51. Adh-Dhaariyaat
1Waxaan ku dhaartay (dabeylaha) ku fida meel fog oo ballaaran
2Haddana (duruurahaa) xambaarsan culayska (roobka)
3Haddana (doon)yahaa sida fudud u socda
4Haddana kuwaa (malaa’igta) ku qaybiya (risiqa, roobka, iwm) Amarkeenna
5Waxa la idiinku gooddiyey hubaal waa xaqiiq dhab ah
6Oo xaqiiq abaal marintu waa la hubaa inay dhaceyso
7Waxaan ku dhaartay samada waddooyinka badan leh
8Hubaal waxaad idinku kaga sugan tihiin hadal kala duwan
9Waxaa laga duwaa kan isaga iska duwa
10Nacladi ha ku dhacdo beenalayaasha
11Kuwa ku sugan guluf (colaadeed) ee iyagu maahsan
12Waxay weydiiyaan: Waa goorma Maalinta Abaal marintu
13Waa Maalin Naarta lagu jarribi doono
14Dhadhamiya caddibiddiina. Kanu waa waxaad degdegsanayseen
15Hubaal, Kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan doonaan Beero iyo ilo
16Iyagoo qaadanaya waxa uu Rabbigood siiyey. Hubaal waxay ahaayeen ka hor (arrin)kaasi sama falayaal
17Waxay seexan jireen in yar habeenkii
18Oo waqtiyada suxuurta waxay weydiisanayeen dambi dhaaf
19Oo maalkooda waxaa ahaa qayb uu ku leeyahay weydiistaha iyo kaan wax heysan
20Oo dhulka waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa leh yaqiin
21Iyo nafahiinna (sidoo kale), ee mawaydaan haddaba arkeyn
22Oo samada bay jirtaa risiqiinna iyo waxa la idiin yaboohay
23Ee waa igu Rabbiga samada iyo arlada, waa la hubaayoo Xaq weeye, sida aad u hadashaanba
24Ma kuu yimid warka martidii Ibraahiim ee sharafta lahayd
25Waa tii ay u soo galeen, oo yidhaahdeen: waa nabad, wuxuu yidhi: nabad. (waxaad tihiin) qolo aan la garaneyn
26Markaasuu u laabtay dhinac xagga reerkiisii oo keenay dibi buuran oo shiilan
27Oo u soo dhoweeyey (isagoo leh): Mawaydaan cunayn
28Markaas baa waxaa ka galay dareen cabsi ah. Waxay yidhaahdeen: Ha cabsan, oo waxay ugu bishaareeyeen wiil aqoon leh
29Markaas bay soo aadday haweeneydiisii iyadoo yaabban, oo iska dharbaaxday wejigeeda, oo tidhi: Ma habar ma dhasho ah oo duqowday
30Waxay yidhaahdeen: Sidaas buu leeyahay Rabbigaa. Hubaal, waa Isaga Xakiimka ,Wax kasta Ogaha ah
31Wuxuu yidhi: Muxuu haddaba xaalkiinnu yahay kuwayahow la soo diray
32Waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaa naloo soo diray qolo dambiilayaal ah
33Si aan ugu soo dirno korkooda dhagaxyo dhoobo ah
34Looga soo calaameeyey xagga Rabbigaa xadgudbayaasha
35Markaas baan ka soo bixinnay halkaa wixii ku jiray ee mu’miniin ah
36Kamase aanu helin gudaheeda wax aan aheyn hal guri oo muslimiin ah
37Oo waxaan uga tagnay halkaa Calaamo5 kuwa ka cabsada cadaabta xanuunka badan
38Oo Muuse (calaamad baa ku sugan), markaan u dirnay Fircoon isagoo wata Xujo Cad
39Wuuse jeestay isagoo ay la jiraan ciidammadiisii oo yidhi: Waa saaxir ama nin waalan
40Markaas baan qabannay isaga iyo askartiisiiba oo xoog ugu tuurnay badda isagoo eedeysan
41Oo Caad (waxaa ku sugan calaamo), markaan ku dirnay dabayl wax halaagta
42Wax kama tegin ay ku timid inay ka dhigtay maahee digada oo kale
43Oo Thamuud (calaamaa ku sugan), markii lagu yidhi: Raaxeysta in muddo yar ah
44Waxayse ka madax adeygeen Amarka Rabbigood, markaasaa waxaa qabtay danab xoog leh iyagoo arkayey
45Sidaa darteed waa awoodi waayeen inay soo kacaan, isumana gargaari karin
46Oo qolodii Nuux iyaga hortood (waxaa ku sugan calaamo), hubaal waxay ahaayeen qolo caasiyaal ah
47Oo samada waxaan ku dhisnay awood Oo hubaal waa Annaga kuwa waasiciya
48Oo arlada Waxaanu ka yeellay gogol fidsan, Ee fiicanaa haddaba diyaariyuhu
49Oo wax walba Waxaan ka abuurnay lammaan, si aad u waano qaadataan
50Ee u carara xagga7 Allaah, hubaal waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa
51Oo ha u yeelina Allaah, Ilaah kale oo la dhig ah. Hubaal Waxaan idiin ahay diga cad ka yimid Xaggiisa
52Waa sidaase, ma jiro Rasuul u yimid kuwii iyaga ka horreeyey oo aysan odhan: waa Saaxir, ama nin waalan
53Miyey iskula dardaarmeen arrintani8? Mayee’ waa qolo xadgudub badan
54Ee iskaga jeeso iyaga, kaama saarna eed
55Oo wad waanada waxay runtii waanadu anfacdaa mu’miniinta
56Oo uma aanu abuurin Jinka iyo insiga waxaan ahayn inay i caabudaan
57Kama doonayo wax risiq ah oo kama doonayo inay i quudiyaan
58Hubaal, waa Allaah Irsaaqaha, Rabbiga iska leh Awoodda sare, Xoog Badnaha ah
59Oo hubaal kuwa gar ma qaatayaasha ah waxay la kulmi doonaan saami la mid ah saamigii asxaabtood, ee waxba yey dalbin in aan u soo dedejiyo
60Ee hoog waxaa leh kuwa xaqa diida, kaasoo kaga iman doona Maalintoodaasi loogu gooddiyey
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath