Islaamka
dib

53. An-Najm

1Waxaan ku dhaartay xiddiga marka uu hoos u soo dhaco

2Saaxibkiin ma uu gefo, mana habaabo

3Oo ma ku hadlo hawadiisa

4Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyoodo

5Waxaa baray (oo xagga Allaah ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn

6Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuraddiisuna dhan tahay (Jabriil)

7Isagoo ah halka ugu sarreysa jihada sare

8Markaasuu soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday

9In le’eg labo qaanso xadhigeed ama ka sii dhowba

10Markaasuu (Allaah) u Waxyooday addoonkiisa4 waxa uu u waxyooday

11Kama been sheegin Qalbigu wuxuu arkay

12Ma waxaad haddaba kula murantaan waxa uu arkay

13Oo xaqiiq wuxuu ku arkay (Jabriil) soo degid kale

14Dhammaadka xadka geedka gobka

15Waxaa agteeda ah Jannada hoyashada

16Marka uu daboolay gobka waxa daboolay

17Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay

18Xaqiiq wuxuu wax ka arkay Calaamooyinka Rabbigi ee waaweyn

19Ee ma u fiirsateen haddaba Al-Laat iyo Al-Cuzza

20Iyo Manaat, midka seddexaad ee kale

21Ma idinka baase leh labka oo Isagu leeyahay dheddigga

22Tanu dhab ahaan waa qayb dulun ah

23Ma aha wax kale aan aheyn magacyo aad bixiseen,_ idinka iyo aabbayaashiin,_ oo uusan Allaah u soo dejin wax Xujo ah. Oo ma raacaan waxba aan ahayn male iyo waxa xun ay naftoodu u iilato, oo xaqiiq waxaa uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan

24Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleysto

25Mayee Allaah baa iska leh tan dambe (Aakhirada)iyo(nolosha)horeba(Adduunka)

26Oo badanaa inta malag jooga samooyinka, aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Allaah u idmo maahee ciddii uu doono oo ka Raalli yahay

27Hubaal, kuwa aan rumeysnayn Aakhirada, waxay ku magacaabaan malaa’igta magacyo dheddig ah

28Iyagoo aan wax aqoon ah u laheyn. Waxay raacaan oo keliya malo, oo hubaal, maluhu waxba kama taro Xaqa

29Ee iskaga jeeso kan ka jeesta Xuskayaga oo aan doonayn waxaan aheyn nolosha adduunka

30Kaasi waa inta uu gaaray garaadkooda aqooneed. hubaal, Rabbigaa aad buu u Ogsoon yahay kan ka luma Jidkiisa, oo wuxuu aad u Ogsoon yahay kan hanuunsan

31Oo Allaah baa iska leh waxaa jira samooyinka iyo waxa jira arlada, si uu uga abaal marsho kuwa fala xumaanta waxa ay falaan, iyo (inuu) ugu abaal gudo kuwa fala samaanta waxa wax u wanaagsan

32Kuwa ka fogaada dambiyada waaweyn iyo foolxumooyinka, waxaan ahayn waxa ku soo dhaca maanankooda, _hubaal, Rabbigaa waa mid leh dambi dhaaf ballaaran. Wuxuu idiin yaqaan si fiican, markuu idinka abuuray dhulka iyo markaadba ku tihiin jiif uurarka hooyooyinkiin, ee ha ku ammaanina daahirnimo nafahiinna, wuxuu u Og yahay si fiican kan ka dhowrsada (xumaha)

33Ee ma aragtay haddaba kan isagu jeediya dhabarkiisa

34Oo bixiya wax yar7, oo misna ma suuga

35Ma wuxuu hayaa cilmiga waxa aan muuqan, oo isagu arkaa

36Mise waan loo sheegin wixii ku yiil waraaqahii Muuse

37Iyo Ibraahiim ee oofiyey (amarradii Ilaahay)

38Inuusan qof culaab xambaarsan (denbi) uu qaadi doonin culaabta (denbiga) qof kale

39Iyo inuusan aadmigu mudanin waxaan aheyn waxa uu ku dadaalo

40Iyo in dadaalkiisa durba la arki doono

41Markaas looga abaal marin doono si dhan abaalmarin kaamil ah

42Iyo in xagga Rabbigaa uu yahay halka arrin kasta loo celiyo

43Iyo inuu Isagu yahay Kan ka qosliya (dadka) oo ka oohiya

44Iyo inuu Isagu (Alle) yahay Kan sababa dhimashada oo bixiya nolol

45Iyo inuu Isagu abuuray lammaanka, labka iyo dheddigga

46Ka abuuray mino nool marka la shubo

47Iyo inay Isaga (Alle) saaran tahay soo celinta kale

48Iyo inuu Isagu (Alle) yahay Kan hodmiya (qofka) ama Ka dhiga sabool

49Iyo inuu Isagu (Alle) yahay Rabbiga xiddiga Shicra

50Iyo inuu rogay (reer) Caadkii hore

51Iyo Thamuudba, waxna kama reebin

52Iyo qolodii Nuux awal hore; hubaal waxay ahaayeen kuwo gardarro iyo qooq badan

53Iyo magaalooyinkii la dabageddiyey uu soo riday

54Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay

55Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodi doontaan oo ka shaki qabtaan

56Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore

57Dhacdada dhow (Qiyaamaha) intaas way soo dhowaataa

58Ma jiri doono Allaah ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda)

59Ee ma waxaad haddaba la yaabban tihiin warkani

60Oo ku qosli oo aydaan ooyeyn

61Idinkoo iska haasaawaya

62Ee u sujuuda Allaah, oo caabuda

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath