56. Al-Waaqia
1Marka ay dhacdada weyni dhacdo
2Ma jiro wax beeninayaa dhiciddeeda
3Hoos u dhigeysaa (qolo) kor u qaadeysaa (qolo kale)
4Marka dhulka la gilgilo gilgilid daran
5Oo buuraha la ridqo ridqin daran
6Markaas waxay ahaan sida boor firdhisan
7Oo waxaad ahaan saddex nooc
8Ma kuwa ah Gacanta Midig, maxay farxad u ahaatay kuwa ah Gacanta Midig
9Kuwase ah Gacanta Bidix, xumaa kuwa ah Gacanta Bidix
10oo kuwa hor maray iyagaa horreyn
11Kuwakan weeye kuwa loo soo dhoweyn Ilaahay
12Beero barwaaqo ah gudahood
13Waa rac ka mid ah kuwii hore
14Iyo in yar oo ka mid ah kuwii dambe
15Sariiro korkooda dahab lagu qurxiyey
16Iyagoo ku jiqleysan korkeeda, oo fool ka fool is qaabilaya
17Waxaa u adeegi wiilal waaraya aanay da’ doorin, kuwaa oo kula wareegi doono
18Koobab iyo kirliyo iyo galaas sharaab macaan oo daahir ah
19Oo aanu marnaba madaxu ku wareerin oo aanay ku maan guurin
20Iyo midho; waxay doortaan ah
21Iyo hilib shimbiro kay rabaanba
22Oo (u wehelin doonaan) xuurul cayn
23La moodo luul la dhowray
24Waa abaalgud waxay camalsan fali jireen
25Kuma maqli doonaan halkaa hadal macno darro ah iyo dambaabid midna
26Waxaan ahayn odhaahda nabad nabad
27Kuwa ah Gacanta Midig, maxay farxad u ahaatay kuwa ah Gacanta Midig
28(Waxay dhex ahaan) geedo gob aan qodax lahayn
29Iyo geedo Muus ah miro karooran
30Iyo har fidsan
31Iyo biyo u socda joogto
32Iyo midho tiro badan
33Marnaba aan go’eyn, mamnuucna ahayn
34Iyo sariiro (boqoreed) la kor yeelay
35Waxaan Annagu ka yeelay inay soo baxaan iyaga (haweenkii adduunka ee Jannada galay) soo bixid gaar ah
36Markaasaan waxaan ka dhignay bikrooyin ugub ah
37Gacalooyin, isku wada da’ ah
38Oo ay leeyihiin kuwa ah Gacanta Midig
39Kuwo badan oo ka mid ah waa horraankii kal hore (soo galay Islaamka)
40Kuwo badan oo ka mid ahna kuwii kal dambe (soo galay Islaamka)
41Kuwa ah Gacanta Bidix _xumaa kuwaa ah Gacanta Bidix
42Waxay dhex ahaan hanfi kulul iyo biyo karkaraya
43Iyo hoos qiiq badan
44Aan laheyn qabow iyo daryeel midna
45Hubaal waxay ahaayeen taa horteed, kuwo loo raaxeeyey
46Oo waxay ku adkeysan jireen Dambiga aad iyo aadka u weyn (shirkiga)
47Oo waxay odhan jireen: Ma markaan dhimanno oo noqonno ciid iyo lafo, miyaa xaqiiq nala soo nooleyn doonaa
48Oo sidoo kale miyaa aabbayaashayadii hore (la soo nooleyn)
49Dheh, kuwii hore iyo kuwa dambaba
50Waxaa hubaal loo soo kulmin doonaa wada jir waqti Maalin la yaqaan
51Markaas idinka kuwiinan habowsanayaasha ahow, ee beeniyow
52Waxaad hubaal wax ka cuni doontaan geed xun oo Zaqquum ah
53Oo ka buuxin doontaan caloolihiinna
54Markaas ku cabbi doontaan biyo kulul oo karkaraya
55Oo u cabbi doontaan sida cabbidda geel asqoobay
56Kani waa waxa lagu soori doona iyaga Maalinta Abaal marinta
57Annagaa idin abuurnay, ee maxaad la rumeyn weydeen
58Ma u fiirsateen minada idinka timaada
59Ma idinkaa abuuray mise waa Annaga Abuurayaasha
60Annagaa idiin qaddarnay dhimashada dhexdiinna, oo ma nihin kuwo laga baxsan karo
61Si aan u keenno halkiinna kuwa idinla mid ah oo aan idiin soo bixinno (qaabab iyo suurado) aydaan garaneyn
62Oo waxaad dhab ahaan og tihiin soo bixitaankii hore, ee maxaad haddaba u garowsan weydeen
63Ma u fiirsateen waxa aad beertaan
64Ma idinkaa sababa inay soo baxaan, mise waa Annaga Kuwa soo Bixiya
65Haddii aan Doonno, waxaan ka dhigi karnaa xaabo engagan, oo waxaad noqoneysaan kuwo murugo iyo ciil qaba
66(idinkoo leh): dhab ahaan Waxaynu nahay kuwo la culaabeysan deyn
67Mayee, waxaynu nahay kuwa la seejiyey (midhahii)
68Ma u fiirsateen biyaha aad cabtaan
69Ma idinkaa kuwa ka soo dajiya daruuraha, mise Annaga weeye kuwa soo dejiya
70Haddii aan doonno, Waxaan ka dhigi lahayn jaan dhanaan oo milix ah, ee maxaad haddaba u shurki naqi weydeen
71Ma u fiirsateen dabka aad madagta ka shiddaan
72Ma idinka baa kuwa u soo saara geedaha, mise Annaga weeye soo saarayaasha
73Innaga baa waxaynu ka dhignay waano; iyo wax ay ku intifaacaan kuwa ku safra saxraha (iyo qeyrkoodba)
74Ee xurmee Magaca Rabbigaa, Weynaha
75Mayee Waxaan ku dhaartay halkay xiddiguhu ku dhacaan
76Oo xaqiiq, waa dhaar dhabtii and u weyn, haddii aad ogaan lahaydeen
77Hubaal waa Qur'aan Sharaf Badan
78Ku yaal Kitaab aad la dhowray
79Cidina taaban kuwa la daahiriyey mooyee
80Ah soo waxyoodka Rabbiga uunanka
81Ee ma warkan baad haddaba u qaadataan wax fudud aan qiimo lahayn
82oo ka yeeshaan risiqiinna inaad ka been sheegtaan
83Ee maxaydaan haddaba marka ay (naftu) dhuunta soo gaadho
84Oo idinku markaas aad eegaysaan
85Oo Annagu aan idiinka dhow nahay, laakiinse aydaan arkaynin
86Ee Maxaydaan haddaba haddii aad tihiin kuwo aan xil qabanayn
87Ugu soo celin (weydeen) nafta (jirkeedii) haddii aad run sheegeysaan
88Haddaba haddii uu ka mid yahay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah)
89Markaas waa farax, iyo risiq, iyo Beer barwaaqo ah
90Oo haddii uu ka mid yahay kuwa ah gacanta midig
91Nabad baa kaaga sugnaatay xagga kuwa ah gacanta midig
92Haddiise uu ka mid yahay kuwa (Xaqa) diida , habowsanaaysaha ah
93Waxaa lagu sooryeen biyo kulul oo karaya
94Iyo ku gubasho Dabka
95Hubaal, arrinkani waa run la hubo
96Ee xurmee Magaca Rabbigaa,Weynaha
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath