Islaamka
dib

45. Al-Jaathiya

1Xaa Miim

2Soo waxyoodka Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Allaah, Adkaadaha, Xakiimka

3Hubaal Waxaa samooyinka iyo arlada ugu sugan xaqiiq calaamooyin mu’miniinta

4Iyo abuuristiinnaba iyo waxa uu ku firdhiyo (dhulka) oo nafley socota ah waxaa ugu sugan calaamooyin qolodii wax yaqiinsanaysa

5Iyo isdhaafka habeenka iyo maalinta iyo waxa uu Allaah ka soo dejiyo daruurta oo risiq ah, markaas uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, iyo isbeddelka dabaylaha waxaa ugu sugan calaamooyin qolo wax fahanta

6Kuwakani waa Aayadaha Ilaahay oo aan kuugu akhrinno si xaq ah, marka warkee bay bay rumaysanayaan kaddib Allaah iyo Aayadihiisa

7Hoog waxaa leh beenaale kastoo danbiile ah

8Ee maqla Aayadaha Ilaahay oo loo akhriyo, haddana ka dhega adayga isagoo islaweyn sida inaanu maqalba. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan

9Oo marka uu wax ka ogaado Aayadaha- yaga, wuxuu ka dhigtaa jees-jees. Kuwan weeye kuwa mudan cadaab dulleysa

10Waxaa ka dambeysa Naar, oo halkaa wax uma tari doonaan waxna ka mid ah waxa ay kasbadeen, iyo midna kuwaa ay ka dhigteen gacallo Allaah ka sokow, oo waxay mudan cadaab aad u murugo weyn

11Kani waa hanuun. Oo (ma xagga) kuwa rumeysan diida Aayadaha Rabbigood, wa- xay mudan cadaab xille oo xanuun badan

12Allaah waa Kan idiin sakhiray badda, si ay ugu socdaan Doonyuhu dhexdeeda amarkiisa, iyo si aad u raadsataan Deeqdiisa, bal inaad mahad naqdaan

13Oo Wuxuu idiin sakhiray wax kastoo ku sugan samooyinka iyo wax kastoo ku sugan arlada, dhammaan waa Gallad iyo Naxariis Xaggiisa ah. Hubaal Waxaa kani ugu sugan calaamooyin qolo fekerta

14Waxaad ku dhahdaa kuwa (Xaqa) rumeysan inay iska3 dhaafaan kuwa aan ka cabsi qabin Ayaamaha Ilaahay4, si uu ugu abaal mariyo qolo waxa ay kasbadeen

15Mid kastoo sama fala, naftiisay dan u tahay, oo mid kastoo xumaato fala, iyaday u daran tahay. Markaas waxaa dib la idiinku soo celin doonaa xagga Rabbigiin

16Oo xaqiiq Waxaanu siinnay ilmahii Israa’iil Kitaabka iyo Xukunka5 iyo Nabinnimada, oo waxaanu siinnay wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan, oo waxaan ka kor marinnay dadkii waqtigoodii

17Oo Waxaanu siinnay xujooyin cad oo arrimaha nolosha la xiriira, ismase khilaafin kaddib inta uu u yimid cilmiga maahee, xasad dhexdooda ah awgi. Hubaal Rabbigaa waa u kala garsoori doonaa dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxa ay isku khilaafeen

18Markaas waxaanu kuu yeelnay waddo cad oo amar (keenna) ah ee raac adigu, oo ha raacin waxa liita ay rabaan kuwa aan wax ogeyn

19Hubaal iyagu waxba kaagama tari doonaan xagga Ilaahay; oo hubaal gar ma qaatayaasha waa isu saaxiibbo qaarba qaarka kale Oo Allaah waa Gargaaraha iyo gacalka kuwa iska jira (xumaha)

20Kuwakani waa u xujooyin cad dadka, oo u ah hanuun iyo naxariis qolo yaqiinsan

21Mise ma waxay kuwa kasbaday xumaha moodaan inaan la mid dhigi doonno kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, oo noloshooda6 iyo geeridooda sinnaan doonaan? Xumaa sida ay u wax u xukumaan

22Oo Allaah wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada xaq iyo in naf waliba laga abaal mariyo waxa ay kasbatay iyagoo aan lagu gardarroon doonin

23Ee ma u fiirsatay midka ka yeesha hawadiisa ilaahiisa, oo Allaah u lumiyey ogaal oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, oo yeelay caad araggiisa. Yaa haddaba hanuunin kara Allaah kaddib? Ee Mawaydaan waansameyn

24Oo waxay yidhaahdaan: Ma jirto waxaan ahayn noloshayada adduunkan, waa iska noolaannaa7 oo dhimannaa oo nama halaagaan waxaan aheyn waayaha. umase laha (arrin)kaasi wax cilmi ah, way uun iska malo awaali

25Oo marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, dooddoodu ma aha wax kale aan aheyn inay yidhaahdaan: (Dib) Noogu keena aabbayaashayo (meytan) haddii aad run sheegaysaan

26Dheh: Allaah baa idin siiya nolol, haddana sababa inaad dhimataan, haddana wuxuu idiin soo kulmin doonaa Maalinta Qiyaamaha aan shakiga ku jirin, laakiinse dadka badankiisu ma oga

27Oo Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Oo Maalinta ay Saacaddu dhici doonto, Maalintaas bay khasaari doonaan kuwa sheega waxyaalo aan jirin oo been ah

28Oo waxaad arki doontaa ummad waliba iyagoo jilbo jabsan, ummad kasta waxaa loogu yeedhi Kitaabkeeda; Maanta waxaa la idinku abaal marin waxa aad fasheen

29Kani waa Kitaabkayaga oo idiinka hadlaya si xaq ah, hubaal Waxaanu qornay waxaad fasheen

30Ma kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama falay, Rabbigood wuxuu ka yeeli doonaa inay galaan Naxariistiisa, arrinkaasi weeye Liibaanta Wayn

31Ma kuwase gaaloobay: Sow ma ahayn Aayadahayga kuwo la idiin akhriyo? waxaadse aheydeen kuwo isla weyn oo waxaad aheydeen qolo dambiilayaal ah

32Oo marka la yidhaahdo: Hubaal Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq, oo xagga Saacadda, shaki kuma jiro waxaad tidhaahdeen: Ma naqaan waxay Saacaddu tahay, oo ma fileyno (inay dhaceyso) inkastoo aan uun maleyno malo (aan xag jirin), oo ma nihin innagu kuwo huba

33Oo xume wixii ay faleen baa u muuqan doona, oo wixii ay ku jees-jeesi jireen baa koobi doona

34Oo waxaa la odhan: Maanta waan idin halmaameynaa sida aad u halmaanteen la Kulanka Maalintiinnaan, Oo hoygiinnu waa Naarta, oo ma jirto cid idiin soo gargaari

35(Arrin)kaasi waxaa ugu wacan inaad ka dhigateen Aayadahii Ilaahay jees-jees, oo noloshii adduunka baa idin hodday. marka Maanta lagama soo saari doono halkaa, oo lagama yeeli doono cudur daarasho

36Ee Allaah baa mudan ammaan idilkeed iyo mahadba, Rabbiga samooyinka iyo Rabbiga arlada, Rabbiga uunanka

37Oo Isagaa iska leh Weynaanta samooyinka iyo arlada gudahooda, oo waa Isaga Adkaadaha, Xakiimka ah

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath