Islaamka
dib

58. Al-Mujaadila

1Allaah dhab ahaan waa uu ajiibay baryada tan kaagala doodeysay arrinka ninkeeda oo u ashtakooneysey Allaah. Oo Allaah waa maqlayey doodda labadiinnuba. Hubaal Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka

2(Ma xagga) kuwa idinka mid ah ee iska fogeeya2 xaasaskooda iyagoo kala mid dhiga dhabarradooda dhabarrada hoo- yooyinkood, ma aha hooyooyinkood. hoo- yooyinkood ma aha cid kale aan ahayn kuwaa dhalay. Oo hubaal hadalkaasi ay leeyihiin waa hadal xun iyo been abuur. Oo hubaal, Allaah waa Cafiye, Dambi Dhaaf badan

3Oo (ma xagga) kuwa isaga fogeeya afooyinkooda iyagoo kala mid dhigaya dhabarradooda dhabarrada hooyooyinkood: markaas doonaya inay ka noqdaan waxa ay yidhaahdeen, waa inay xoreeyaan addoon ka hor inta aysan is taaban, (arrin)kaasi waa kan la idinku waaniyo (inaad qaadataan). Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

4Kii kastoo se isagu aan helin, waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah ka hor inta aysan istaaban3; ee ma xagga kan isagu aan awoodin (soonka) waa inuu quudiyo lixdan miskiin. Sidaasi waa si aad Iimaan ugu qabtaan Allaah iyo Rasuulkiisa. Oo Kuwani waa Xuduudaha uu dhigay Allaah. Oo gaaladu waxay leeyihiin Cadaab aad u xanuun Badan

5Hubaal, kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa waa la dulleyn, sidii kuwii ka horreeyey loo dulleeyeyba. Oo xaqiiq waxaan soo dejinnay Aayado cad cad. oo gaaladu waxay mudan Cadaab Dulleysa

6Maalinta uu Allaah soo bixin doono iyagoo dhan, oo u sheegi doono waxay faleen oo dhan. Allaah waa uu u diiwaan gashay oo tiro koobay, halka ay iyagu iska halmaameen. Oo Allaah wax walba wuu Arkaa

7Mawaadan arag inuu Allaah Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada? Ma jiro meel seddex ku showrta, uusan isagu aheyn kooda4 afraad, mana jiro (showr ka dhex dhaca) shan uusan aheyn kooda lixaad, mana jiraan wax intaas ka yar ama ka badan, uusan isagu la jirin meel ay joogaanba; kaddib wuxuu u sheegi doonaa waxay camal faleen Maalinta Qiyaamaha. hubaal, Allaah wax waliba wuu Ogsoon yahay

8Mawaadan arag kuwa laga reebay showrka xun, markaas ku noqda waxa laga reebay, oo yeesha kulanno qarsoodi ah ay ku showraan dambi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka, oo markay kuu yimaadaan waxay kugu salaamaan wax uusan Allaah kugu salaamin5, oo ka yidhaahdaan nafahooda: Muxuu Allaah noogu cadaabi waayey waxa aan leennahay? Naar baa ku filan; oo ay ku guban. Oo u xun meel la ahaado

9Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka aad showrtaan, ha ku showrina dambi iyo dulmi fal iyo ku caasinta Rasuulka ee ku showra samaan iyo ka joogid (dambiyada) oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, kaasoo Xaggiisa la idiin soo wada kulmin

10Sideedaba showriddu (xun) waa uun (camal) Shaydaan6, si uu u murug geliyo kuwa (Xaqa) rumeysan, waxbase ma uu yeeli karo haba yaraatee, wuxuu Allaah idmo maahee, oo Allaah ha isku halleeyaan mu’miniinta

11Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka la idinku yidhaahdo isugu waasiciya fadhiga kulannadiinna gudahood, isu waasiciya fadhiga. Allaah ha idiin waasiciyee (Naxariistiisa)7. Oo marka la idinku yidhaahdo u kaca (khayr)8 u kaca. Allaah wuxuu kor u qaadi kuwiinna idin ka mid ah ee (xaqa) rumeysan, iyo kuwaa cilmiga la siiyeyba, darajooyin aad u sarreeya, Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

12Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka (aad dooneysaan) inaad la showrtaan Rasuulka, u bixiya wuxuun sadaqo ahaan showrkiinna ka hor. Sidaas baa idiin khayr badan oo idiin daahirsan. Haddiise aydaan helin (wax aad bixisaan) hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

13Ma waxaad ka walaacdeen inaad (kari weydeen) inaad la baxdaan sadaqooyin ka hor la showrkiinna? Haddii aydaan sidaas falin, oo Allaah wuu idiin soo noqday (si naxariis lehe), haddaba hagaajiya salaadda oo bixiya sakada oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa. Oo Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan

14Mawaadan arag kuwaa iyagu ka yeesha saaxiibbo qolo cadho Alle qaba (Yuhuudda)? Ma aha kuwo idinka tirsan idinka (Muslimiinta) oo kama tirsana iyaga (gaalada), oo waxay ku dhaartaan been iyagoo ogsoon

15Allaah wuxuu u diyaariyey iyaga cadaab daran. Hubaal; waxa ay falaan waa wax fool xun

16Waxay ka dhigtaan dhaarahooda gaashaan (ay isku qariyaan). markaasay ka weecdaan jidka Ilaahay, sidaas awgeed waxay mudan cadaab dufeysa

17Maalkooda ama caruurtoodu waxna ugama tari doonaan Allaah Xaggiisa, kuwaasi waa ehlu Naar, way ku dhex waari doonaan waligood

18Maalinta uu Allaah soo bixin doono iyagoo dhan, markaas waa ay u dhaaraan Isaga sida ay idiinku dhaartaan idinka9. Oo waxay moodaan inay wax heystaan. Haddaba hubaal waa iyaga beenaalayaasha

19Shaydaan baa duufsaday oo ka qaalib noqday, Markaasuu ka yeelay inay hilmaamaan xusidda Ilaahay. kuwaasu waa xisbiga Shaydaanka. Ogaada hubaal, waa xisbiga shaydaanka kuwa ah khasaare qabayaasha

20Hubaal (ma xagga) kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa; kuwaasu waxay ka mid ahaan kuwa aad loo dulleeyey

21Allaah wuxuu qoray: hubaal waan adkaan, aniga iyo Rusushaydaba. hubaal, Allaah waa Xoog Badane, Adkaade ah

22Heli meysid qolo rumeysan Allaah iyo Maalinta Dambeysa oo gacal ka dhiganaya kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa, haba ahaadaane aabbayaashood ama wiilashooda ama walaalahood ama (reero) qaraabadooda ah; kuwan weeye kuwa uu quluubtooda Isagu ku qoray Iimaan, oo uu ku xoojiyey Ruux10 Xaggiisa ah. Oo Wuxuu sababi inay galaan beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ay ku dhex waari weligood. Allaah raalli buu ka yahay, iyaguna raalli bay ka yihiin. Kuwaasu waa Xisbiga Ilaahay. Ogaada, hubaal, Xisbiga Ilaahay waa iyaga liibaanayaasha

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath