62. Al-Jumuca
1Waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada baa Xurma weyneeya oo Hufa Allaah, Boqorka, Daahirka, Adkaadaha, Xakiimka ah
2Isaga weeye (Alle) Kan ka soo saaray ummiyiinta2 dega (Makkah) dhexdood, Rasuul ka mid ah, kaasoo u akhriya Aayadahiisa, oo daahiriya, oo bara Kitaabka iyo Xikmadda, inkastoo horay u ahaayeen kuwo dhab ahaan ku sugan habow caddaan ah
3Iyo kuwo kale oo ka mid noqon doona (qaaruumo iyo qolooyin kale) kuwaasoo aan weli ku soo biirin. Oo Isagu (Alle) waa Aadkaadaha, Xakiimka ah
4Kaasi waa Fadliga Ilaahay, ee uu siiyo ciddii uu doono3. Oo Allaah waa Kan iska leh Fadliga weyn
5Mataalka kuwaa lagu aaminay oo la saa- ray (xilka) Towraadda, markaas aan ku camal falin oo gabay qaadista (xilkaa)3, waa sida dameer sida kutub4 culus (aanse waxba ka fahmin). Xumaa tusaalaha qoloda beeniya Aayadaha Ilaahay. Oo Allaah ma hanuuniyo qoloda gar ma qaatayaasha ah
6Dheh: Idinka heysta Yuhuudiyaddow! Haddii aad mooddaan inaad tihiin xulka Ilaahay5, dadka kale ka sokow, haddaba rajeeya dhimasho haddii aad run sheegeysaan
7Oo marnaba ma rajeyn doonaan (dhimasho) waxa ay gacmahoodu horay u geysteen darteed, oo Allaah waa Ogsoon yahay gar ma qaatayaasha
8Waxaad ku dhahdaa: (Ma xagga) dhimashada aad ka carartaan, (arrin)kaasi hubaal waad la kulmi doontaan, markaas baa dib la idiinku soo celin doonaa xagga Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, oo Wuxuu idiin sheegi waxaad camal fali jirteen
9Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka la isugu yeero salaadda maalinta Jimcaha, u degedga Xusidda Ilaahay oo ka taga ganacsiga, sidaas baa idiin khayr badan, haddii aad ogtihiin
10Markase ay dhammaato salaadda, ku kala faafa arlada, oo wax ka dalba Deeqda Ilaahay (aada qaraabo salaan, booqda qof buka, fasha camallo san), oo xusa Ilaahay in badan aad liibaantaane
11Oo marka ay arkaan wax ganac ah ama madaddaalo waxay u kala yaacaan xaggeeda, oo kaa tagaan adigoo taagan. Dheh: Waxa Allaah uu heysto baa ka khayr badan madaddaallo oo (ka khayr badan) ganac kasta. Oo Allaah waa Kan u wanaagsan inta wax irsaaqda
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath