65. At-Talaaq
1Nabiyoow! Marka aad furaysaan haween, fura2 iyagoo markaas ku jira waqtiga loo qabtay furitaanka (waa iyagoo daahir ah oo dhiigga caadada ka meyrtay, oo aydaanna u tegin), oo u tiriya (si dhan) maalmaha ciddada (muddada ay sugayaan furitaanka kaddib3), oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, ee Rabbigiin ah, ha uga saarina debedda guryahooda, oo yeysan iyaguna bixin (intay ciddada ku jiraan la soo ceshan karo), inay la yimaadaan maahee xumaan iska cad. kuwaas waa xuduudaha uu dhigay Allaah. Oo mid kastoo ka tillaaba xuduudaha uu dhigay Allaah, wuxuu u gefey oo ku gardarroday naftiisa. Adigu (midka furayow afadiisa) ma ogid waxaa laga yaabaa inuu Allaah dib ka keeno xaal cusub
2Haddaba markay ku dhowaadaan (dhammaadka) muddadooda la qabtay5, dib ugu soo ceshada si wanaagsan oo gar ah ama u kala taga si wanaagsan oo gar ah. Oo u gashada markhaati (kolka aad rabtaan inaad soo ceshataan, ama aad furtaan) labo caddaalad leh oo idinka mid ah (muslimiin ah) oo u toosiya maragga Ilaahay darti. (Arrin)kaasi waa waano la siiyey mid kastoo rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa. Oo mid kastoo dhow- ra (xilka uu saaray) Allaah Wuxuu u yeeli jid uu kaga baxo (dhibaato kasta)
3O ka siin risiq xagga (ilo) uusan fileyn. Oo mid kastoo ku kalsoonaada Allaah, waa ku filan yahay. Hubaal, Allaah wuu fulaa muraadkiisa. Allaah Wuxuu u yeelay wax waliba qaddar iyo waqti go'an
4Oo (ma xagga) kuwaa ka mid ah haweenkiinna ee ka quustay xaylka, haddii aad ka shakidaan (xaylkooda), muddadooda loo qabtay waa seddex bilood, iyo kuwa (sidoo kale) aan weli helin dhiigga caadada, Oo (ma xagga) kuwa uurka leh (haddii ay yihiin kuwa la furay ama nimankooda ka dhinteen muddadooda loo qabtay waa intay ka dhigaan (culeysyadooda oo ka dhalaan6). Oo mid kastoo dhowra (xilka uu saaray) Allaah wuxuu uga dhigi doonaa arrinkiisa wax aad u fudud
5Kaasi waa Amarka Ilaahay uu idiin soo dejiyey, oo mid kastoo dhowra (xilka uu saaray) Allaah wuxuu ka tiri doonaa xumaatooyinkiisa, oo siin ajar aad u weyn
6Dejiya iyaga meesha aad deggan tihiin, hadba sida karaankiinnu yahay, oo ha dhibina si aad u cidhiidhidaan. Oo haddii ay leeyihiin uur, masruufa intay ka dhigaan culeyskooda. markaas haddii ay idiin nuujiyaan (ilmaha), siiya gunnadooda, oo is fara dhexdeenna sama falka, oo haddii aad is khilaaftaan markaa mid kale ayaa u nuujin
7Kan hodanka ahi wax ha ka bixiyo hodantinnimadiisa, oo mid kastoo ilaha ay wax ka soo galaan cidhiidhi yihiin, ha bixiyo wax ka mid ah waxa uu Allaah siiyey. Allaah ma saaro nafna culeys aan ahayn qaddar waxa uu siiyey ah. Allaah wuxuu keeni faraj iyo fudayd dhibaatada kaddib
8Oo maxay badan tahay magaalo ku caasiday Amarka Rabbigeed iyo Rusu- shiisa, markaas aan ugu yeernay xisaab daran, oo aan ku cadaabnay cadaab adag
9Markaas dhadhamisay cidhib xumadii arrinkeeda, oo cidhibteeda ku dambeysey khasaaro
10Allaah wuxuu u diyaariyey kuwaa cadaab daran. Ee dhwora (xilka uu idin saaray) Allaah wax garadkow (Xaqa) rumeysan. Wuxuu Allaah dhab ahaan idiin soo dejiyey Waano
11Rasuul idiin akhriya Aayadaha Ilaahay ee cad, si uu ugaga saaro kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala mugdiyada xagga Nuurka; Oo mid kastoo rumeeya Allaah oo sama fala, Wuxuu sababi inuu galo Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya waligood. Allaah Wuxuu dhab ahaan siiyey Risiq wanaagsan
12Allaah waa Kan Isagu abuuray toddoba samood, oo arlada intaa oo kale ( ka abuuray8). Amarka wuxuu ahaan mid soo dega dhexdooda, si aad u ogaataan inuu Allaah wax walba Karo, iyo in Allaah dhab ahaan ku koobo wax walba ogaal
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath