Islaamka
dib

69. Al-Xaqa

1Xaqiida dhabta ah ee soo socota

2Waa maxay xaqiiqda dhabta ahi

3Oo maxaad ka og tahay waxa ay xaqiiqdaa dhabta ahi tahay

4Thamuud iyo Caadba waxay beeniyeen (Qalbi) Garaacdada (Maalinta Qiyaamaha)

5Ma Thamuud, waxaa iyaga lagu halaagay cadaab Daran oo xad dhaaf ah

6Caad se, waxaa lagu halaagay dabeyl hugmeysa oo xoog badan

7Oo (Alle) uu ku salliday korkooda toddoba habeen iyo siddeed maalmood oo xidhiidh ah; sidaas darteed waxaad arki lahayd dadkiiyoo halkaas u daadsan af gambi la moodo jirrido timreed dhacay

8Ee ma aragtaa wax ka haray

9Oo Fircoon iyo kuwii ka horreeyey iyo magalooyinkii la daba geddiyey (qowmu Luud) waxay joogto ula yimaadeen gefaf

10Oo waxay caasiyeen Rasuulkii Rabbigood, markaasuu ku ciqaabay ciqaab aad u daran

11Hubaal waxaan idinku qaadnay (dadow) Doonidii (uu sameeyey Nuux) markay biyihii xad dhaafeen

12Si aan idiinkaga dhigno waano, oo u xafiddo dheg wax maqasha oo u fahanto

13Ee marka Buunka la afuufo afuufid keliya. (tan hore)

14Oo dhulka iyo buuraha laga rujiyo meelahooda, oo la baduugo baduugid mar keliya ah

15Maalintaa bay Dhacdada (Weyn) dhici

16Oo samada u kala dillaaci gaballo, marka Maalintaasi waxay iyadu ahaan mid daciif ah

17Oo malaa’igtu waxay ahaan agagaarkeeda, oo waxaa ku sidi doona Carshiga Rabbigaa korkooda Maalintaas siddeed (saf oo malaa'g ah)

18Maalintaas waa la idiin soo bandhigi doonaa, ma jirto sir aad leedihiin oo qarsoonaan doonta

19Ee ma xagga kan laga siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig wuxuu odhan doonaa: Hooyoo, akhriya Kitaabkeyga

20Hubaal anigu waan ogaa inaan la kulmi doono Xisaabteyda

21Marka wuxuu kaasi ku noolaan nolol farxad iyo raallinnimo leh

22Beer sare gudaheed ah

23Midhaheedu aad u dhow yihiin

24Cuna oo cabba idinkoo faraxsan, waa waxaad horay u falateen maalmihii tegaye

25Oo ma xagga kan laga siiyo Kitaabkiisa gacantiisa bidix wuxuu odhan: Alla haddaan marnaba la I siiyeen Kitaabkeyga

26Oo aan ogaadeen, waxa ay xisaabteyduba tahay

27Alla haddii taa iyada ahi (dhamishadu) ahaan laheyd dhammaadkeyga

28Maalkeygii waxba iima tarin

29Awooddeydii waa iga baabba’een

30Qabta isaga haddaba oo xidha

31Markaas ku tuura dabka ololoya

32Markaas ku xirxira silsilad ballaceedu yahay toddobaatan dhudhumood

33Hubaal ma uu rumeynsneyn Allaah, Sarreeyaha Weyn

34Mana dhiirra gelin jirin quudinta miskiinka

35Sidaa awgeed kuma laha halkan maanta wax saaxiib run ah

36ama wax cunno ah milil iyo malax ma’ahee

37Aanay cidi cunin geflowyada Maahee

38Ee mayee, waxaan ku dhaartay waxa aad aragtaan

39Iyo wax aydaan aragba

40Hubaal waa hadal (Ilaahay) uu keenay Rasuul sharaf leh

41Oo ma aha hadal gabyaa, yaraa inta aad rumeysaan

42ama hadal curraafle, yaraa inta aad waantowdaan

43Waa waxyi ka yimid xagga Rabbiga uunanka

44Oo haddii uu naga been sheegi lahaa

45Waxaan hubaal ku qaban laheyn gacanta Midig

46Markaas waxaan hubaal goyn laheyn halbowlaha

47Oo ma jiro axad idinka mid ahi oo naga celin lahaa isaga

48Oo xaqiiq waa u waano kuwaa ka dhowrsada xumaha

49Oo xaqiiq waan ognahay inay qaarkiin yihiin xaq diidayaal

50Oo xaqiiq waa u murugo iyo ciil gaalada

51Oo hubaal waa xaq dhab ah

52Ee huf oo xurmee Magaca Rabbigaa,Weynaha

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath