Islaamka
dib

47. Maxamed

1(Ma xagga) Kuwa xaqa diida oo ka weecda Jidka Ilaahay. Wuxuu ka dhigi acmaashooda waxaan raad lahayn

2Oo (ma xagga) kuwa rumeysan oo fala samaha, oo rumeysan waxa lagu soo dejiyey Muxammad oo ah Xaq ka yimid Rabbigood, wuu ka tiritiri xumahay faleen, oo hagaajin xaalkooda

3Sidaas waxaa ugu wacan kuwaa xaqa diida waxay raacaan been aan jirin, halka kuwa rumeysan ay raacaan Xaqa ka yimid Rabbigood. Sidaas buu Allaah ugu soo tusaale qaadaa dadka

4Ee marka aad kula kulantaan dagaal kuwaa gaalada (ee duullaanka) ah ka garaaca luqumaha; jeer markaa aad ka adkaataan, markaa (qabta oo) ku adkeeya xarigga maxaabiis ahaan, oo intaa kaddib iska sii daaya axsaan fala5 ahaan ama ha is furtaan jeer ay car-carta dagaalku degto (oo nabadda la doorto). Waa sidaase, oo haddii Allaah doono, Isaga Naf ahantiisa baa hubaal ka cad goosan lahaa, laakiinse waa si uu ugu imtixaano qaarkiinba qaar kale6 Oo (ma xagga) kuwa lagu dilaa Jidka Ilaahay Marnaba ma lumin doono camalladooda

5Waa uu hanuunin doonaa oo hagaajin xaalkooda

6Oo ka yeeli inay galaan janno uu uga yeelay wax ay yaqaanaan

7Kuwiinaan idinku rumeysanow! Haddii aad u gargaartaan (arrinka) Ilaahay, Wuu idiin gargaari oo idiin sugi cagahiinna

8Oo (ma xagga) kuwa xaqa diida, mudankood waa balo iyo baabba’a, oo Wuxuu ka yeeli camalladooda wax ba’ay

9Waxaa sidaas ugu wacan waxay naceen waxa uu Allaah soo dejiyey, markaasuu ka yeelay acmaashooda waxaan waxba ka jirin

10Ma waysan ku socdaalin arlada oo fiirin sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Allaah baa ku keenay baabba7’ dhan oo gaaladu waxay la kulmi doonaan isla aayahaas oo kale

11Sidaas waxaa ku wacan Allaah waa gargaaraha kuwa rumeysan, oo maxaa yeelay gaaladu uma sugnaan wax gargaare ah

12Hubaal Allaah wuxuu ka yeeli kuwa rumeysan oo fala samaha inay galaan beero ay hoos qul-qulaan wabiyo, oo kuwa gaalada ahi way iska raaxeystaan oo wax u cunaan sida xoolahu wax u cunaan, oo Naartu waa hoygooda

13Oo badanaa inta magaalo ka xoog ba- dan magaaladaada ku soo saartay, aan ha- laagnay,marka ma jirin wax u soo gargaara

14Ma mid xujo cad ka haysta Rabbigi, baa la mid ah ku camalkiisa xun loo qurxiyey, oo raaca hawadooda

15Tilmaanta Jannada loo ballan qaaday kuwa ka dhowrsada (xumaha) waa mid gudaheeda ay yihiin webiyo biyo ah oo aan isbeddelin8, iyo webiyo caano ah oo uusan dhadhankoodu marnaba doorsoomin, iyo webiyaal khamro ah oo u macaan kuwa cabba, iyo webiyaal malab ah la saafi yeelay; oo waxay ku leeyihiin gudaheeda midho nooc kasta iyo astur xagga Rabbigood, (kuwani) ma la mid baa kuwaa ku waaraya Naarta, oo laga waraabin biyo karaya markaas googaysa xiidmahooda

16Oo waxaa jira kuwaa ka midka ah iyaga ee ku dhegaysta, jeer marka ay ka baxaan agtaada, waxay ku yidhaahdaan kuwaa la siiyey cilmiga9: Maxay ahayd waxa uu sheegayey goor dhoweyd? Kuwan waa kuwa Allaah daboolay quluubtooda, oo waxay raacaan waxa liita ay nafahoodu rabaan

17Oo (ma xagga) Kuwa hanuunsan, wuxuu u kordhiyaa hanuun, oo uu ku galladeystaa khayr uu waafajiyo iyo shar uu ka fogeeyo

18Ee ma waxay haddaba sugaan waxaan ahayn Saacadda inay ugu timaaddo kedo? Haatan dhab ahaan calaamooyinkeedii baa durbaba yimid, ee sidee bayse u waantoobi, markay saacaddu ku dul dhacdo

19Ee aqoon san u lahow inuusan jirin Ilaah aan aheyn Allaah, oo u weydiiso astur damigaaga iyo (dambiga) mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Oo Allaah wuu Ogsoon yahay socsocodkiinna iyo negaantiinnaba

20Oo kuwa (Xaqa) rumeysan waxay yidhaahdaan: Maxaa Suurad loo soo dejin waayey? Markase la soo dejiyo Suurad cad yahay amarkeedu oo dagaal gal lagu xuso10, waxaad aragtaa kuwa uu qalbigoodu ku jiro cudur (nifaaq) oo kugu soo fiiriya fiiro ruux sakaraatul mowd hayo oo kale. Ee belo ha ku dhacdo haddaba

21Daacadnimo iyo horaarsan (baa la gudbooneyd). Markase arrinka la go’aamiyo markaa haddii ay ku sugnaadaan u run sheegidda Allaah baa hubaal u khayr roonaan lahayd

22Mase haddii aad qabataan11 xil, malaha waxaad fasahaadin lahaydeen arlada, oo aad goyn lahaydeen xidhiidhka qaraabadiinna

23Kuwaasi weeye kuwa uu Allaah nacladay, markaasuu ka yeelay dhego la’aan oo cameeyey indhahooda

24Ee mawaysan haddaba u dhug yeelan Qur’aanka mise qufulaa ku xidhan quluubtooda

25Hubaal, (ma xagga) kuwa jeediya dhabarradooda kaddib marka hanuunka u caddaaday, shaydaan baa uga yeela arrin sahlan , oo rajo geliya

26Sidaasi waxaa ugu wacan waxay ku yidhaahdaan kuwa naca waxa Allaah soo waxyooday12: Waxaynu idinku adeeci doonnaa qaar ka mid ah arrinka; Oo Allaah wuu Ogsoon yahay sirahooda

27Sidee bayse ahaan, marka ay malaa’ig- tu qaadayso nafahooda iyagoo garaacaya wejiyadooda iyo dhabarradooda

28Sidaasi waxaa ugu wacan waxay raacaan waxa Allaah ka cadheysiiya, oo nacaan waxa raalli geliya. Markaasuu buriyey acmaashooda

29Mise ma waxay kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur moodaan inuusan Allaah soo saari doonin xumaanta laabaha kaga jira

30Oo haddii aan doonno, waan ku tusi laheyn iyaga, oo waxaad hubaal ku garan lahayd astaamahooda; oo hubaal waxaad ku garan kartaa hadalkooda leexsan. Oo Allaah wuu Og yahay camalladiinna

31Oo hubaal waanu idin imtixaani jeer aan muujinno kuwa idinka mid ah ee aad ugu dadaala(Arrinka Ilaahay) iyo samrayaa- sha, oo waanu muujin arrimahiinna

32Hubaal kuwa gaalooba oo ka weecda jidka Ilaahay oo khilaafa Rasuulka, kaddib marka uu u caddaaday hanuunka, waxna ma yeeli karaan Allaah, wuuna burin doonaa acmaashooda

33Kuwiinna idinku rumeysanow! Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka oo ha burinnina acmaashiinna

34Hubaal kuwa gaalooba oo ka weecda Jidka Ilaahay kaddibna dhinta iyagoo gaalo ah, Allaah sinnaba uguma dambi dhaafo

35Ee ha tabar darraanina, si aad markaas heshiis u dalabtaan, oo idinkaa iska leh gacanta sare, oo Allaah baa idin la jira, oo marnabana ma nusqaamin doono acmaashiinna

36Nolosha adduunkan wax kale ma’ahee waa ciyaar iyo madaddaalo, oo haddii aad (Xaqa) rumeysaan, oo aad iska jirtaan (xumaha), Wuxuu idin siin abaalkiinna, oo idinma weydiisan doono maalkiinna

37Haddii uu idin weydiisan lahaa oo idinku adkeeyo waa bakhayli laheydeen lexejecli darteed, oo wuxuu debedda u soo saari lahaa xumahiinna

38Eega! Waa idinka kuwa loogu yeedho inaad wax ku bixisaan Arrinka Ilaahay, waxaase idinku jira kuwo ah bakhayllo, oo mid kastoo bakhayl ah wuxuu uun ka bakhaylayaa naftiisa. Oo Allaah waa Iskufilan Deeqtoon, oo idinkaa ah sabool u baahan (Isaga). Oo haddii aad jeesataan Wuxuu keeni halkiinna qolo kale, markaas ma noqon doonaan kuwo idinkoo kale ah

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath