Islaamka
dib

48. Al-Faat

1Hubaal Waxaanu ku siinnay (Muxammadow) furasho caddaan ah

2Si uu Allaah kaaga dhaafo wixii horay kaaga dhacay oo dambi ah, iyo waxa dib kaaga dhici kara, oo kuugu dhammaystiro Nicmaddiisa, oo kuugu hanuuniyo Tub Toosan

3Iyo inuu Allaah kugu taageero guul aad u weyn

4Isaga weeye Kan ku soo dejiyey xasillooni quluubta mu’miniinta, si ay iimaan ugu siyaadsadaan iimaankooda; Oo Allaah baa iska leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah

5Si uu u geliyo mu’miniinta iyo mu’minoo- yinka beero ay webiyo hoos qul-qulaan iyagoo ku waaraya dhexdeeda, oo uga tirtiro xume falkooda, oo (arrin)kaasi Allaah agtiis waa Liibaan aad u Weyn

6Iyo si uu u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka ee ku maleeya malaha xun Allaah, korkooda waxaa ah xumaanta wareegta, oo Cadho Allay qabaan, oo waa uu nacladay, wuxuuna u diyaariyey Naar iyaga,_oo iyadaa u xun aayotiin ahaan

7Oo Allaah baa leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

8Hubaal Waxaanu kuu soo dirnay inaad ahaato markhaati, iyo bishaareeye iyo digeba

9Si aad idinku u rumeysaan Allaah iyo Rasuulkiisa oo ugu gargaartaan oo aad u qaddarisaan, iyo inaad xurmo weyneysaan oo nazahdaan (Alle) subax iyo galabba

10Hubaal kuwa kugula gala wacad hiilka Waxay uun Wacad la sameyn Allaah. Gacanta Ilaahay baa ka kor ah gacmahooda2. Ee mid kastoo ka baxaa wacadkiisa. wuxuu uun uga baxayaa oo ay u daran tahay naftiisa, oo mid kastoo oofiya waxa uu kula galay Allaah ballanka, Wuxuu siin doonaa Ajar aad u Weyn

11Kuwaa ka mid ah reer miyiga Carbeed ee gadaal looga soo tagay waxay kugu odhan doonaan: Maalkayaga iyo ehelkayaga baa na shuqliyey, ee noo dambi dhaaf dalab. Waxay ka yidhaahdaan carrabyadooda waxaan ku jirin quluubtooda. Dheh:Yaa haddaba leh wax awood ah (oo idinka celin kara) Allaah. Haddii uu Allaah idin la doono dhib ama idin la doono dheef? Balse Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

12Mayee’ bal waxaad u maleyseen in Rasuulka iyo mu’miniintu aysan u soo noqoneyn ehelkooda weligood, oo sidaas baa loo qurxiyey quluubtiinna, oo waxaad maleyseen male xun, oo waxaad aheydeen qolo loo qoray halaag

13Oo mid kastoo aan rumeyn Allaah iyo Rasuulkiisa, haddaba hubaal Waxaanu u diyaarinnay gaalada dab huraya

14Oo Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arladaba, wuxuu u dambi dhaafaa kii uu doono, oo ciqaabaa kii uu doono, Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

15Kuwaa dib looga soo tagay waxay odhan doonaan marka aad u baxeysaan si aad u soo qaadataan qaniimooyinka: Noo oggolaada inaan idin raacno. Waxay doonayaan inay beddelaan Hadalka Ilaahay. Dheh: Marnaba nama raaci doontaan. Sidaas buu Allaah horay u yidhi. Markaa waxay odhan doonaan: Mayee’ xaasid baad nagu tihiin. Maahee, ma fahmaan waxaan in yar ahayn

16Ku dheh kuwa reer miyiga Carbeed ah ee dib looga soo tagay: Waxaa dhowaan la idiinku yeedhi doonaa qolo dagaal aqoon daran leh, waa inaad la dirirtaan intay iska dhiibaan4, ee haddii aad adeecdaan Allaah Wuxuu idin siin doonaa abaalgud fiican, haddiise aad dhabarka jeedisaan sidii aad horeyba ugu jeediseen dhabarka, Wuxuu idinku ciqaabi doonaa cadaab xanuun badan

17Ma saarna eed indhoolaha, mana saarna wax eed ahi naafada, oo ma saarna eed bukaanka (haddii aanay u bixin Jihaadka Jidka ilaahay). Oo mid kastoo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa Wuxuu gelin doonaa beero ay webiyo hoos qul-qulaan, oo mid kastoo jeediya dhabarka. Wuxuu cadaabi doonaa cadaab xanuun badan

18Dhab ahaan Allaah wuxuu ahaa mid ka raalli ah mu’miniinta markay wacad hiillin ay kugula galeen geedka hoostiisa, oo wuxuu ogaa waxa ku jiray quluubtooda, markaasuu ku soo dejiyey xasilloooni korkooda, oo ku abaal mariyey guul dhow

19Iyo qaniimooyin badan oo ay qaadan, Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

20Allaah wuxuu idiin ballan qaaday qaniimooyin badan aad qaadan doontaan, markaasuu wuxuu idiin soo dedejiyey middatan (qaniimada Khaybar), oo idinka celiyey gacmihii dadka, iyo inay u ahaato calaamo mu’miniinta, oo idinku hanuuniyo Tub Toosan

21Iyo (guulo) kale oo aydaan weli awood u yeelan inaad gaadhaan6, Allaah baa dhab ahaan koobay. Oo Allaah wax walba wuu Karaa

22Oo haddii ay kuwa aan (xaqa) rumeysnayn idinla diriraan, waxay hubaal jeedin lahaayeen dhabarra(dooda) markaas ma ay heli lahayn wax gacal ah iyo gargaare midna

23Sidaas bay soo ahaan jirey Hannaanka Ilaahay ee dhab ahaan uga dhex jirey kuwii horay u tegay. Oo kama heli doontid wax isbeddel ah Hannaanka Ilaahay

24Oo Isaga weeye Kan idinka celiyey gac- mahooda, iyo gacmahiinna iyaga togga Makka agti, kaddib markuu idin siiyey guusha oo aad ka adkaateen (kuwii idiin galay cimilka markaad u socoteen Makkah ). Oo Alle waa Arkaha waxa aad fashaan

25Waa iyaga (mushrikiinta Quraysh) kuwa gaaloobay oo idinka celiyey Al-Masjid Al-Xaraam oo (ka xayiray) hadyiga inuu gaaro meeshiisa gawraca7. Oo haddii aysan jireen rag mu’miniin ah iyo haween mu’minooyin ah oo aydaan ogaan, oo laga yaabo in aad wax yeeshaan, taasoo dambi idinka soo gaarayo iyo mashaqo ogaal la’aan darteed (Allaah waa uu idiin fasaxi lahaa); waa si uu Allaah u sababo inuu geliyo Naxariistiisa cidduu doono_, haddii iyagu (mu’miniinta iyo gaalada) kala soocmi lahaayeen, waxaan hubaal cadaabi laheyn kuwooda ka mid ah ee gaaloobay cadaab xanuun badan

26Waa tii uu Allaah ku dhigay kuwa gaaloobay quluubtooda ficilo_ ficiladii waqtigii jaahiliyada,_ Wuxuuse Allaah ku soo dejiyey xasilloonidiisa Rasuulkiisa iyo mu’miniinta, oo ka yeelay kuwo ku sugnaada Ereyga dhowrsashada8, oo waxay ahaayeen kuwo mudan oo ehelkeed ah. Oo Allaah wax walba waa Og yahay

27Dhab ahaan Allaah wuxuu ku tusay Rasuulkiisa riyada xaq, waxaad hubaal gali doontaan Masjidka Xaramka haddii Allaah idmo idinkoo aamin ah9, (qaar) timaha ay xiidhan, oo (qaar kale) ay gaabsan idinkoo aan cabsi qabin, Wuxuuse Og yahay wax aydaan idinku ogeyn, markaasuu (gelitaanka Makka) ka sokow keenay furasho dhow (Heshiikii Xudaybyah)

28Isaga weeye Kan la soo diray Rasuulkiisa Hanuun iyo Diin Xaqa ah, si uu uga sare mariyo diimaha oo dhan. Oo Allaah ku filan Markhaati uu ahaado

29Muxammad waa Rasuulka Ilaahay, kuwa la jirana waa qalbi sugan yihiin lidka gaalada, isu naxariis badan yihiin dhexdooda; waxaad arki doontaa iyagoo Rukuucsan, sujuudsan, dalbaya deeqda Ilaahay (iyo) Raallinimo(diisa). Astaamahooda waxay ka muuqdaan wejiyadooda raadka sujuuddooda darteed; Taasi waa tilmaantooda ku taal Towraadda. Oo tilmaantooda ku taal Injiilka waa sida (abuur) la beeray la soo kacda madaxeeda, markaas yeelata xoog, oo noqota gahayr, oo ku istaagta iyadoo toosan salkeeda, iyadoo farax gelineysa beeroleyda_ si uu Isagu ugu ciilo gaalada. Allaah wuxuu u ballan qaaday kuwooda ka mid ah ee rumeysan oo samaha fala Dambi Dhaaf iyo Abaal gud aad u Weyn

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath