Islaamka
dib

52. At-Tur

1Waxaan ku dhaartay Buurta (Siinaay)

2Iyo Kitaabka qoran

3Ee indhalka ku fidsan

4Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto

5Iyo saqafka la kor yeelay (samada)

6Iyo badda lagu huriyey (dabka ama soo fatahda)

7Hubaal, Cadaabta Rabbigaa waa wax dhici doona oo sugan

8Ma jiro wax celin doona

9Maalinta marka uu cirku hadba dhinac u wareegi doono

10Oo buuruhu socon doonaan socosho (yaab) leh

11Ee hoog waxaa leh Maalintaas kuwa (Xaqa) diida

12Kuwa iska cayaara ee dhex gala xumaanta

13Maalinta loogu tuuri doono Naarta si daran oo xoog leh

14Tani waa Naartii aad beenin jirteen

15Ee ma sixir baa haddaba, mise idinku ma aragtaan

16Gala si aad ugu gubataan, markaa ku sabra ama ha ku sabrina - waa isugu kiin wada mid, Waxaa uun laydinka goyn waxaad fali jirteen

17Hubaal, kuwa ka dhowrsada xumaha waxay dhex ahaan beero iyo barwaaqo

18Iyagoo ku raaxeysan waxa uu siiyey Rabbigood, oo Rabbigood Wuxuu ka badbaadshay cadaabta Naarta ololeysa

19(Waxaa lagu odhan) Cuna oo cabba si bogaadin leh. Waa abaalka waxaad fali jirteen

20Waxay ku jiqleysan doonaan sariiro heer sare ahoo la safay. Oo waxaanu u guurin dumar leh indho waasic ahoo (qurux badan)

21Oo (ma xagga) kuwa rumeysan oo ay durriyadoodu ku raacdo Iimaanka,_ waxaanu isu wada keeni doonnaa durriyadooda, oo waxna kama dhimi doonno camalkooda. Qof walbaa wuxuu mas’uul ka yahay waxa uu kasbado

22Oo waxaan siin khudrad iyo hilib, kay rabaan

23Waxay isu dhiib-dhiibi doonaan galaas (khamro xalaal) ah aan lahaan doonin wax ah laqwi iyo dambi midkoodna

24Oo waxaa hareera socon doona wiilal yar yar ay leeyihiin, la moodo luul la dhowray

25Oo qaarkood waxay qaabili doonaan qaar kale iyagoo is-wareysan

26Waxay odhan: Waxaan ka hor ahayn kuwo ehelkayaga dhexdooda ka cabsada (cadho gelinta Ilaahay)

27Allaah baase noo nicmeeyey, oo naga dhowray cadaabta hanfiga kulul

28Hubaal Waxaan innagu awal hore baryi jirnay Isagoo (Keliya). Hubaal, waa Isaga Baarriga , Naxariista Badan

29Ee waani (Muxammadow), Waayo adigu ma tihid waa igu Nicmadda Rabbigaa, faallalow iyo ku waalan midna

30Mise waxay leeyihiin waa gabyaa, aan la sugno musiibad waqtiga la iman

31Dheh: Suga! Aniguna sidoo kale hubaal waxaan ka mid ahay kuwa wax suga

32Ma caqliyadooda baa ku amra sidan mise waa qolo qooqan

33Mise waxay leeyihiin: Waa been abuurtay? Mayee! Ma rumeysna

34Ee ha keenaan war la mid ahi haddii ay yihiin run sheegayaal

35Mise ma waxaa laga abuuray cid la', mise iyagaa ah abuurayashaa

36Mise ma waxay abuureen samooyinka iyo arlada? Mayee, ma yaqiinsana

37Mise ma waxay hayaan khasnadaha Rabbigaa? Mise waxaa la siiyey awood dhan

38Mise ma waxay leeyihiin sallaanno ay wax ku dhegaystaan; ee ha la yimaado dhegaystahoodu xujo cad

39Mise ma wuxuu leeyahay gabdho halka idinku leedihiin wiilal

40Mise ma waxaad adigu weydiisataa abaalgud, sidaa awgeed deyn la culaabeysan yihiin

41Mise ma waxay hayaan waxa qarsoon aan muuqan ee iyagu qoraan

42Mise ma waxay kula maaggan yihin dabin, kuwase gaalooba waa iyaga kuwa ku jaba dabinkooda

43Mise ma waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Allaah? Xurmoo dhan waxaa iska leh Allaah oo ka nazahan waxa ay la wadaajiyaan (cibaadada)

44Oo haddii ay arki lahaayeen gabal cirka ka mid ah oo soo dhacaya7. waxay odhan lahaayeen: Waa daruur is dul saaran

45Ee iskaga tag inta ay la kulmaan Maalintooda ee laga yeeli doono inay la suuxaan (qarracan)

46Maalinta uusan dabinkoodu waxba u tari doonin oo aan loo gargaari doonin

47Oo hubaal waxay kuwaa ah gar ma qaatayaasha la kulmi doonaan cadaab taa ka sokow (adduunka gudahi8) laakiinse badankoodu ma ay ogsoona

48Ee u sug si samir leh xukunka Rabbigaa, waxaad hubaal tahay indhahayaga hortood, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa marka aad soo kacdoba

49Oo habeenkana huf oo xurmo weynee, iyo marka ay xiddiguhu dhacaanba

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath