Islaamka
dib

59. Al-Hashr

1Waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada baa xurma weyneeya oo hufa Allaah. Oo waa Isaga Adkaadaha, Xakiimka ah

2Isaga weeye (Alle) Kan ka saaray kuwaa gaaloobay ee ka mid ahaa Ehlu Kitaabka2(Yuhuuddii Banii Nadiir) guryahooda kulmintii hore. Ma aydaan moodeyn inay baxayaan, halka iyagu isku hubeyn inay qalcadahooda ka celinayaan Allaah. Wuxuuse Allaah uga yimid meel aysan marnaba filayn, oo ku tuuray argagax quluubtooda, sidaa awgeed waxay ku baabbi’iyeen guryahooda gacmahooda iyo gacmaha mu'miniinta, ee ku cibrad qaata kuwiinaan idinku indhaha lahow

3Oo haddii aysan ahaan laheyn in Allaah uu u qoray guuritaanka, Wuxuu hubaal ku cadaabi lahaa adduunkan, oo aakhirada waxay leeyihiin cadaabta Naarta

4Sidaas waxaa u sabab ah waxay colaadiyeen Allaah iyo Rasuulkiisa, oo mid kastoo colaadiya Allaah, haddaba hubaal Allaah way daran tahay ciqaabtiisu

5Geed timreed kastoo aad goysaan ama aad ka tagtaan iyadoo ku taagan jirriddeeda, waa Idanka Ilaahay, iyo si uu u dufeeyo caasiyaasha

6Oo wax kastoo Allaah uga soo ceshay Rasuulkiiisa xaggooda uma aydaan qaadin duullaan aad ku dagaal gasheen fardo aama rakuub midna3, laakiinse Allaah wuxuu ku sallidaa Rusushiisa cidduu doono. Oo Allaah wuxuu ku leeyahay wax walba dushood awood buuxda

7Wax kastoo uu Allaah uga soo celiyo Rasuulkiisa dadka magaalooyinka4, waxaa leh Allaah, iyo waxaa iska leh Rasuulka iyo qaraabada dhow (ee Rasuulka)5, iyo agoomaha, iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan) si uusan (maalku) u ahaan wax ku wareegeysta oo keliya kuwiinna hodanka ah dhexdood. Oo wax kastoo uu Rasuulku (amar) idin (ku) siiyo qaata, oo wuxuu idinka ka reebo haddaba ka jooga, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. Hubaal, Allaah way Daran tahay Ciqaabtiisu

8(Waxaa iska leh) saboolka ka soo haajiray guryahooda iyo maalkooda iyagoo raadinaya Fadli xagga Ilaahay ah iyo raallinimo(diisa)6. Oo u gargaaraya Allaah iyo Rasuulkiisa: kuwan weeye kuwa ah run badnayaasha

9Oo (sidoo kale waxaa saami ku leh) kuwii degaankoodaa ahaa daarta (Al-Madiina) oo (qaatay) Iimaanka ka hor (intaysan u soo hijroon walaalahood muhaajiriinta). Waxay jecel yihiin kuwa u soo haajiray xaggooda, oo uguma hayaan laabahooda wax baahi ah wax ka mid ah waxa (muhaajiriinta) la siiyey, waxayse ka hormariyaan (oo uga dooraan) iyaga nafahooda, inkastaba iyagu faqri ha hayee. Oo mid kastoo laga dhowro bakhaylnimada naftiisa, kuwan weeye kuwa ah liibaanayaasha

10Oo kuwaa yimaada gadaashood, waxay yidhaahdaan: Rabbigayow, Noo dambi dhaaf innaga iyo kuwaa walaalahayaga ah ee nooga horreeyey Iimaanka, oo ha u gelin quluubtayada wax naceyb ah kuwa (xaqa) rumeysan. Rabbigayow! Waxaad tahay Adigu Turid Badane, Naxariis Badan

11Ma waadan arag kuwaa munaafiqiinta ah? waxay ku yidhaahdaan kuwaa walaalahood ah ee gaaloobay oo ka mid ah ehlu-Kitaabka: Haddii la idin saaro, innaguna (sidoo kale) hubaal waa idin la bixi, oo ma jirto cidna aan idiin maqli doonno weligeed, oo haddii la idinla dagaalo, hubaal waan idiin soo hiillin;. Oo Allaah baa ka Marag ah inay yihiin beenalayaal

12Hubaal, haddii kuwan la saaro, marnaba lama bixi doonaan, oo haddii lala daggaalamo, marnaba uma soo hiillin doonaan, oo haddii ay u soo hiilliyaan, waxay hubaal jeedin doonaan dhabarradooda, markaas looma gargaari doono

13Idinka hubaal cabsida ay idiinku hayaan laabahooda baa ka daran tay ugu hayaan Allaah. Sidaas waxaa ugu wacan waa qolo aan wax garad ahayn

14Idiinlama diriri doonaan qof ahaan, inay ku jiraan maahee magaalooyin dhufeysyo adag leh gudahood ama darbiyo gadaashood. Dagaalka dhexdooda ah baa daran. Waxaad moodeysaa inay yihiin kuwo wada jira, oo quluubtoodu waa qaybsan yihiin, arrinkaasi waxaa ugu wacan waa qolo aan kasmo lahayn

15Sida kuwii iyaga wax yar ka horreeyey7 (Yuhuuddii reer Qaynuqaac). Waxay dha- dhamiyeen cidhib xumadii dhaqankooda, oo waxay leeyihiin cadaab xanuun badan

16Waa sida Shaydaanka, marka uu ku yi- dhaahdo aadmiga: Gaalow. Markase uu gaaloobo, wuxuu yidhaahdaa: Anigu hubaal bannaanka baan kaa ahay, anigu waxaan ka cabsadaa Alle, Rabbiga uunanka

17Sidaa awgeed cidhibta labaduba waa inay labduba ahaan Naarta gudaheed, iyagoo ku dhex waaraya.Waa sidaas abaal marinta gar ma qaatayaasha

18Kuwiinaan idinku rumeysanow! Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo naf walbaa ha eegto waxa ay u hormarsatay berritoole, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal, Allaah waa u xog ogaal waxa aad fashaan

19Oo ha ahaannina sida kuwa hilmaamay Allaah, isna markaas uu hilmaansiiyey nafahooda: kuwan weeye kuwa ah caasiyaasha

20Ma sinna Ehlu-Naarka iyo Ehlu- Jannaha. Ehlu-Jannaha iyaga weeye kuwa ah liibaanayaasha

21Haddii aan ku soo dejin laheyn Qur’aankan buur, waxaad hubaal arki lahayd isagoo soo dhacaya la dillaacaya cabsida Ilaahay darteed. Oo waxaan u soo qaadannaa mataalladan dadka bal inay fekeraan

22Waa Allaah, oo uusan jirin ilaah kale (xaq lagu caabudo) Isaga maahee, Ogsoo-naha waxa aan muuqan iyo waxa muuq- daba. Waa Naxariistaha, Naxarisita Badan

23Waa Allaah, oo uusan jirin Ilaah kale (Xaq ah) Isaga maahee, waa Boqorka, Daahirka8; Nabadgeliyaha, Ammaan bixiyaha9, Kor ka Ilaashaha uunankiisa, Adkaadaha, Kabaha (jababka, sandullee- yaha qooqanayaasha), Kan iska leh Wey- naan oo dhan, Xurmo oo idil waxaa iska leh oo Hufan Allaah wuu ka Sarreeya waxa ay dhig u yeelaan ee wax la wadaajiyaan

24Waa Allaah, Abuuraha, uumaha wax waliba, sawiraha qaabsiiyaha ah. Isaga baa leh Magacyada aad u wanaagga ee quruxda badan. Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada baa Xurmo weyneeya oo Hufa, oo waa Adkaadaha sare, Xakiimka ah

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath