Islaamka
dib

68. Al-Qalam

1Nuun2. Waxaan ku dhaartay Qalinka iyo waxa ay (malaa’igtu) qoraan

2Waa igu Nicmadda Rabbigaaye, ma ahid (Muxammadow) nin waalan

3Oo hubaal waxaad leedahay ajar aan weligii go'eyn

4Oo hubaal waxaad u dhaqantaa si dabeecad aad u sarreysa ah

5Marka waad arki, iyaguna (sidoo kale) way arki doonaan

6Kiinna idinka mid ah ee waalli qaba

7Hubaal, Rabbigaa baa aad u Ogsoon, kan ka dhuma Jidkiisa, oo Isaga baa aad u Ogsoon kuwa raaca tubta toosan

8Ee ha adeecin xaq diidayaasha

9Waxay jecel yihiin inaad u soo dabacdo, si ay iyaguna (sidoo kale) u soo dabcaan

10Oo ha adeecin mid kastoo dhaar badan oo qiimo laheyn

11Xamasho badan, u socod badan dira diro (nabiibiye ah)

12Khayr diid ah, xad-gudbe,dambi badan

13macangag madax adag,_intaasoo dhan ka sokow isku dhejis ah (sharci ku dhalan)

14Inuu lahaaday darteed maal iyo wiilal

15Marka Aayadahayaga loo akhriyo, wuxuu yidhaahdaa: waa sheekooyinkii dadkii hore

16Waxaanu ka calaameyn doonnaa san- qaroorka dushiis

17Hubaal Waxaan u imtixaannay sidii aanu u imtixaannay qoladii iska lahaa beerta, waa tii ay ku dhaarteen inay hubaal goosanayaan midhaha aroorta horeba

18Oo ma dooneyn inay dhinac ugu saaraan qayb (saboolka)

19Markaasaa waxaa uga yimid amar (dab) xagga Rabbigaa habeennimadiiba (oo gubatay) intii ay hurdeen

20Markaasay waxay noqotay sida xaabo madoobaatay oo la shafay

21Halka iyagii ay isu dhawaaqeen subaxnimadiiba

22iyagoo leh: Ku kallaha beertiinna haddii aad goosanaysaan midhaha

23Markaas bay tageen iyagoo ku wada tashaday si qarsoodi ah

24Waa inuusan qof miskiin ah idiin soo gelin maanta

25Oo waxay kallaheen subaxii horeba, iyagoo go’aansan inay ka celiyaan

26Markayse arkeen iyadii, waxay yidhaahdeen: wallee waanu soo dhunnay

27Bal, waxaa nalaga yeelay inay nagu dhacdo qatooyo

28Koodii u wanaagsanaa baa yidhi: Miyaan idinku odhan: Maxaad u hufi weydeen (Allaah) oo u xurmeyn weydeen

29Waxay yidhaahdeen: Xurmo oo idil waxaa iska leh oo hufan Rabbigeen. xaqiiq waxaanu nahay gar ma qaatayaal

30Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday, iyagoo is eedeynaya

31Waxay yidhaahdeen: Magaceen ba'ye, xaqiiq waxaanu nahay kuwo xadgudbay

32Waase intaasoo uu Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan tani. Hubaal xagga Rabbigeen baanu codsi u direynaa

33Waa sidaas cadaabtu, oo hubaal cadaabta Aakhiradaa ka sii weyn, haddii ay ogaan lahaayeen

34Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay leeyihiin Rabbigood agtiisa beero barwaaqo ah

35Ma waxaan haddaba la mid dhignaa kuwaa hoggaansan sida dambiilayaasha

36Maxaa idinku dhacay? Sidee baad wax u guddoomisaan

37Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisataan

38Inaad ku leedihiin hubaal dhexdiis waxaad doorataan

39Mise waxaad naga heysataan ballan Xaggayaga ah lagu adkeeyey dhaar gaaraysa ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad hubaal heli doontaan waxaad dalabtaan

40Weydii kooda uga ah arrinkaas damiin

41Mise waxay leeyihiin shariigyo, haddaba ha keenaan shariigyadooda haddii ay run sheegayaan

42Maalinta marka dhudhunka la feydo (dhudhunka Ilaahay) oo loogu yeedho inay sujuudaan, mase ahaan doonaan kuwo kara (waa gaalada iyo munaafiqiinta). (dhudhunka la feydo waxaa sidoo kale lagu fasiray ay jirto shiddada iyo dhibaatada, waa Maalinta Qiyaamaha)

43Indhahoodu waxay ahaan doonaan kuwo hoos u rogan, dulli baa dabooli doona; oo xaqiiq waxaa loogu yeedhi jirey inay sujuudaan iyagoo weliba fayow

44Ee isu kaana daa Aniga iyo kuwa beeniya warkan; waxaan ka qaban doonnaa si heerar ah meel aysan ka fileynba

45Oo Waan u dul qaadan doonaa. hubaal, tabteydu waa mid sugan

46Mise ma waxaad weydiisataa abaal gud, sidaa awgeed bay la culaabeysan yihiin deyn

47Mise cilmiga waxa aan muuqan bay hayaan, sidaas darteed iyagu qoraan

48Ee u sug si samir leh Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sida (Nabi Yoonis) rafiiqii nibiriga,_markuu dhawaaqay isagoo walbahaarsan

49Haddii aysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, waxaa hubaal lagu tuuri lahaa cidla’ bannaan isagoo eedeysan

50Rabbigiis baase doortay, oo ka mid yeelay kuwa wanaagsan

51Oo kuwa xaqa diida waxay sigaan inay kugu gubaan indhohooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markay maqlaan Waanada; oo waxay yidhaahdaan: Kani hubaal waa waalan yahay

52Oo ma ah wax kale aan aheyn Waano ku socoto ummadaha oo dhan

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath