Islaamka
dib

50. Qaaf

1Qaaf;2 Waxaan ku dhaartay Qur’aanka Sharafka Badan

2Bal, waxay la yaabban yihiin inuu u yimid dige ka mid ahi iyaga. Oo gaaladu waxay yidhaahdaan: Kanu waa wax la yaab leh

3Ma markaan dhimanno oo aan noqonno ciid? Taasu waa soo Noqosho Fog

4Waxaan ognahay dhab ahaan waxa uu dhulku ka dhimo iyaga, oo agtannada wa- xaa ah Kitaab wax walba kooba oo xafidan

5Bal waxay beeniyeen Xaqa markii uu u yimid, waxay haddaba ku jiraan xaalad murugsan

6Mawaysan haddaba fiirin samada korkooda ah, sida aan u dhisnay oo u qurxinnay, oo ma laha wax duleello ah

7Oo dhulka Waxaanu ka yeellay mid fidsan, oo ku sugnay buuro, oo waxaan ka yeelany inay ka soo dhex baxaan dhir qurxoon oo cayn walba leh

8Oo tusmo iyo waano u ah addoon kasta oo badiya u soo laabashada (Ilaahay)

9Oo Waxaan ka soo dejinnaa daruurta biyo khayr badan, oo ku soo saarnaa beero iyo baad

10Iyo geedo timireed dhaadheer oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran

11Risiq ay leeyihiin addoomaha. Oo waxaan ku nooleynaa dhul dhintay. Sidaas oo kale bay ahaan doontaa soo bixintu

12Qolodii Nuux baa beeniyey hortood iyaga4, iyo qoladii ceelka iyo Thamuud

13Iyo Caad iyo Fircoon iyo Luud walaalihi

14Iyo reer hawdkii iyo qolodii Tubbac; dhammaan waxay beeniyeen Rususha, waxaana ku dhacay gooddigeyga

15Ma Waxaan ku daalnay abuuristii hore? Mayee, waxay ka shakisan yihiin abuuris cusub

16Oo dhab ahaan waxaan abuurnay aadmiga, oo waa ognahay waxa ay naftiisu kula hadasho. Oo waxaan uga dhownahay xididka dhuunta

17Marka ay labada xilqaade (malaa’igta wax qoreysa) qaadaan xilkooda, iyagoo kala fadhiya dhinaca midig, iyo dhinaca bidix

18Ma jiro eray (aadmiga) ka soo baxa, oo uusan ag joogin ilaaliye u diyaar ah (inuu qoro)

19Oo waxay ku iman doontaa sakaraadka mowdka xaq: kaasi waa waxaad ka meermeereysey

20Oo Buunkaa la afuufi _ taasu waa Maalintii laysu yaboohay

21Oo naf walbaa waxay iman doontaa iyadoo uu la socdo mid hoggaaminaya, iyo mid ku markhaati furaya

22Xaqiiq waad ka dhoohnayd arrinkan, haatanse kaa qaadnay daboolkaagii, marka araggaagu maanta waa xoog badan yahay

23Oo rafiiqiisu wuxuu odhan: Kani waa waxa agteyda ku diyaarka ah

24Ku tuura Naar gaal kastoo xaq diiddo ku madax adeegay

25Khayr diide,xadgudbe, shaki qabeen ah

26Ee la mid dhigay Allaah, ilaah kale, ee ku tuura cadaab daran

27Rafiiqiisii wuxuu odhan: Rabbigayow! Anigu ma aanan u horseedin xadgudub, laakiinse isagaa naf ahaantiisa ku sugnaa habow aad u fog

28Wuxuu odhan: Ha ku doodina Hortayda, oo dhab ahaan waxaan horay idiinku soo diray gooddiga

29Hadalka iga soo fulaa ma aha mid la beddelo, Oo Anigu ma ahi mid ku gardarrooda Addoomaha

30Maalinta aan ku odhan Naarta: Ma buuxsantay? Oo waxay odhan: Ma jiraan wax dheeraad ah oo la soo wado

31Oo Jannada waxaa loo soo dhoweyn kuwa ka dhowrsada xumaha, iyadoo aan fogeynba

32Kani waa waxa la idin ballan qaaday, Waxaa iska leh mid walboo u soo laabasho badiya (Allaah), dhowra xuduuddiisa

33Kan ka cabsada Raxmaanka (Allaah) sir (iyo saaqba) oo la yimaada qalbi toobad keen badan

34Ku gala nabad (Jannada); taasi waa Maalinta waaridda

35Waxay ku leeyihiin gudaheeda wixii ay doonaan,_oo waxaan u heynaa weliba wax intaa ka badan (Eegidda Wejiga Ilaahay)

36Oo badanaa inta fac aan rognay iyaga hortood, kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan oo dhulalka xulay. Ee ma jirtaa meel la magan galo

37Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan waano kan qalbi leh ama maqalka raariciya isagoo baraarugsan

38Oo dhab ahaan Waxaan ku abuurnay samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood oo nama soo gaarin wax daal ah

39Ee u samir yeelo waxa ay leeyihiin, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor inta aanay dhicin

40Oo habeenka in ka mid ah ku tasbiixso Ammaanahiisa iyo salaadaha ka dambow

41Oo Dhageyso Maalinta marka uu dhawaaquhu ka dhawaaqi doono meel dhow

42Maalinta ay maqli doonaan qaylo si Xaq ah, taasu waa Maalinta soo bixinta

43Hubaal Waxaanu bixinnaa nolol oo sababnaa dhimasho; oo waa Xaggayaga halka loo soo laabmi

44Maalinta uu dhulku ka dillaaci doono gaballo hoostooda, markaasay dhaqso ku soo bixi doonaan, kaasu waa soo kulmin noo fudud

45Annaga baa aad u ogsoon waxa ay leeyihiin; oo adigu ma ahid mid qasab ku leh. Ee ku waani Qur’aanka, kan ka cabsada Gooddigayga

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath