54. Al-Qamar
1Saacaddu way soo dhowaatay, oo dayaxii u kala dhanbalmay labo gabal
2Oo haddii ay arkaan mucjiso, waxay u jeestaan dhinac, oo yidhaahdaan: Waa sixir is daba taxan
3Oo way beeniyaan oo raacaan waxa xun ay nafahoodu rabaan. Oo arrin kasta wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado
4Oo dhab ahaan waxaa u yimid warar ku dheehan waano (iyo digniino)
5Xikmad xeel dheer; maxayse u tartaa digidi (xaq diid)
6Ee iskaga jeeso; Maalinta uu baaquhu ugu baaqi doono wax daran oo baas
7Iyagoo arag dulleysan, ka soo baxaya qubuurahooda iyagoo la moodo ayax faafay
8U degdegaya dhinaca baaqaha, gaaladu waxay odhan:Tani waa Maalin daran
9Iyaga hortood Qolodii Nuux baa beeniyey, markaasay beeniyeen addoonkayagii oo yidhaahdeen: waa nin waalan, oo la handaday
10Markaasuu baryey Rabbigi (isagoo leh): Waa la iga adkaadaye ii soo hiilli
11Markaas baan ka soo furnay albaabadii daruuraha biyo da’aya oo badan
12Oo ka soo burqinnay dhulka ilo (biyo ah). markaasay biyihii (cirka iyo dhulka) is qabteen oo ku kulmeen arrin la qaddaray
13Oo waxaan (Nuux) ku qaadnay taasi (Doonni) laga sameeyey Alwaax iyo masaamiir
14Ku socota indhahayaga hortood, oo abaalgud u ah kan isagu la diiday
15Oo dhab ahaan Waxaan uga tagnay si ay u ahaato Calaamad, ee ma jiraa mid ku waantoobi
16Ee Sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii
17Oo dhab ahaan waxaan ka yeelnay Qur'aanka mid sahlan si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi
18Caad waxay beenisay (Xaqa), ee sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii
19Hubaal Waxaan ku soo dirnay dushood dabeylo duufaan ah maalin naxsgieed is daba joogo
20Iyadoo u majaxaabineysa dadka4 sida inay ahaayeen geedo timir jirriddoodii la rujiyey
21Ee sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii
22Oo dhab ahaan Waxaan ka yeelnay Qur’aanka mid sahlan si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi
23Thamuud waxay beenisay digniinihii
24Markaasay waxay yidhaahdeen: Ma qof keliya ah ee naga mid ah! miyaan raacnaa? Hubaal waxaanu markaas xaqiiq ku sugnaan habow iyo dhibaato
25Ma waxaa Wacdiga lagu soo dejiyey isaga oo nalaga dhex doortay? Mayee, waa beenlow isla weyn
26Berri bay ogaan doonaan, waa kee beenalaha, islaweynaha ah
27Hubaal Waxaan soo direynaa Hal lagu imtixaani ee dhugo iyaga oo samir yeelo
28Oo u sheeg in biyuhu yihiin qayb dhexdooda ah, mid walbaa leeyahay cabbid maalin gaar ah
29Waxayse u dhawaaqeen saaxiibkood, oo soo qaatay (seef) oo (Hashii) dilay
30Ee Sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii
31Hubaal Waxaan ku ridnay dushood Qeylo keliya, markaasay waxay noqdeen sida jabad burburay ee dhulka laga xaaqo
32Oo dhab ahaan Waxaan ka yeellay Qur'aanka mid sahlan si loo xusuusto, ee ma jiraa mid ku waantoobi
33Qoonkii Luud baa beeniyey digniinihii
34Hubaal Waxaan ku ridnay duufaan dhagaxyo wadata Reer Luud ma’ahee, waa aan badbaadinnay waaberiga hortiis
35Nicmo Xaggayaga ah, sidaas oo kale baan u abaal marinnaa kan isagu shukriya
36Oo dhab ahaan wuxuu uga digay qolodiisii Qabashadayada daran, waxayse ka murmeen digniinihii
37Oo dhab ahaan Waxay ku dadaaleen inay ka jeediyaan martidiisii, waxaanse cameynay indhahooda, ee dhadhamiya cadaabteyda iyo digniinaheyga
38Oo dhab ahaan cadaab sugnaansho leh baa qabtay isla waabernimadiiba
39Ee dhadhamiya Cadaabteyda iyo Digniinaheyga
40Oo dhab ahaan Waxaan ka yeellay Qur’aanka mid sahlan si loo xusuusto, ee ma jiraa mid ku waantoobi
41Oo dhab ahaan Digniinihu waxay u yimaadeen qoladii Fircoon
42(Way) beeniyeen Aayadahayagii oo dhan, markaas baan qabannay Qabasho Awood Badane. Karaan Badan
43Ma gaaladiinna baa ka fiican kuwakani mise waxaad heysataan cafis idiinku qoran Kutabaha(yaga)
44Mise waxay leeyihiin: Waxaanu innagu nahay ciidan dhan oo is taageeri
45Durba ciidankooda waa la jabin oo dabaday jeedin doonaan
46Balse, Saacadda waa waqtiga loo qabtay, oo Saacaddu waxay ahaan mid aad u daran oo qaraar
47Hubaal, denbiilayaasha waxay ku sugan yihiin habow iyo dhibaato
48Maalintaa marka wejiyadooda lagu dhex jiidi doono Naarta: Dhadhamiya taabashada Naarta
49Hubaal Waxaan wax kasta ku abuurnay Qaddar
50Oo Amarkayagu ma aha waxaan ahayn sida ilbiriqsi
51Oo dhab ahaan Waxaan horay u hallignay kuwii idin la midka ahaa ee ma jiraan mid uun isagu ku waantoobi
52Oo wax kastoo ay faleen waxay ku yaalliin kutubta (qoran)
53Oo wax waliba yar iyo weynba way qoran yihiin
54Hubaal, kuwa iska jira (xumaha), waxay ku sugnaan Beero iyo webiyo
55Fadhi sharfeed run ah oo u dhow Boqorka Awooda wax walba
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath