66. At-Tahrim
1Nabiyow! Maxaad uga xarrimeysaa (Naftaada) waxaa uu Allaah kuu xalaaaleeyey si aad u raalli geliso xaasaskaaga? Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis badan
2Allaah wuxuu horeyba idiinku jideeyey furidda dhaarahiinna2. Oo Allaah waa gargaarahiin, Oo waa Isaga wax walba Ogsoonaha, Xakiimka ah
3Oo waa tii uu Nabigu uu ku qarsaday war sir ah mid ka mid ah xaasaskiisa (Xafsah a.k.r), markase ay u sheegaty (mid kale, Caa'ishah a.k.r) warkaa, oo Allaah ka yeelay (Nabiga) inuu ogaado arrinkaa, wuxuu xusay qaar ka mid ah waxay sheegtay oo iska daayey qaar. Markuu u sheegay arrinkaa, waxay tidhi: Yaa kuu sheegay kani? Wuxuu yidhi: Waxaa ii sheegay Wax walba Ogsoonaha, War qabeenka ah
4Haddii aad labadiinnu (Xafsah iyo Caa'ishah) Allaah u toobad keenaysaan, haddaba dhabtii qalbiyadiinnu waxay dubra u iisheen (arrinkaa: inaad dambi dhaaaf dalabtaan); haddiise aad isu kaalmey- sataan isaga lidkiis, haddaba hubaal, Allaah baa ah Gargaarahiis iyo Jibriil iyo mu’miniinta wanaagsan, _oo malaa’igta (kale) baa intaas kaddib garab u ah
5Waa intaasoo, Rabbigi, haddii uu (Nabigu) idin furo, siin doono beddelkiin afooyin idinka khayr badan, muslimooyin ah3, mu’minooyin, daacad, soo noqosho badan, caabidooyin, soomooyin, leh garoobbo iyo bikrooyinba
6Mu’miniintoy! Ka dhowra nafahiinna iyo eheladdiinaba Naar shidaalkeedu yahay dad iyo dhagaxaan, oo ay u xilsaaran yihiin malaa’ig adag oo daran, kuma ay caasiyaan Allaah wuxuu ku amraba, oo waxay falaan wixii la amro
7Gaalooy! Ha cudur daarannina Maanta. Waxaa la idinku abaal marin uun wax waafaqsan waxaad fasheen
8Mu’miniintoy! U toobad keena Allaah oo u noqda noqosho daacad ah, Waa intaasoo Rabbigiin idinka tirtiro xumaatooyinkiinna, oo sababo inaad gashaan Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, Maalinta uusan Allaah hoojin doonin Nabiga iyo kuwa (Xaqa) la rumeysan, Nuurkoodu wuxuu socon hortooda, iyo xagga gacmahooda midig, waxay odhan: Rabbiyow! Noo dhammeystir Nuurkayaga oo noo ceeb astur. hubaal, Adigu wax walba waad Kartaa
9Nabiyow! Aad ula halgan gaalada iyo munaafiqiinta oo ku adkow, oo hoygoodu waa Naar,_ iyadaana u xun meel la ahaado
10Allaah wuxuu tusaale ugu soo qaataa kuwa gaalada ahi, xaaskii Nuux iyo xaaskii Luud; waxay labaduba hoos joogeen labo addoon oo ka mid ah addoomahayaga wanaagsan, waxayse u dhaqmeen si khiyaano ah xaggooda4, marka waxba iyagu ugama ay tarin (xaasaskoodii) xagga Allaah. Oo waxaa la yidhi: La gala labadiinnuba Naarta kuwa gala
11Oo Allaah wuxuu ugu soo qaataa tusaale kuwa (Xaqa) rumeysan, xaaskii Fircoon; waa tii ay tidhi: Rabbiyow! Iiga dhis guri agtaada jannad gudaheeda, oo iga samata bixi Fircoon iyo camalkiisa, oo iga samata bixi qoloda gar ma qaatayaasha ah
12Iyo Maryam, gabadhii Cimraan taasoo xafidday jirkeeda; Oo waxaan ka afuufnay (jeebka cambuurkeeda) uu ka afuufay Ruuxayaga (Jibriil) oo waxay rumeysay Kelmedihii Rabbigeed iyo Kutubtiisaba, oo waxay ka mid aheyd kuwa daacadda ah
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath