67. Al-Mulk
1Waxaa khayr iyo barako badan Kan (Allaah) ay Gacantiisu ku jirto Boqortooyada, oo wax walbana Kara
2Kan abuuray geeri iyo nolol, si uu idiin imtixaano bal kiinna camal wanaagsan. Oo waa Adkaadaha, Dambi Dhaafka Badan
3Kan abuuray toddobada samooyin oo midba midka kale ka korreeya, ku arki mey- sid wax isdhaafsanaan ah abuurka (Ilaahay) Raxmaanka.Ee ku celi araggee: Miyaad ku arki kartaa wax nidaam darro ah
4Misna ku celi aragga mar kale iyo mar kale, araggaagu adiga buu kugu soo laabanayaa isagoo wareersan oo daallan
5Oo xaqiiq Waxaan ku qurxinnay samadan soke nalal, oo Waxaan ka dhignay gantaallo lagu gano shayaadiinta2, oo waxaanu u diyaarinnay cadaabta gubashada
6Oo waxay leeyihiin kuwa ku gaalooba Rabbigood cadaabta Naarta, oo u xun meel la ahaado
7Marka lagu tuuro gudaheeda, waxay ka maqli cartan daran, iyadoo karaysa
8Waxay ku sigan inay la qaraxdo cadho. Mar kastoo guuto lagu tuuro, wuxuu waardiyaheeda su’aali: Ma wuusan idiin imaan dige
9Waxay odhan: Haayoo xaqiiq waa noo yimid dige, waanse beeninnay oo nidhi: Allaah ma soo dejin wax (waxyi ah), waxaad uun idinku ku sugan tihiin habow aad u weyn
10Oo waxay odhan: Haddii aan wax maqli laheyn ama fekeri laheyn, kama aanu mid ahaaneyn ehlu Naarka
11Marka waxay qiran dambigooda, ee ha fogaadaan3 qolada Naarta Hureysa
12(Ma xagga) kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba) waxay hubaal leeyihiin Dambi Dhaaf iyo Ajar aad u Weyn
13Oo qariya hadalkiinna ama muujiya, hubaal, Waa Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha
14Sow ma uu yaqaanno Kan abuuray4? Oo waa Isaga Roonaan Badanaha Ogsoon xitaa waxyaalaha aad u yar yar, ka War Haya (wax walba)
15Isaga (Allaah) Weeye Kan idiinka dhigay dhulka hayin, ee ku socda aagag-giisa waasica ah, oo wax ka cuna risiqiisa, oo Xaggiisa bay ahaan u soo Bixiddu
16Ma waxaad ka aamin tihiin in Kan (Alle) ka kor ah cirka idinla gooyo arlada, mise eeg,oo markaas idin la dhaqdhaqaaqdo
17Mise ma waxaad aamin ka tihiin in Kan (Alle) ka kor ah cirka, uu idiin soo diro dabeyl kulul oo habaas wadata? Marka waad ogaan sidee aheyd Digniinteydu
18Oo xaqiiq kuwii ka horreeyey baa bee- niyey (Xaqa),ee sidee aheyd inkaarteydu
19Mawaysan arkayn shimbiraha korkooda ah ee fidinaya (baalashooda) oo isku soo laabaya? Ma jiraan wax haya iyaga aan aheyn Raxmaanka (Allaah). hubaal, wax walba waa uu Arkaa
20Ama waa kee kan idiin noqon kara ciidan idiin soo gargaara Raxmaanka (Allaah) sokadi? Gaaladu kuma sugna waxaan aheyn hodnaan
21Ama waa kee kaa idin siin risiq haddii uu Isagu (Alle) ceshado Risiqiisa? Bal, waxay ku adkeystaan kibir iyo didmo
22Ma mid ku socda isagoo foorara wejigiisa baa hanuunsan, mise mid ugu socda si quman Jid Toosan
23Dheh: Isaga weeye (Alle) Kan idin uumay, oo idiin yeelay dhegaha iyo indhaha iyo laabaha.Yaraa inta aad mahad naqdaan
24Dheh: Isaga weeye (Alle) Kan idinku fidshay dhulka, oo Xaggiisa baa la idiin soo kulmin doonaa
25Oo waxay yidhaahdaan: Goorma baa gooddigani la fulin haddii aad run sheegi
26Dheh: Allaah baa Ogsoon (waqtiga ay ku beegan tahay) oo anigu waxaan ahay uun dige iska cad
27Markayse arkaan iyadoo ku soo dhow, wejiyada kuwa Xaqa diida waxay ahaan kuwo ka xun, oo waxaa lagu odhan: Waa kan waxaad u yeedhan jirteen
28Dheh: Ma u fiirsateen haddii Allaah i halligo aniga iyo inta ila jirta, amaba noo naxariisto, bal yaa ka badbaaadin gaalada cadaab aad u xanuun badan
29Dheh: Isagu waa Raxmaanka (Allaah), waanu rumeysanahay, oo isaga baan isku halleynaa. Marka waad ogaan doontaan waa kee kan ku sugan habow caddaan ah
30Dheh: Ma u fiirsateen haddii ay biyihiin- nu dhulka ku guraan oo hoos ugu sii fogaa- daan,waa kee kan idiin keeni biyo socda
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath