61. As-Saff
1Waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada baa Xurmo weyneeya oo Hufa Allaah. Oo waa Isaga Adkaadaha sare, Xakiimka ah
2Kuwiinaan idinku rumeysanow! Maxaad ugu hadashaan wax aydaan faleyn
3Waa wax uu aad u neceb yahay Allaah inaad ku hadashaan wax aydaan faleyn
4Hubaal Allaah wuxuu jecel yahay kuwa ku dirira Jidkiisa iyagoo safaf ah aad mooddo dhismo laysku dhajiyey
5Oo waa tii Muuse ku yidhi tolkiisii: Tolkayoow! Maxaad ii dhibtaan? Oo waad2 og tihiin dhab ahaan inaan ahay Rasuulkii Ilaahay xaggiinna loo soo diray? Markayse dhinac u jeesadeen, Allaah wuxuu ka yeelay quluubtooda inay dhinac u jeestaan. Oo Allaah ma hanuuniyo qoloda caasiyaasha ah
6Oo waa tii uu Ciise, wiilkii Maryam, yidhi: Ilmahii Israa’iiloow! Waxaan anigu ahay Rasuulkii Ilaahay xaggiinna loo soo diray, xaqiijinaya Towraadda (la soo dejiyey) hortay, idiinkuna bishaaraynaya Rasuul imaan doona gadaashay oo magaciisu yahay Axmad3. Markiise uu ula yimid Xuoojin cad cad, waxay yidhaahdeen: Kanu waa sixir iska cad
7Oo yaa ka gef weyn mid ka been sheega Allaah halka isaga loogu baaqo Islaamka? Oo Allaah ma hanuuniyo dadka gar ma qaatayaasha ah
8Waxay rabaan inay ku damiyaan Nuurka Ilaahay afafkooda. Allaah se waa taam yeeli Nuurkiisa haba nacaan gaaladuye
9Isaga Weeye (Alle) Kan la soo diray Rasuulkiisa hanuunka iyo diinta Xaqa ah, si uu uga sare mariyo diimaha (kale) oo dhan, haba necbeystaan mushrikiintuye
10Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ma idiin tusaa ganac idinka badbaadineysa cadaab xanuun badan
11(Waa) inaad rumeysaan Allaah, iyo Rasuulkiisa (Muxammad), oo u jihaaddaan Jidka Ilaahay idinkoo u huraya maalkiinna iyo nafahiinnaba, sidaas baa idiin khayr badan haddii aad og tihiiin
12Wuxuu idiin dhaafi dambiyadiinna, oo sababi inaad gashaan Beero ay webiyo hoos qul-qulaan iyo guryo wanaagsan oo ku dhex yaal Beeraha negaya, kaas baa ah Liibaanta Weyn
13Iyo waliba mid kale (oo wanaagsan) aad jeceshihiin, gargaar xagga Ilaahay ah iyo guul aad u dhow. Oo sii war san ay ku farxaan mu’miniinta
14Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ahaada kuwa u gargaara (diinta ) Ilaahay, sidii uu ku yidhiba Ciise, ina Maryam, xertiisii Waa kuwee kuwa iigu gargaaraya (arrinka) Ilaahay? Xertii waxay yidhaahdeen: Innagaa ah u gargaarayaasha (arrinka) Ilaahay, Markaas bay qayb ka mid ah ilmahii Israa’iil rumeeyeen, oo qayb kale gaaloobeen. Markaas Waxaan taageernay kuwii (xaqa) rumeeyey ( oo ka adkaadeen) cadowgoodii, oo waxay noqdeen kuwa gacan sarreeya
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath