Islaamka
dib

55. Ar-Raxmaan

1Naxariistaha (Allaah)

2Wuxuu baray Qur'aanka

3Abuuray aadmiga

4Baray wada hadalka

5Qorraxda iyo dayaxu waxay ku socdaan xisaab

6Oo xiddigaha iyo geedahuba way sujuudaan

7Oo samada kor ayuu u qaaday, oo Wuxuu dhigay miisaanka

8Si aydaan ugu xadgudbin miisaanka

9Oo u hagaajiya miisaanka si caadil ah, oo ha dhimina miisaanka

10Oo arlada Waxa uu degaan uga dhigay uunanka nool

11Dhexdeeda waxaa ah midho iyo geedaha timirta ee fiidaha leh

12Iyo haruurta leh balka iyo dhir udug wanaagsan leh

13Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

14Wuxuu ka abuuray Aadmiga dhoobo engegan jilay oo kale ah

15Oo Wuxuu ka abuuray jinka olol dab

16Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

17Rabbiga labada bari iyo Rabbiga labada galbeed

18Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

19Wuxuu ka yeelay labada badood3 inay dareeraan si ay u wada kulmaan

20Waxaase dhex yaal shareer, oo iskuma xad gudbaan

21Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

22Waxaa ka soo baxa luul mid weyn iyo mid yarba

23Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

24Oo Isaga baa iska leh doonyaha dhex maaxa4 badda ee buuraha la moodo

25Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

26Waxa walba oo korkiisa ah waa inay dhintaan

27Oo waxaa waadhi doonaa abadki Wejiga Rabbigaa Haybadda iyo Sharafta Badan

28Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

29Kuwaa jira samooyinka iyo arlada baa wax weydiista. Maalin kasta Wuxuu ku sugan yahay xaalad sharaf iyo xurmo leh

30Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

31Dhaqso Waanu idiin soo banbixi doonnaa, labadiinna ciidammow

32Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

33Kulanka jinka iyo insigoow! Haddii aad kartaan inaad ka soo gudubtaan nawaaxiga cirarka iyo dhulka, haddaba ka soo gudba. ma ka soo gudbi kartaan amar la'aan

34Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

35Olol naar ah, qiiq, iyo maar (la dhalaaliyey)6 baa la idinku soo deyn, mana kari doontaan inaad is difaacdaan

36Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

37Ee marka ay samadu kala dillaacdo, oo markaas ay noqoto gaduud sida idiinta

38Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin8 beenineysaan

39Maalintaas Insi iyo Jinba waxba lagama weydiin doono dambigooda

40Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

41Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, markaas baa laga soo qaban foodaha iyo cagaha

42Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

43Tanu waa Naartii ay dambiilayaashu beeniyeen

44Waxay ku meereyesan dhexdooda iyada iyo biyaha kulul ee karaya

45Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

46Oo kan isaga ka cabsada hor istaagga Rabbigi, waxaa uu mudan labo beerood

47Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

48Oo leh noocyo kala duwan oo badan

49Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

50Dhexdooda waxaa ah labo ilood oo dur dur ah

51Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

52Waxaaa ku yaal midho walba oo mid kastaa lammaane tahay

53Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

54Iyagoo ku jiqlaynaya firaashyo cudbi-goodu xariir yahay, oo midhaha labadaa beerood waxay ahaan kuwo goosi dhow

55Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

56Waxaa jooga kuwaa soo laaba araggooda ka hor iyaga aanu taaban insi iyo jin midkoodna

57Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

58La moodo dheeman iyo luul

59Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

60Miyey tahay abaalgudka samaanta wax kale aan ahayn samaan

61Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

62Oo barbarkooda labadatani, waxaa ah labo beerood oo kale

63Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

64Labaduba u janjeera madow cagaaran

65Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

66Dhexdooda waxaa ah labo ilood oo burqanaya

67Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

68Waxaa dhexdooda ah midho, geedo timir iyo Rummaan

69Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

70Waxaa dhexdooda ah khayraat iyo qurux badnooyin

71Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

72Xuurulceyn ku kooban oo aan ka bixin khaymadahooda

73Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

74Oo ka hore iyaga aanu taaban insi iyo jin midkoodna

75Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

76Iyagoo ku jiqleynaya barkimooyin cagaaran iyo gogollo qurux badan

77Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

78Waxaa khayr iyo barako badan Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath