jira dadka iyo jinkaba, oo qaarkoodba u waxyoonayo qaar kale hadal (been ah oo) la qurxiyey ay (ku) hodaan. Oo Rabbigaa hadduu doono, ma ay fali lahayn, ee iskaga tag iyaga iyo waxa ay been abuuranba
113Oo waa si ay laabaha kuwa aan rumeysanayn Aakhirada ugu iilato oo ugu raalli noqdaan, iyo si ay u kasbadaan waxa ay kasban doonaan (oo dembiyo ah)
114Ma waxaan haddaba ka doonaa garsoor cidaan ahayn Allaah, isagoo ah Kan idiin soo waxyooday Kitaabka ee la caddeeyey. Oo kuwa aan (horay u) siinnay Kitaabka waxay ogsoon yihiin in looga soo waxyooday xagga Rabbigaa si xaq ah. Sidaas darteed ha ka mid noqon kuwa ka shakiya
115Oo Kelmadda Rabbigaa waxay ku taam noqotay run iyo caddaalad. Ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa. Oo Waa Maqlaha (wax kasta), wax kasta ogsoonaha
116Oo haddaad adeecdo intooda badan waxa dhulka jooga, waxay kaa lumin Jidka Ilaahay. Ma raacaan waxaan ahayn male, oo been uun bay sheegaan
117Hubaal, Rabbigaa baa dhab u Ogsoon midka ka luma Jidkiisa, oo Wuxuu dhab u Ogsoon yahay kuwa hanuunsan
118Ee cuna waxaa (hilibka) lagu xusay Magaca Ilaahay (markii la gowracayey), haddaad tihiin kuwa Aayadihiisa rumeysan
119Oo maxaad la cuni weydeen waxaa (hilibka) lagu xusay Magaca Ilaahay (markii la gowracayey neefka), oo wuxuu horay idiinku caddeeyey waxa uu idinka xaaraanshay - waxa ay dani idinku qabato ma'ahee. Oo hubaal kuwo badan baa xaqiiq ku lumiya (dadka) rabitaannadooda liita darteed aqoon la’aan darteed. Hubaal, Rabbigaa wuxuu aad u Ogsoon yahay kuwa xad- gudba
120Ee ka taga dambiga muuqda iyo kan qarsoonba. hubaal, kuwa kasbada dambiga waxaa laga goyn doonaa waxay kasbadeen
121Oo ha cunina waxaa (hilibka) aan lagu xusin Magaca Ilaahay (markii la gowraca- yey neefka), oo taasi hubaal waa caasiyoobid. Oo hubaal shaydaammadu waxay xaqiiq u soo jeediyaan saaxiibbadood inay idin la doodaan7, oo haddaad adeecdaan, markaa hubaal waxaad xaqiiq idinkuna tihiin mushrikiin
122Ma mid ahaa meyd markaas aan noolaynay, oo aan u yeelnay Nuur oo uu ku dhex socdo dadka, baa la mid ah mid ku sugan mugdiyo uusan ka soo bixi karin? Sidaas baa loogu qurxiyey gaalada waxay falaan
123Oo sidaas baan u yeelnay magaalo walba gudaheed kuwooda waaweyn (madaxda iyo maalqabeennadeeda) inay ahaadaan dambiilayaasheeda si ay ugu dhex maleegaan qorshe (xun), umase maleegaan qorshe (xun) waxaan ahayn nafahooda, mase dareensana
124Oo markay calaamo u timaaddo, waxay yidhaahdaan: Ma rumeysan doonno jeer nala siiyo wax la mid ah waxa la siiyey Rususha Ilaahay. Allaah baa dhab u ogsoon meesha uu dhigayo Dhambaal-kiisa. Waxaa ku dhici doona dambiilayaa- sha dulli xag Ilaahay ah iyo cadaab daran waxay qorshe xun maleegi jireen awgeed
125Ee qofkii uu Allaah rabo inuu hanuuniyo, wuxuu u waasiciyaa laabtiisa Islaamka, oo (ma) qofkii uu rabo inuu lumiyo wuxuu ka dhigaa laabtiisa cidhiidhi dhibboon sida isagoo kor ugu baxaya xagga samada. Sidaas buu Allaah dusha uga saaraa fadarada kuwa aan rumaysneyn
126Oo kani waa Jidka Rabbigaa ee toosan. Xaqiiq Waxaan uga yeelnay Aayadaha caddaan dad maan leh
127Waxay mudan Daarta Nabadda (Jannada) oo Rabbigood agtiis ah oo Isagaa ah Gacalkood waxay camal faleen darteed
128Oo Maalinta uu soo kulmin doono (dhammaantood) iyagoo wada jira (oo odhan): Kulanka jinkow! Waxaad badsateen (luminta) in badan oo dadka ah. Oo saaxiibbadoodii ka mid ahaa dadka waxay odhan doonaan: Rabbiyow! Wuxuu ku dan gaaray qaarkayoba qaarka kale, oo waxaan gaarnay muddadayada aad noo goysay. Wuxuu odhan doonaa: Naarta ayaa hoygiinna ah oo aad ku dhex waaraysaan, wuxuu Allaah doono mooyee. Xaqiiq, Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon
129Oo sidaas baan uga saaxiib dhignaa gar ma qaatayaasha qaarkoodba qaarka kale, waxa ay kasbadeen awgeed
130Kulanka jinka iyo dadkow! Miyaanay idiin imaan Rusul idinka mid ah, oo idiin soo tebinaya Aayadahayga oo idiinka digaya la kulanka maalintiinnaan tani? Waxay odhan doonaan: Waxaan ku marag furaynaa nafahayaga. Oo waxaa hodday noloshan adduunka. Oo waxay ku marag furi doonaan nafahooda inay iimaan la’aan ahaayeen
131Sidaasi waa inaan Rabbigaa ku halligeyn magaalooyinka gar darro iyagoo dadkooda war la’ yihiin (aan loo digin)
132Oo dhammaan waxay leeyihiin derejooyin (heerar) waafaqsan waxay camal falaan. Oo Rabbigaa ma mooga waxay camal falaan
133Oo Rabbigaa waa Hodan (ka deeqtoon wax waliba) Naxariis leh, hadduu doono waa idin qaadi karaa, oo idinku beddeli karaa idinka kaddib cidduu doono. Sidii uu awalba idiinka soo saaray firka dad kale
134Hubaal, waxa la idiinka gooddiyo waa imaanayaan, oo kama fakan kartaan
135Dheh: Dadkaygiyow! Camal fala intii karaankiinna ah, Aniguna sidoo kale waan camal falanayaa, waadse ogaan doontaan dhowaan keennee lahaan doona cidhibta (wanaagsan) daarta (Aakhiro). Hubaal gar ma qaatayaasha ma guulyesan doonaan
136Oo waxay qayb u dhigaan Allaah8, ka mid ah waxa uu abuuray ee beero iyo xoolo ah, oo yidhaahdaan: Kan waxaa iska leh Allaah - sidaas bay ku andacoodaan-, oo kan waxaa iska leh sanamyadayada la wadaaga cibaadada. Marka waxa ay leeyihiin sanaymayadooda ma gaaraan Allaah, waxase (qayb ahaan loo dhigay) Allaah wuxuu gaaraa sanaymyadooda! Alla Xumaa waxa ay xukumaan
137Oo sidaas bay (ilaahyadooda beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada (ilaahay) ugu qurxiyeen in badan oo mushrikiinta ah dilka carruurtooda, si ay u halligaan oo uga khaldaan diintooda. Oo hadduu Allaah doono, ma ay fali lahayn, ee isu dhaaf iyaga iyo waxa ay been abuuraanba
138Oo waxay yidhaahdaan: Kuwani waa xoolo iyo beer reebban, aysan wax ka cuni doonin ciddaan doonno maahee – sidaas bay ku andacoodaan - iyo xoolo la xarrimay dhabarradooda iyo xoolo aan lagu xusin Magaca Ilaahay - iyagoo ku been abuuranaya. Waa uu ka abaal marin doonaa waxa ay been abuurteen darteed
139Oo waxay yiraahdaan: Waxa ku jira uurarka xoolahan (caano ama ilmo) waxaa gaar u leh labkayaga keliya, oo waa ka xaaraan xaasaskayaga, oo hadduu baqti yahay, markaa way wadaagaan dhammaantood. Wuxuu ka goyn doonaa waxay been u nisbeeyeen (Allaah). Xaqiiq, Waa Xakiim, wax kasta Ogsoon
140Waxaa khasaara dhab ah ku sugan run ahaan kuwa u dila carruurtooda caqli xumo aqoon la’aan9, oo xaaraameeya waxa Allaah uu siiyey, iyagoo ku been abuuranaya Allaah. Xaqiiq way lumeen, oo ma aha kuwo hanuunsan
141Oo Isaga weeye Kan soo saara beero (canab ah) dhis leh iyo kuwo aan dhis lahaynba, iyo geedo timir, iyo sarac leh miro muuqaal iyo dhadhan kala duwan, iyo saytuun, iyo rummaan, isu eg (nooc ahaan) kuna kala duwan (dhadhan ahaan), Wax ka cuna mirahiisa markay soo saaraan miro, oo bixiya xaqa lagu leeyahay maalinta goyntiisa. Oo ha xad dhaafina, xaqiiq Isagu ma jecla kuwa xad dhaafa
142Oo waxaa ka mid ah xoolaha (uu abuuray qaar) xummuul qaada iyo kuwo u suubbada in la qasho oo keliya. Wax ka cuna waxa Allaah idin siiyey, oo ha raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu isagu idiin yahay cadow iska cad
143Siddeed lammaane ah; labo ido ah iyo labo riyo ah. Dheh: Ma labada labka ah buu xaaraameeyey mise labada dheddig, mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Ii sheega si cilmi ah haddaad tihiin run sheegayaal
144Iyo labo geel ah iyo labo lo’ ah. Dheh: Ma wuxuu xaaraameeyey labada labka ah mise labada dheddig; mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Mise goob joog baad ahaydeen marka uu Allaah idin amray arrinkani? Ee yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah, si uu dadka u lumiyo cilmi la’aan? Hubaal Allaah ma hanuuniyo dadka gar ma qaatayaasha ah
145Dheh: Kuma hayo waxa la ii waxyooday wax ka xaaraan ah cunaa inuu cuno inuu yahay maahee neef iski u dhintay (gowrac la’aan) ama dhiig horay u soo butaacay (gowrac darti iyo wax la mid ah), ama hilib doofaar waayo taasi xaqiiq waa fadaro, ama taasi ah caasiyoobid, wax kale aan aheyn (Magaca) Allaah lagu xusay dusheeda, qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanay rabitaan ka aheyn, oo aan xad gudbeyn, haddaba hubaal, Rabbigaa waa Dambi Dhaafid Badane, Naxariis Badan
146Oo kuwaa heysta diinta Yuhuudi- yadda waxaan ka xarrimnay (neef) kasta oo ciddi leh10, xagga lo'da iyo adhiga waxaan ka xarrimnay buruurtooda wax Maahee ku dhegay dhabarradooda ama xiidmahooda ama ku dheehmay laf. Sidaas waxay ahayd ciqaab aan ku abaal marinnay gefkoodii dartiis, oo Waxaan hubaal nahay run sheegayaal
147Haddiise ay ku beeniyaan markaa dheh: Rabbigiin waa Rabbiga Naxariista Ballaadhan, oo Ciqaabkiisa lagama celiyo dadka dambiilayaasha ah
148Kuwaa ah mushrikiinta waxay odhan doonaan: Hadduu Allaah doono, ma aanu u shariig yeelneyn (waxba Isaga) innaga iyo aabbayaasheenba, oo ma aan ka xarrimneen (nafahayaga) waxba (uu Allaah banneeyey). Sidaas oo kale bay u beeniyeen kuwii ka horreeyay jeer ay ka dhadhamiyeen Ciqaabtayada. Dheh: Ma heysaan wax cilmi ah oo aad noo soo saareysaan? Waxaad uun raacdaan wax iska male awaal ah, oo waxaad uun sheegtaan beeno
149Dheh: Allaah baa iska leh Xujada Xeesha Dheer. Oo hadduu doono. Hubaal Wuu idin hanuunin lahaa dhammaantiin
150Dheh: Keena markhaatiyadiinna ka marag kacaya in Allaah xaaraameeyey kani. Ee hadday ka marag kacaan, ha la marag kicin. Oo ha raacin rabitaannada liita kuwaa beeniya Aayadahayaga, iyo kuwaa aan rumeysaneyn Aakhirada, oo iyagu Rabbigood wax la sima oo dhig u yeela
151Dheh: Kaalaya, Waxaan akhriyi waxa uu (Allaah) Rabbigiin idinka xaaraameeyey: (xusuusnaada) inaydaan (cibaadada) la wadaajin waxba; oo u muujiya wanaag waalidiintiin, oo ha u dilina carruurtiinna (ka cabsi) faqri darteed_ Annagaa idin arsaaqayna idinka iyo iyagaba; oo ha u dhowaannina wixii anshax xumo ah oo dhan kuwooda ka mid ah ee muuqda iyo kuwo qarsoonba, oo ha ku dilina nafta uu Allaah xaaraameeyey arrin xaq ah11 maahee, Sidaa buu idinku farad yeelay, bal inaad fahantaan
152Oo ha u dhowaannina maalka agoonta sida u fiican maahee, jeer uu gaaro da’diisa tabar galka iyo xoogga; oo u oofiya si dhan beeggidda iyo miisaanka oo caddaalad ah - Ma saarno nafna waxaan ahayn karaankeeda; oo markaad hadleysaan haddaba ahaada caadil haba ahaatee qaraabo dhow (lidkeed), oo oofiya Axdiga Ilaahay; (arrin)kani buu idinku farad yeelay, bal inaad xusuusataan
153Oo (ogow) in kani yahay Jidkayga midka toosan ee raaca, oo ha raacina jidadka kale, oo idinka duwi Jidkiisa. (arrin)kani buu idinku faral yeelay si aad uga dhowrsataan (xumaha)
154Misna, Waxaan siinnay Muuse kitaabka (Towraadda), si aan ugu iltirno (Galladayada) korkiisa kan sama falay, kaasoo ka yeelaya caddaan wax waliba oo hanuun iyo Naxariis ah, si ay la kulanka Rabbigood u rumeeyaan
155Oo kani waa Kitaab (Qur’aan) aan soo waxyoonnay, barakeysan ee raaca oo iska jira (xumaha), si la idiinku naxariisto
156Si aydaan u odhan: Waxaa uun Kitaab loo soo waxyooday labo qolo oo naga horreeyay, oo innagu waxaan aheyn run ahaan kuwo moog waxa ay akhristeen
157Ama aydaan u odhan: Haddii Kitaab naloo soo waxyoon lahaa, waxaan hubaal ahaan kuwo ka hanuunsan iyaga. Haatan xaqiiq waxaa idiinka yimid Xujo Cad xagga Rabbigiin, iyo hanuun iyo naxariis. Ee yaa ka gef badan mid beeniya Aayadaha Ilaahay oo ka jeesada xaggooda? Waxaan ku abaal marin doonnaa kuwa ka jeesta Aayadahayaga cadaab xun, ka jeesigooda (Aayadahaa) darteed
158Ma waxay haddaba sugi waxaan ahayn inay u timaaddo malaa’igtu, ama Rabbigaa yimaado, ama qaar ka mid ah calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan. Maalinta ay qaar ka mid ah Calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan, wax uma taro naf iimaankeedu iyadoo aan horay u rumeyn, ama aan ku kasban iimaankeeda khayr. Dheh: Suga idinku, innaguna (sidoo kale) waan sugaynaa
159Hubaal, kuwa u qaybshay diintooda firqooyin oo noqday dariiqooyin (kala duwan) , waxba isuma kiin gelin. Arrinkoodu wuxuu uun la jiraa Allaah, markaasuu wuxuu u sheegi waxay faleen
160Qofkii la yimaada camal san, wuxuu mudan toban laabkeed wax la mid ah, oo qofkii la yimaada camal xun, waxaa lagu abaal marin mid la mid ah, iyagoo aan lagu gardarroon doonin
161Dheh: Hubaal, aniga Rabbigay wuxuu igu hanuuniyey Jid(ka) Toosan, (xagga) diin aad u sugan, diintii Ibraahiim, toosnihii. oo kama mid aheyn mushrikiinta
162Dheh: Hubaal salaaddayda, gowracayga, hannaanka noolaanshaheyga, iyo geeridaydaba waxaa (dhammaan) iska leh Allaah, Rabbiga uunanka
163Ma leh wax shariik ah. Oo (arrin)kan baa la I amray, oo Waxaan ahay anigu kan ugu horreeya kuwa (u) hoggaansan (Allaah)
164Dheh: Waa la yaabe! Ma waxaan doontaa Rabbi aan aheyn Allaah? Isagoo ah Rabbiga wax walba; oo naf walba waxa ay kasbato (oo dembi ah) waa dusheeda, oo qof culaabi saaran tahay ma qaadi doono culaabta qof kale. misna waa xagga Rabbigiin meel noqodkiinnu, markaasuu wuxuu idiin sheegi waxaad isku khilaafteen
165Oo Isaga weeye Kan idinka yeelay kuwo u hara oo isu xigsada dhulka oo ka taliya, oo ka sare mariyey qaarkiinba qaar derejooyin, si uu idiinku imtixaamo waxa uu idin siiyey. Hubaal Rabbigaa waa ku Dhaqso badan yahay Ciqaabka, oo waa Isaga hubaal Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath